Uncategorized

Wasiirka Duuliska Oo U Muuqda Inuu Mar Labaad Dib Ugu Laabtay Dhiriqda Musuqii Garoonka Hargeysa iyo Mashruucii Dib-u-dhiska Dhabbada Diyaaradaha Oo Muddo dhaaf Galay

Hargeysa:03-March-2014(SDN)-Waxa Mar kale  Ifafaalihiisa la Arkayaa Ceebihii  mar kasta ku Iman Jirey Dib udhiska Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal International Airport, kadib markii uu   dib uga Dhacay inay Shaqada dib-u-dhisku Bilaabanto xilligii Ballantu ahayd.

xashigaGaroonka Dib-u-dhiskiisa ayaa Loo Ballansanaa inuu bilaabmo  01-03-2014-ka, Balse waxa Taasi ma muuqato wax ifaafaale dhismo ahina kama Muuqdaan wali Garoonka.

Wasiirka ayaa markii uu dhagax dhigayey Mashruucan Dib loogu Dhisayo Run-way-ga Garoonka isagu sheegay in dib u dhisku bilaabmi doono Kowda Bisha, isla-markaana Uu Dhammaan Doono  Muddo lix bilood ah ka  dib, balse ka jiraan wax shaqo ah oo la Bilaabay xilligan oo muddo laba cisho ah laga Joogo muddadii ballantu ahayd.

Wasiir Maxamuud Xaashi oo qandaraaskan cusub ee dib loogu dhisayo dhabbada diyaaraduhu ka haadaan ee Cigaal International Airport mar kale siiyey shirkadii hore u qaadatay Mashruucii hore ee Garoonka oo Hadal badan iyo isqabqabsi badani ka yimi, ayaa Haddana mar kale Qandaaska ugu celiyey shirkadaas Somaliland Chine Horn Group oo hore shacabku shaki badan uga qabeen.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyada aanu ka Helayno Madaarka Hargeysa, ayaa sheegaya inaan   agabkii goobta lagu dhisayey wali halkaas la Geynin, waxana taasi ay muujinaysaa in durtaba ay bilaabantay  Cagojiidkii iyo caajisnimadii lagu yaqaanay shaqada garoonka laga qabto iyo waliba midda ay shirkaddin hayso.

Mashruucii kan ka horreeyey oo lacag ku dhaw Toban million oo Dollar ku baxay ayaa si weyn loo dhaleeceeyey Meesha uu maray iyo waxa lagu qabtay, waxana uu safka hore kaga jiraa Musuqmaasuqa ugu weyn ee Xukuumadda Siilaanyo Diiwaanka loo Geliyey, balse waxba kama uu qaban madaxweyne Siilaanyo arrintaas, waxana mar kale Qandaraaskii labaad si fudud oo Bilaa Tartan ah Gacanta loogu Geliyey isla shirkadaas hore.

Wasiir Xaashi oo isagu aan marnaba qiranin dhaliilaha iyo musuqa loogu jeediyey shaqadii garoonka laga rabay, ayaa haddana u muuqda inuu mar labaad ku noqday Dhiriqdii musuqa huwanayd ee hore uu u galay, waxana isasii Guraya Ayaamaha uu dib u dhacayo bilowga Mashrucaasi oo Shacabku si weyn isha ugu Hayaan, maadaama kii hore uu madmadow galay

Lama Garan karo Xilliga rasmiga ah ee Mashruucaasi Bilaabmi doono, waxase Shacabku ay si weyn u Hadal hayaan Sababta Keentay inuu dib udhacaasi yimaaddo, iyagoo intooda badani ka Warwarsan yihiin shaqada la qaban doono iyo sida wakhtiga loo dayacayo iyadoo aan wax cudurdaar ah la Bixinin.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com