Muqdisho Feb 09,2014(SDN)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar aan hore loo shaacin ugu anbabaxay dalka Turkiga si baaritaan caafimaad loogu soo sameeyo.
Xaaladan caafimaad ee madaxweynuhu ugu duulay dalka Turkiga ayaan wax faahfaahina laga bixin.
Xogaha ka soo baxaya madaxtooyada Soomaaliya ayaase tibaaxaya in madaxweynuhu uu baaritaan Turkiga u tegay.
Ilo wareedyadu waa ay ka gaabsadeen in ay tafaasiil ka bixiyaan baaritaanada nooca ay yihiin.
Waxaase ay ku gaabsadeen uun in ay yihiin qaar la xidhiidha taxadar uun.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com
