|

Obosanjo: Xanaanaynta Madaxweynayaashii Hore ee Afrika Waxay u Dhigantaa ta Xayawaanka!!

Nayjeeriya 23. July 2017 (SDN/QJ):- ‘Waxaa lama huraan ah in Madaxda  Afrika ay Madaxweynayaashoodii hore kula dhaqmaan qaab karaamo iyo ixtiraam leh, sababtoo ah xiligan waxaanu la mid nahay Xayawaanka oo kale’ sidaa waxaa yidhi madaxweynahii hore ee Dalka Nigeria Olusegun Obasanjo.

Madaxweyne Obosanjo ayaa qaab xikmad leh waxa uu isu weydiiyey sida uu Hogaamiyahii xornimada ee Zambia ahna madaxweynahoodii ugu horeeyey Kenneth Kaunda oo xiligan 93 jir ah arbacadiina cisbitaalka la dhigay uu had iyo goor caafimaadkiisa wax uga qabto iyo sida ay ragga kalkaaliyayaashiisa ahi ay ugu hagar baxeen, kuwaas oo xitaa laga yaabo inay kutubta uga eegaan daawadiisa, sida uu Obosanjo hadalkiisa u dhigay.

Obosanjo oo habeenkii arbacadii ka hadlayey xaflad ka dhacday magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika oo uu ku soo bandhigayey buugiisa lagu turjumay Luqadda Faransiiska ayaa waxa uu yidhi sidan: ‘Zambia waxa aan imid xiligii la dhibaataynayey Madaxweyne Kaunda, waxana aan ka fekera haatan  in Zambia ama dalalka kale ee Afrika in aynaan ka yeelin in madaxweynayaashii hore loola macaamilo si bilaa karaamo ah’, isagoo intaa ku daray in xilli ka mid ah uu u tegay kenneth Kaunda oo weydiiyey buuga ama kitaabka looga eego daaweyntiisa, laakiin uu Kaunda ugu jawaabay in aanu buug keliya ahayn ee ay badan yihiin.

Madaxweynahii hore Obosanjo waxa kale oo uu ka hadlay madaxweynahii hore ee Masar Xusni Mubarak oo uu ku sheegay in lagu dhex daweyn jiray sheelada xabsiga iyo gaadhiga shabaqlaha ah ee Maxkamadaha hor keeni jiray, ka hor intii aan dhowaan madaxbanaanidiisa loo soo celin.

Comments are closed