|

Maxaa Kala Haysta Real madrid Iyo Atletico Madrid oo u Soo Baxay Ciyaartii Kama Dambeysta (Copa Del Rey Finals 2013) By Jaahuur.

Copa Del Rey-Spain-Feb-28-2013-qurbejoognews.com-Ottawa-Saaxiibayaal faaqidaadeena ciyaaraha waxaynu ku fiirineynaa xaggaa iyo Spain iyo koobka Copa Del Rey oo ciyaartii kama dambeysta ahayd la iskugu yimid (Finals) Real Madrid vs Atletico Madrid.

Real Madrid oo hore ciyaartii Semi Finalka uga soo badisey Barcelona ayaa waxay sugeysey Atletico iyo Sevilla hadba tii soo badisa si ay final u wada ciyaaraan.

Haddaba ciyaartii galabta dhexmartey Atletico iyo Sevilla ayaa ahyd ciyaar aad u xiisa badneyd,ciyaarta qeybteedii hore daqiiqadihii 6-aad iyo 29-aad ayey Atletico hormarsatey 2-Gool waxaana u kala dhaliyey Beto iyo Falcao.

Ciyaata qeybteedii dambe goor ay xeedhiyo fandhaal kala dhaceen ayey Savilla la timid 2-Gool,laakiin markii lugtii hore iyo tii labaad oo ay galabta wada ciyaareen waxaa 4-3 ku soo baxdey Atletico Madrid.

Asxaabtay koobkan Copa Del Rey waxaa ciyaarta kama dambeysta ah foodda isla gali doona Real Madrid iyo Atletico Madrid May-18-da walina lama cayimin meesha lagu ciyaari doona.

W/ Qorey Jaahuur

qurbejoognews.com       Ottawa

jjaahuur@hotmail.com

Comments are closed