|

Ra’isal Shirdoon oo lagu wado inuu maanta la kulmo Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga

Riyaad 31.Aug 2013 (SDN)- Raysul wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa lagu wadaa in uu maanta kulamo la qaato wasiirrada arrimaha dibadda iyo gudaha ee dalkaasi Sacuudiga.

Shirdoon-Sacuudiga-250x300Afhayeenka xukummadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa sheegay in raysul wasaaraha uu kala hadli doono madaxda uu la kulmayo sidii loo xoojin lahaa taageerada dowladda Sacuudiga ay siiso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli waxa uu sheegay in raysul wasaaraha, oo casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Sacuudiga, uu u bandhigi doono madaxda uu la kulmayo horumarka nabadeed iyo siyaasadeed ee laga gaaray Soomaaliya.

Raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sidoo kale kulan caawa la qaadan doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Sacuudiga.

Riyaad SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed