|

Puntland Oo Jaho-wareer Ka Qaadday Ciidammada Qaranka Ee Kala Wareegay Tuke-raq, Soona Rartay Ciidankii Ka Hor-taagnaa Al-shabaabta Buuralayda Galgala

Hargaysa 18. January 2018 (SDN/QJ):-Waxa illaa hadda Xaalad Colaadeed ka taagan tahay Koonfurta Gobolka Sool ee Somaliland, gaar ahaan deegaannada ku dhow Magaalada Tuke-raq oo Ciidammada Qaranka Somaliland ay dhawaan ka saareen Maleeshiyaad u joogay Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, kuwaasi oo muddo dheer si Sharci-darro ah ugu amar ku taaglaynayey Dadka deggan.

Ciidammada Qaranka Somaliland oo fulinaya Awaamiirta Madaxda Sare ee Qaranka isla-markaana niyada ku haya waajibaadkooda ah inay Tallaabo ka qaadaan Cid kasta oo ku soo Xad-gudubta Qaranka Somaliland, ayaa dhowr iyo Toban Maalmood muddo laga joogo ku ruqaansaday oo la wareegay Magaalada Tuke-raq oo Qiyaastii 60KM dhanka  Caasimadda Puntland ee Garoowe ka xigta Laascaanood, iyagoo u dhaafay dhanka Magaalada Garoowe oo uu ku dhow yahay Xuduudka Somaliland la leedahay Soomaaliya oo Maamulka Puntland ka mid yahay.

Tallaabada Ciidammada Qaranku kula wareegeen Tuke-raq, ayaa waxa ka cadhooday Maamul-gobolleedka Puntland oo aaminsan in Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ka mid yihiin Dhulkooda, waxayna Maalmo ka dib ay duleedka Tuke-raq soo dhoobeen Ciidamo laga soo ururiyey Gobollo ka mid ah Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo Qorshahoodu yahay inay weerar rogaal-celis ah ku qaadaan Ciidammada Qaranka Somaliland oo fadhiisimo ka samaystay hareeraha Tuke-raq.

Puntland oo Jaho-wareer ka qaadday Fadhiisimada Ciidammada Qaranka Somaliland ka samaysteen Tuke-raq oo 65KM u jirta Garoowe isla-markaana cabsi ka qaba in Ciidammada Qaranku gaadhaan Xuduudka Somaliland oo 7KM oo kaliya u jira Garoowe, ayaa Tuke-raq soo dul-dhigay inta badan Ciidammadooda.\

Telefiishanka ku hadla Afka Maamulka Puntland ee loo yaqaanno Puntland Tv, ayaa baahiyey War-bixin ku saabsan Ciidammadooda halkaa lagu soo daad-gureeyay, waxaanu Telefiishanku sheegay in Ciidammada Puntland ee duleedka Tuke-raq jooga lagu xoojiyey Ciidamo laga soo qaaday Buuralayda Galgala, deegaannada Garmaal, Garacad iyo Suuj, kuwaasi oo ay ku jiraan Ciidamo loo yaqaanno PIS.

Ciidammada PIS ayaa ah Ciidamo dagaal kula jiray Dagaalyahanno ka kala tirsan Kooxaha Daacish iyo Al-shabaab, kuwaasi oo weerarro joogto ah ku qaada Puntland, laakiin soo wareejinta Ciidammadaasi ayaa muujinaysa in Maamulka Puntland ee Cabdiweli Gaas Jaho-wareer ka qaaday Tallaabada Ciidammada Qaranka Somaliland ku gaadheen Magaalada Tuke-raq.

Dhanka kale, Wallow Puntland wixii ay Ciidamo lahayd iskugu keentay duleedka Tuke-raq isla-markaana dhowr jeer oo hore ku hanjabtay Dagaal ka dhan ah Somaliland, waxa Dawladda Somaliland muujisay isku Kalsooni, waxaana Magaalada Tuke-raq ay u dirtay Masuuliyiin ay ku jiraan Wasiirro, Xildhibaanno iyo Guddoomiyaha Gobolka Sool, kuwaasi oo Waxgaradka Magaaladaasi la yeeshay kulamo ay kaga xog-waraysteen Xaaladda deegaanka iyo baahiyahooda, si mustaqbalka wax looga qabto, maaddaama oo Maamulka Puntland oo muddo dheer joogay aanu ka hirgelin halkaasi wax ka mid ah adeegyada Bulshada, sida Xarumo Caafimaad, Waxbarasho, Biyo iyo waxyaabaha aasaaska u ah Nolosha Bulshada.

Weftigii u dambeeyay ee ka socda Dawladda Somaliland ee Tuke-raq gaadhay, ayaa ah Wefti uu Hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), kaasi oo ay Xubno ka ahaayeen Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-Indho iyo Badhasaabka Gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir.

Weftiga uu hoggaaminayo Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland, ayaa Tuke-raq kula kulmay Odayaasha iyo Waxgaradka deegaankaasi, waxayna ka xog-waraysteen baahiyaha bulshada ee deegaankaasi yaalla, si wax looga qabto Mustaqbalka dhow.

Odayaasha ayaa soo bandhigay baahiyaha yaalla deegaanka ee Maamulka Puntland aanu waxba ka qabanin Muddadii uu halkaa Maamulkeeda Gacanta ku hayey, “Puntland waxay Kastamka Tuke-raq Saddexdii Maalmoodba ka soo xerayn jirtay 43 kun oo dollar, iyadoo 43-kii kun ee Dollar Kastamka laga soo xeraynayey haddana wax Raad Dawladeed ahi Tuke-raq ma yaallo, laba Qol oo Lacagta la dhigan jiray ayaa ka dhisan.” Ayuu yidhi mid ka mid ah Odayaasha deegaanka Tuke-raq.

Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), oo isaguna markaa ka dib la hadlay Odayaasha ayaa u faahfaahiyey ujeeddada socdaalka Weftiga uu hoggaaminayo, waxaanu yidhi “Annagu waxaanu u soconaa inaanu Dadka Deegaanka u diyaarino sidii ay Dawladda ula hadli lahaay5een, markaa ka dib idinka ayay idiin taallaa inaad Dadka wax waydiisan kartaan oo aad u sheegi kartaan baahiyihiinu waxay yihiin. Qoys iyo Qof keligii loo socdaa ma jiro, markaa Odayaashiina (Tuke-raq) intaad Guddi samaysataan, waxaad u yeedhataan Dad wax qora isku dubba-rita baahiyihiina, Annaguna waxaanu idiin keenaynaa Dadkii aad baahiyiina u sheegi lahaydeen, haddaadse sheegan waydaan idinka ayay idiin taallaa.”

Comments are closed