Muqdisho 20.Jan 2014 (SDN)- Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta loo qeybiyay qorshaha xukuumadda cusub ee raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo magacyada golaha wasiirrada ee uu dhowaan magacaabay.
Xildhibaannada oo maanta Muqdisho ku yeeshay kulankii 57-aad ee kalfadhiga saddexaad ayaa la siiyay 24 saac oo ay ku soo akhriyaan qorshaha xukuumadda cusub.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo shir-guddoominayay kulankii maanta ayaa sheegay in berri oo Talaado ah ay xildhibaannadu ka doodi doonaan qorshaha xukuumadda.
Kalfadhiga saddexaad ee baarlamaanka ayaa lagu wadaa in uu xirmo Arbacada soo socota oo ay 22 tahay bishan Janaayo.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com
