Uncategorized

Maxay Jordan Kaga Aargudatay Duuliyaheedii Nolosha Lagu Gubay?

Oman:Feb,04,2015(SDN/QJ)-Kadib cadho iyo murugo badan oo ka dhalatay Hannaankii Ururka Daacish u dileen Duuliyihii Reer Urdu nee ay gacanta ku hayeen, ayaa Dawladda Urdun si degdeg ah qudha uga jartay Haweenay hore dil ugu xukunayd oo ay hayeen iyo Nin kale oo arrimo argagixiso loo haystay.

joogeWarbaahinta dalka Jordan, ayaa maanta oo Arbaca ah shaaciyey in la dal dalay haweenay u dhalatay dalka Ciraaq oo lagu magacaabo Sajida Mubarak Atrous al-Rishawi.

daacish3 daacish2 daacish

Haweenaydan ayaa kasoo jeeda asal ahaan dalka Ciraaq waxaana lagu xukumay wadanka Jordan sanadkii 2005 kadib markii uu fashilay weerar ismiidaamin ah oo ay dooneysay inay isku qarxiso hotel ku yaal caasimada dalka Jordan ee Amaan.

Maxbuuska labaad ee u dhashay dalka Ciraaq oo ay dowlada Jordan qisaastay, ayaa la sheegay in arrimo argagaxiso hore loogu xukumay, waxaana hore maxkamada ugu xukuntay dil, wallow aan faah faahin dheeraad ah laga bixin macluumaadkiisa.

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaala madaxda Urdan waxayna dalbanayeen in loo aaro duuliyaha oo 26 sano jir ahaa.

Duuliyaha oo la odhon jiray Mucaath al-Kasasbeh ayaa waxa uu gacanta u galay kooxda daacish dhamaadkii bishii hore ee Disembar kaddib markii diyaaradii dagaalka ee uu waday ay kooxdu soo riday.

Boqorka Urdun King Abdalla ayaa khudbad toos ah oo uu jeediyey isagoo jooga Washington waxa uu duuliyaha ku tilmaamay geesi u dhintay wixii uu aaminsanaa iyo dalkiisa hooyo.

Waxa uu ku tilmaamay kooxda daacish koox aan la mid ahayn dadka kale. Waxa uu si deg deg ah u soo afjaray socdaal uu ku marayey maraykanka, waxa uuna la kulmay Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com