Hargeysa:17-Sep-2013(SDN)-Waxa maalinba maalinta ka dambaysa sii ballaadhanaya waftiga Madaxweynaha ee safarka shaqo ku maraya Gobolada Bariga Somaliland kuwaas oo hoos u dhigay bilicda iyo Hannaan-socodkii madaxweynaha.
Waftigan madaxweynaha la socda, ayaa waxa Buux-dhaafiyey wasiirro iyo xildhibaanno aan culays iyo cidhiidhi mooyaane wax kale ku kordhinaynin socodka madaxweynaha, waxana guud ahaanba Siinad-guuray qaabkii madaxweynuhu uga qaybgelayey munaasibadaha uu u jeeddooyinkooda halkaas u tegay iyo waliba goobaha uu dhagaxa dhigayo, taas oo sababtay in madaxweynihii ay cidhiidhi ba’an ku hayaan masuuliyiin hawlihii ay qaranka u hayeen Baylah yihiin oo wax ay u socdaan la fahmi Karin.
Inkastoo aan la tiring Karin, haddana haddan xubnaha sida weyn waftigan qaab-xumada ugu keenay waxa ka mid ah wasiirrada wasaaradaha warfaafinta, Beeraha, Ciyaarah, Gaashaan-dhigga, Horumarinta Reer miyiga, Waxbarashada, wasiirudawlaha Maaliyadda iyo xildhibaanno badan oo aynu ka xusi karno Cali-marreexaan iyo waabeeye.
Xubnahan oo dhamaantoodba aan waxba ku taraynin waftigan, islamarkaana isdhex yaac iyo nidaam-xumo ku keenay waftigan, ayaa dayacay oo ka dhaqaaqay shaqooyinkii ay qaranka u hayeen, waxana sida muuqata qaarkood madaxweynaha ula socdaanab inay jeediyaan Hadallo dhiif leh oo ay mu durayaan dadka madaxweynaha dhaliila, si ay arrintaas kalsooni ugaga helaan madaxweynaha si uu kalsooni dheeraad ah u siiyo.
Waftigan madaxweynaha ayaa Guud ahaanba uu ka lunsan yahay Hannaan-socodka iyo qaabka madaxweynenimo, waxana ay si aad u waxyeeleeyeen maamuuskii iyo sharaftii madaxweynah, iyagoo goobaha madaxweynuhu ka qaybgelaya ka dhiga bilaa nidaam, islamarkaana bixiya sawir muujinaya Jabhadnimo iyo qaab-xumo.
Ma aha markii ugu horraysay ee uu madaxweynuhu kaxaysto xubno aan waxtar u lahayn socdaalkiisa, balse waxyeello ku ah sida kuwan uu haatan wato oo kale, waxanan jirta inay saxaafaddu dhib badan kala kulanto Hannaankan isdaba yaaca ah, iyadoo masuuliyiin badabani amarro iska soo horjeeda ay bixyaan marka madaxweynuhu munaasibad joogo, taas oo jaahwareer gelisa madaxweynaha.
Ugu dambayntii waxa looga baahan yahay inuu madaxweyne Siilaano Dib ugu noqdo Hannaanka uu u baxayo iyo waliba tirada Xubanaha uu kaxaysanayo xilliyada uu safarrada noocan oo kale ah dalka ugu baxayo, iyadoo markastaba ay madaxweynaha u fiican tahay inuu dad yar oo kooban kacaysto si socodkiisu u noqdo mid madaxweyne oo dalka wax ku soo kordhiya.
Somalidiasporanews.com
