Oslo:June,20,2015(SDN/QJ)-Dalka Norway oo Haatan Galay xilli ay cadceeddu soo jeeddo 24-saacadoodba, ayaa Muslimiinta ku dhaqan oo Soomalidu kamid tahay waxa ay la afuraan, isla-markaana la suxuurtaan Muslimiinta ku dhaqan Waddanka Sucuudiga, iyagoo adeegsada Saacadda Makkah AL-Mukarramah.
Muslimiinta ku nool dalka Norway gaar ahaana kuwa degan Waqooyiga dalkaas Norway oo xilliga kuleylaha ah aanay qorraxda ka dhicin ayaa waxaa la sheegay inay la soomaan Xaramka arintaas oo macneheedu yahay inay ay Saxuurtaan qoraxda oo soo jeedo islamarkaana ay afurayaan qoraxda oo soo jeedda oo ay walina tahay maalin cad.
Maxamed Salaad Faarax oo ka mid ah Soomaalida ku nool magaalada Vadso ee dalkaas Norway oo ah magaalo aanay qoraxdu ka dhicin ama waqtigan lagu jiro aan arkin wax habeen ah ayaa waxaa uu sheegay inay la soomaan dalka Sacuudi Carabiya oo ay waqtigooda ku Soomaan oo ayna ku afuraan isla waqtigaas.
Ugu dambeyntiina iyadoo Soomaalidaas iyo Muslimiinta kale ee ku nool Waqooyiga dalka Norway ay la soomaan Xaramka ayaa Sanadkan oo uu ku soo aaday bisha Ramadaan waqtiga kuleylaha ah waxay la macno tahay in meelo badan oo ka mid ah wadamada adduunku gaar ahaan wadamada reer Yurub inuu yahay Soonku mid adag maadaama ay dhici karto in la Soomanaado in ka badan 23 saacadood.
Soomaalida ku nool meelaha uu soonku yahay mid uu waqtigiisu uu aad iyo aad uu u dheer yahay ayaa kuwooda awooda waxay uga qaxaan wadamada Carabta iyo Soomaaliya si ay halkaas ugu soo qaataan bisha Barakeysan ee Ramadaan.
SDN/QJ
