|

RW Cumar C/rashiid oo sheegay in loo baahan yahay isbadal dhinaca hogaanka dalka ah

Muqdisho 03. December 2016 (SDN/QJ):-Ra’iisal wasaaraha dalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke ee waqtigu ka dhamaaday ayaa sheegay in xiligan loo baahan yahay isbadal ku dhaca dhinaca hogaanka dalka, mar uu Kismaayo kula hadlayay xubnaha labada aqal ee dhawaan la doortay.

 

Cumar Cabdi RashiidRa’iisal wasaare Sharm’arke oo kulan la qaatay 51da xubnood ee labada aqal ku matallaya maamul gobolleedka Jubbaland, ayaa faah faahin ka siiyay arrimaha siyaasada dalka, gaar ahaan doorashada madaxweynaha Soomaliya ee dhawaan dalka ku soo fool leh.

 

Cumar C/rsahiid oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa u sheegay xildhibaannada in ay dib u eegis ku sameeyaan hogaanka dalka ee xiligan kaddibna go’aan ka qaataan doorashada soo socta si loo hello isbadal dhinaca hogaanka ah.

 

Kulanka oo lagu tilmaamay mid qeyb ka ah olalahiisa doorasho ayuu ka dalbaday xildhibaannada in ay codkooda ku taageeraan, isaga oo ballan-qaaday haddii uu xilkan ku guuleysto wax badan ka qaban doono marxalada dalka uu ku sugan yahay afarta sanno ee soo socta.

 

Madaxda ugu sareysa dalka oo dhamaantood uu ka dhamaaday waqtigii sharciga ah ee loo admaday shaqada Qaranka, ayaa hadda xusul duub adag ugu jira siddii ay ugu guuleysan lahaayeen doorashada dalka, waxaana jira isbaheysiyo kala duwan oo sameysanayaan siyaasiyiinta iyo hogaamiyayaasha gobollada dalka oo lagu kala jiinayo musharixiinta.

Comments are closed