|

Mobile Saddex Bilood Hal Mar Dab U Baahanaya, Telefoonnada Kalana Dab Siinaya.

Hargeysa,6sep,2015(QJ/SDN)-Shirkadda GT Star oo xarunteedu tahay Hong Kong ayaa soo saartay talefan ka gacanta ah oo le’eg kaadhka bangiyada lacagta lagala baxo ama kaadhka aqoonsiga, dhumucdiisuna tahay 5.5 Millimeter oo keliya. Talefankan oo ay shirkaddu u bixisay Janus One waxaa lagu qaadan karaa shandadda jeebka ee lacagta lagu gurto. Waxaana loogu talogalay in laga isticmaalo hadalka oo keliya.

mobil

Waxyaabaha wanaagsan ee uu talefankani la gaarka yahay waxaa ka mid ah in aanu dab u baahanay muddo 3 bilood ah iyo in xilliyada aad u baahato uu isagu dabka sii siin karo talefanka gacanta ee casriga ah (Smart phone). Intaa waxaa dheer in uu u shaqaynayo laba nooc oo ah in uu si madax bannaan kaadh (Lambar) u gaar ah ugu shaqeeyo, iyo mararka qaarkood in iyada oo Bluetooth ka la adeegsanayo lagu xidhiidhiyo talefanka gacanta ee casriga ah, sidaa awgeed uu talefankaas lambarka ku jira uun la shaqaynayo, oo marka uu talefanka casriga ahi soo aad kan yar ka qaban karto ama aad kan yar talefannada ka diran karto adiga oo adeegsanaya kaadhka ku jira ka weyn ee casriga ah.

Talefankan yari marka uu soo dhaco waxa uu leeyahay gariir la dareemi karo xitaa marka uu ku dhex jiro Shandad Jeebka. Waxaa iyaduna xusid mudan in talefanka gacanta ee Janus One uu awood u leeyahay in uu iska caabbiyo nabarrada iyo jugta soo gaadha, sida marka uu dhaco oo kale iyo sidoo kale biyaha oo aan wax dhibaato ah gaadhsiinayn haddii uu ku dhex dhaco. Talefankan oo qiimaha uu suuqyada ku yaallaa yahay 69 Doolar ayaa la filayaa in ay dad badani iibkiisa xiisayn doonaan, gaar ahaan dadka jecel in ay isticmaalaan talefannada gacanta ee casriga ah ee ballacoodu weyn yahay, kuwaas oo u adeegsan doona in ay talefankan yar ku hadlaan ama farrimaha degdegga ah ka dirtaan ama ka akhristaan.

 

Source Geeska

QJ/SDN:Hargeysa

Comments are closed