|

Kampala Oo Lagu Toogtay Haweenay Gacanta Ku Haysay Dacwad Ka Dhan Xubno Shabaabnimo Ku Eedaysnaa

Kampala:Mar,31,2015(SDN/QJ)-Haweenay gacanta ku haysay Dacwad ka dhan ahayd Xubno lagu xidhiidhiyey Shabaabnimo, ayaa lagu toogtay Magaalada Kampala ee Caasimadda Dalka Uganda.

kigoHaweenaydan, ayaa haysay dacwadda Rag tiradoodu ahayd 13 oo lala xidhiidhiyey kooxda Al-shabaab, waxana  aan la haynin ciddii dilkeeda ka dambaysay.

Haweenaydan oo lagu magacaabi jirey Joan Kagezi ayaa la toogtay, xilli ay ku sii jeeday hoygeeda, waxaana toogtay dabley hubeysan oo mooto dhug-dhugley saarnaa.

Afhayeen u hadlay Booliska ayaa sheegay in dableyda dilka geystay ay baxsadeen, waxaana haweeneydan ay geeriyootay, intii loo sii waday isbitaalka ugu weyn dalkaas.

Taliyeyaasha Booliska iyo Milateriga ayaa gaadhay goobta uu dilka ka dhacay, waxaana socda baadhitaano ay wadaan hey’adaha dambi baadhista Uganda.

Mrs Kagezi waxa ay hogaaminaysay laanta la dagaalanka argagixisada ee xafiiska dacwad oogaha Uganda, waxaana dadweynaha Uganda ay is weydiinayaan inay laheyd ilaalo ku filan iyo in kale.

Raggan lagu soo oogay dacwada ayaa loo heystaa inay ka qeyb qaateen weerarkii bambaano ee Al-Shabaab ku qaaday Kampala sanadkii 2010, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 70-ruux.

Dilkan ayaa ku soo beegmay, iyadoo warbixin ay soo saartay Safaarada Mareykanka ee Kampala ay ka digtay weeraro argagixiso ah oo Al-Shabaab ka geysato magaalada Kampala.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed