|

“Si adag ayaan u hor istaagi doonnaa shirkadahaasi inay Puntland ka shaqeeyaan, Masoo gali doonaan” Farroole

Garoowe 31.Aug 2013 (SDN)- Madaxwaynaha Puntland Dr. C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in dawaladda Soomaaliya ay caqabad ku noqotay hirgalinta dastuurka Federaaliga ah ee Soomaaliya.

Madaxwaynaha oo waraysi gaar ah siiyay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ayaa xusay in dawladda Muqdishu ku xadgudubtay habka faderaaliga ah .

FarooleWuxuu madaxwaynuhu sheegay in xukuumadda hadda jirtaa rabto inuu waddanku noqdo meel hal goob ah looga arimiyo sidii xilligii Maxamed Siyaad barre.

Madaxwaynaha ayaa sheegay inuu maamulkiisu ka shaqayn doono soo saaridda khayraadka ceegaaga dalka.
“ Dastuurka hadda shaqeeya waxa uu mamnuucayaa una diidayaa dawaldda inay gasho heshiisyo lagu soo saarayo saliid “ ayuu yidhi Farole .

Madaxwaynuhu wuxuu sheegay shirkadaha saliidda ee dawladda Muqdisho heshiiska la gashay inay hor istaagi doonaan oo aanay ka hawl gali doonin cariga Puntland.
“ Masoo gali doonaan, si adag ayaan u hor istaagi doonnaa shirkadahaasi inay Puntland ka shaqeeyaan” ayuu yidhi Dr. Faroole isagoon faah faahin sii raacin.

Madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in shirkadda shidaalka baarta ee er Africa Oil iyo Range Resources inay hawlahooda sii wadan donaan inta ay wada hadalka kula jiraan dawladda Muqdisho.

” Markii aan waddanka keennay Africa Oil , Puntland, waxaan si cad u sheegay in khayraadka aanay Puntland kaliya lahayn ee shacabka Soomaaliyeed uu u dhexeeyo” ayuu yidhi Faroole.

Dhinaca kale, Madaxweynaha DF Somalia Xasan Sh. Maxamuud oo ka jawaabayay hadalada Farroole ku weeraraay ayaa sheegay in Dowladu ay wadahadal la furayso Puntland, ayna dadaal u galayaan sidii wixii keenay in Puntland ay xidiidhka u jarto DF ay meesha uga saari lahaayeen.

Xasan Shiikh ayaa hadalkan ku sheegay warbixin uu shacabka Muqdisho uga jeediyay Warbaahinta DF, isagoo sheegay inay ka xun yihiin Puntland ay mar keliya ku dhawaaqdo inay xidhiidhka u jarto DF.

“Puntland waxaan xusuusanaa inay tiir u tahay dhismaha Dowlada Federalka Somalia, dhaqaale badan iyo waqtina ay ku bixisay, dhowr jeerna shirar lagu qabtay Puntland, kuwaasoo looga tashanayay dowladnimada Somalia, balse waxaan garan la’ahay sababta keentay in Puntland ay xidhiidhka u jarto DF,”  ayuu Madaxweynuhu hadalkiisa ku yidhi.

Madaxwenaha Somalia ayaa sheegay in shacabka Puntland ay astaan u yihiin xoriyada iyo dowladnimada Soomaaliya, haddna taariikh waa ku leeyihiin sidii dalka uu uga bixi lahaa dhibaatada uu kusoo jiray mudada dheer.

“Dowladu waxay wadaa qorshe ay kula hadlayso Puntland waxaana  si aad ah ugu dadaalaynaa inaan xal u helno wixii keenay inay xidhiidhka u jarto DF, waayo waxaan nahay bani’aadam khalad waa dhici karaa xalna waa loo heli karaa” ayuu hadalkiisa ku yidhi.

Garoowe SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed