Uncategorized

Halkan ka daawada waraysi Muuqaal ah oo Cabdishakuur Heersare 30/07/2011kii ka qaaday alle ha u naxariistee Xuseen Sheekh Axmed Kadare

Hargeysa Feb 04,2015(SDN/QJ)-Waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa waraysi uu muuqaal ah oo Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare) 30/07/2011 ka qaaday alle ha u naxariistee Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo sabtidii todobaadkan lagu aasay magaalada Muqdisho kana mid ahaa dadkii rukunnada u dhigay in afka soomaaligu yeesho far qoran, isagoo lahaa far la odhan jiray “Kadariya” oo ka mid ahayd farihii ugu muhiimsanaa ee la soo bandbigay. ilaahay ha u naxariisto. Waxa kale oo uu ahaa abwaan, qoraa, mufakir iyo cilmi-baadhe ku xeel-dheeraa arka soomaaliga.

 

Alle ha u naxariistii wuxuu waraysiga si mug leh ugu sharxayaa heerarkii uu soo maray qorista afsoomaaligu, isagoo si gaar ah u tilmaamaya farkii uu sameeyey noocii ay ahayd.