|

Mudane Madaxweyne Dekeda Berberi Maareyn ayey u baahan tahaye umma baahna Maalgashi Deris ku nool ah

Hadii ay ka dhab tahay Madaxweyne Siilaanyo in Dekeda Berberi noqoto mid balaadhan oo u adeegta danaha shacabka Somaliland iyo dalka deriskeena ah ee Ethopia Waa in dhaqaale loo raadiyaa oo la qabyo tiraa oo la balaadhiyaa qaybaheeda qabyada ah. Hadii ay in uun dhab ka tahay in uu kor uqaado meeqaamka marsada Berbera si ay shaqo abuur iyo xirfado cusubi ugu soo kordhaan shacabka, waa in dhulka balaadhan ee duleedka Dekeda lagu fidiyaa Dekeda oo Shirkado wax dhisa la keenaa ee maaha Xaalku inta Magaca Dekeda qoorta lagu marto in lays bar-baryaaco oo Dilaal iyo Malaal  lawada noqdo si wax loo raamsado.

Maalgashigu waa furaha shaqo abuurka ummaddeed  taas oo marka wadan maalgashigiisu bataba ay kordhaan shaqo abuurkiisu, Hadaba Shirkadaha waaweyn ee Caalamiga ah, ayaan iyagu marnaba ku iman gacan haadin,af-dhuunyaaleyn iyo dus dus iyo dilaalnimo qof qof ah ee Waxaa shirkadaha caalamiga ahi ay ku yimaadaan shuruudo xigmadeysan oo xalibnaan ah oo maalgashi caalami ah oo ay ka mid yihiin kuwan hoose:
1- Shuruuc iyo Xeerar dhamaystiran oo Maal-gashi ( Halka Wax ka bedelista iyo kaabista xeerka maalgashiga ee JSL uu mudo dheer yaalay Golaha Wakiilada oo uu dhasku ku dhacay )
2- Shirkado Caymis ( insurance companies ) ku waas damaanad qaad iyo magdhowba bixiya hadii khasaare dhaco.
3- Maxkamado tayo leh oo madax banaan kuwaas oo dhex u noqda hadii muran iyo ismari waa uu soo dhex galo dawlada iyo shirkadaha maalgashiga  sida aynu ka dheregsanahayna  maanta JSL sharciga, cadaalada iyo Garsoorkuba  waa iib sida waxbarashada.
4- Amniga oo sugan min bari ilaa galbeed taas oo ay jimciyada quruumaha ka dhaxaysaa ay ku sameyso Qiimeyn amni oo sugan oo isku wada halbeeg ah.
5- Waa in Wadanku ka xor yahay Musuq-maasuqa cunsiriyadeysan ee maanta  ragaadiyey ilihii dhaqaalaha ee Somaliland oo dhan.
6- Waa in wadanku yeeshaa Baanan Ganacsi oo Caalami ah ( halka ay Somaliland Baanankeedu ay hada yihiin fadhiid )
7- Waa in la eegaa shirkadihii hore wadanka umaalgashaday iyo  sidii loola dhaqmay ( waxaana la ogaa Shirkadii Total ee maamuleysay Haamaha shidaalka ee berbera sidii ay ula dhaqantay Xukuumada Siilaanyo ee isku hilan ishuwan.Hadaba Su’aashu waxay tahay Somaliland Ma buuxin kartaa Shuruudahan sare?? Jawaabtu waa maya , Hadaba Maalgashigan carabka shacabka loogu soo  cel-celinaayo ee lagu canqarinaayo waa ” Werdi Xeeladi Dabo Taalo “  iyo in Shirkadaha ka faa’ideysta Dawladaha Jilicsan ee aan la ictiraafin sida JSL in Dekeda Berbera loo sadqeeyo oo Dilaalis iyo Aduun buuran laga dhufsado.
Waxaa Shacabka reer Somaliland ka dheregsan yahay Heshiisyada tirada beelay ee mugdiga iyo mad-madowagu ku meersan yahay ee ay xukuumadu la gashay Shirkadaha badan ee Shidaalka sahamiya ku waas oo aan weli la horkeenin Golaha Baarlamaanka si uu shaqadiisa uga guto oo u ansixiyo. Hadaba waxaa qalad ah oo qadaf ku ah sunaha dawladnimo sifaha is bar-bar yaaca ah ee Dilaalista loogu weeraray ee loo weeteeyey shirkadahan quud daraynaaya in ay Maalgashadaan Dekeda Berbera , kuwaas oo ay ka midka yihiin;
1– Bollore oo Fransis ah
2- DP World ( UAE )
3-Prime Africa ( Saudi Arabia )
4- Kuwait Logistics ( Kuwait )
 Shirkadahan waxaa u dus dusay oo udabo marteeyey Gudidii loo xil saaray si ay Dilaalis buuran uga qaataan shaqsiyaad ku xidhan xayndaabka madaxtooyada,kuwaas oo ay ka mid yihiin shaqsiyaad Xil-kadegeyaal xurmaysan ah, Shaqsiyaad Xilsugeyaal  xamuuran ah, Shaqsiyaad Xil-quudeyaal qatan ah, Shaqsiyaad Xil-magaag ah  iyo Xidid maal iyo xigto maal sukeyaal ah.Xukuumada Siilaanyo ee la curatay qaybsanaanta iyo qaraabo kiilku waxaa ragaadiyey Af-lameer dhegaysta sanqada Zaadkiisa, Waxaa ragaadiyey duul duflaaliin iyo guraan gur ah oo maroorsaday taladii qaranka, waxaana horumarkii qaranka adhaxda ka jebiyey musuq-maasuq baahsan taas oo meesha ka saartay xalibnaantii, xilgudashadii iyo isxisaabintii dawladnimo.
” Boowe ma maqli jirteen waa duul wanaagii u yaalay  Wegdo, Dalbo, tuur iyo tarbiicooyin is wada dabraaya” Bal adba!
Guntii iyo Geba-Gebadii Qormadan: Xukuumada Siilaanyo oo mudo xileedkeedii dastuuriga ahaa ay hada uga  hadhay 86 maalmood ma wareejin karto Dekeda Berbera ee qaranka Somaliland waqtigan xaadirka ah?  Waxaa kale oo shacabka reer Somaliland lala socodsiinayaa in aanay dhameystirneyn Somaliland sharciyadii iibinta iyo wareejinta hantida maguuran ee qaranku. Sidaa daraadeed Qarankani ma laha sharcigii u gaarka ahaa sida  ( Privatisation Law and Public Private Partnership Law )  Waxaan Xukuumada u soo jeedinayaa in ay ilaaliso maslaxada guud ee qaranka JSL oo ay ka waantoowdo in ay ilaha dhaqaalaha ee wadanka dhaxal-wareejiso una sadqeyso  in 4 shaqsi ay masiirkii 4 Million ee reer Somaliland ay sida ay doonaan ka yeelaan.
Hasha ka irmaan Habaar qabe maal
Ana hawshiyo Habeeda imari
Geeso Hyadhane Lo’da hadh udiid
misna ma hadhsado ee ee
Allow sahal amuuraha Aakhiro Samaan Ooman Baa yimi’ye!!!!
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.

Comments are closed