|

Qormadii 49aad iyo 50-aad Aynu Doodno aynu Dagaalano ma-aha !! Waa DoodQaran!! Ma aha Qaliban !! Waa Dood Cilmiyeysan,Waana Xalaal !! Mana- aha inLa-shareysto.

Somaliland waa qaran dimuqraadi ah oo ku dhisan nidaamka asxaabta badan, mabaa’diida garsoorka, golayaasha-sharci dejinta iyo xukuumada (fulinta) oo ku saleysan mabaa’diida caalamiga ah ee dhawrista xuquuqda aadanaha iyo maamul-wanaaga, horumarka iyo la dagaalanka musuq-maasuqa. Hadii arinku sidaa yahay sidee loo duudsiyayaa xuquuqda iyo xoriyatal-qolka muwaadiniinta S/land?  Sidee loo duudsiyayaa damiirka -dareenka iyo garashada xorta iyo xalaasha ah ee dastuurkeena ku xardhan? mee xaqii iyo xuquuqdii uu dastuurku siiyey muwaadiniinta reer S/land? Meedey Xuquuqdii iyo karaamadii Xisbiyada qaranku? Waxay Xisbiyada qaranku xaq u-leeyihiin in ay qabtaan dood cilmiyeed loo dhanyahay oo salmi ah, maskax-tuujin ah, xisaabtan ah oo sal-balaadhnaan karta oo maalmo socon karta,koobnaana karta, waxaana lagu lafo-guri-doonaa dhibaatooyinka baahsan ee hada ka taagan Somaliland iyo siyaabihii xal-loogu heli-lahaa. Ma-aha Xukuumadu in ay ganafka ku-dhufato ee waa in ay diyaarisaa oo soo ban-dhigtaa wixii ay Sadexdii sanadood iyo badhkii la soo dhaafey ay ummadda u-qabatey.

 

Dimuqraadigeenii yagleesha ahaa ma wuxuu isu bedelay durba “Walee kursiga kama kaco,”  Yaan la-hadlin? Yaan la shirin? Yaan la tashan?  iyo ” Anaa-Amiir wa anta Amiir ” ?  Hadii se ay taa aaminsan tahay Xukuumadu Yaa ka yeelaaya??   Ilow-shiiyo dhawaa ma- ummulbaa, miyey durba-ilaabeen wadadii,adkeyd,qayladii, siigadii,banaan-baxyadii, xiiqii, tolaaydii iyo xag-xagashadii xumeyd ay kursiga u-soo mareen. Wixii ay xaqa-u-lahaayeen waqtigii ay mucaaridka ahaayeen ayuunbaa haddana Xisbiyada mucaaridka ee qaranka iyo Muwaadiniinta reer S/land ay xaq iyo xeegaanba u-leeyihiin oo la idiinka fadhiyaa xukuumadeey. Waxay xaq u-leeyihiin in ay Xukuumada ku canaantaan, ku kantaroolaan xukunkii amaanada ahaa ee waqtiga yar ee kooban la idiin dirtey ee la idiin doortey mise waaba ilowdeen in aad ” la Doorte Tihiin” ! oo shacabkii idin doortey ay weli soo indho-cad yihiin , Yaaba is-gaadhey bal -aynu eegno sanad iyo badh ka dib wixii nool.
Fool-orodkii Xukuumada Siilaanyo waxay mataaneysey waxyaabo badan oo aan qoomiyad iyo qaran toona ehel-u-aheyn hase yeeshee ku-qotoma qaraabo kiil cad iyo qudhun iyo qabyaalad ay ugu danbeysey tii dhawaan gudoomiyaha guurtidu uu u-adeegsadey gudi-beeleeda uu dusha ka soo yara deday ee uu xaafada la tegay, Xukuumadani waxay ay isku badhaxdey oo milan iyo may-dhanaan ka noqdey runtii iyo beentii, fariidkii iyo nacaskii, mujaahidkii iyo faqashkii, Daneystihii iyo Daryeelihii, Guushii iyo fashilaadii, Guurtidii iyo Garaadadii, xisbiyadii iyo fulintii, wakiiladii iyo waranlihii,Qabiilkii iyo Qaranimadii,Goboladii iyo Degmooyinkii, dastuurkii iyo xeerarkii, Xilgudashadii iyo is-xisaabintii, tolkii iyo tolanihii,maareeyihii iyo wasiirkii, xisaabiyihii iyo xog-hayihii, wadanigii iyo guulwadihii.Xukuumadani  waxay isku xeertey duul deris ku-nool ah, dan-la orod ah oo doogsin-dhabanaaya oo eryanaaya uun dalqada uun wax-dhigaan iyo maal,magac iyo maa-muus aan-bireysneyn oo aaney ehel-u-aheyn oo aaney kasban. duul aan hadalka iyo hawraarta ka aradan oo  aan  hadal  u meeldayin oo dhaleeceynta, deel-qaafka,beenta, cayda, isku dirka, iska hor-keenka  iyo gefka ay ugu badiso oo ku-naaxa kuwaas oo ku  caan baxey  xishood-la’aan, xurmo la’aan, xaq-dhawr la’aan in ay war-baahintii wanaaga la isu marin  jirey in ay Mujaahidiintii wadanka xoreeyey iyo Madaxdii Xisbiyada qaranka in ay ugaga tiriyaan iyaga oo isticmaalaaya guul-wadeyaal darban oo dalabka ku-shaqeeya oo wada ah weji-kumacaash, afku-macaash, waqti-ku-macaash.mashruuc-ku-macaash, liisan ku-macaash iyo dilaal-ku-macaash kuwaas oo ay ku soo kireysteen hantidii  yareyd ee ummaddan baahan ee badaha isku guraaya ka dhaxeysey ee wax-loogu qaban lahaa.

 

.Nasiib-daro waxa  ay xukuumadii  Siilaanyo ee loo hanweynaa ay noqotey xukuumad aan laheyn curin iyo hal-abuur siyaasadeed oo aan marna la qabsan karin waqtiga iyo waayaha siyaasadeed ee isbed-bedelaaya, ee wadanka gudihiisa iyo mandaqadaba ka jirta. Waxay noqotey xukuumad khal-khal gelisey nabadgelyadii degaanada S/land lagu-majeeran jirey,Waxay noqotey xukuumad aragti gaaban oo  aan u-sahan tegi karin qarankan yar ee gacmaheeda ku-ragaadmey.Waxay noqotey xukuumad ummaddii soo dooratey aan wada deeqin  oo aan  u-dhex noqon oo aan u-xaq-soorin, Waxa ay noqotey xukuumad la habaaro oo aan la mahadin, May noqon xukuumad ku-dhisan sinaan iyo cadaalad, iyo Xaq-soor. ee waxay noqotey xukuumad lagu suntey lunsiga hantidii ummadda, laaluush-Caag-layaal loo miiso,eex qaawan oo isireysan, xasabeysan oo xigaaleysan, qabyaalad duluca furatey oo meel-walba saameysey iyo qaraabo kiil aan weli S/land hore loogu arag. May  noqon xukuumad shacabka Somaliland ka dhigta hal-qoys oo wax-walba wadaaga sida anfaca, adeega-bulshada , ilaha dhaqaalaha,sharafta iyo karaamada , mansabka iyo  kheyraadka dabiiciga ah ee dalka. May noqon Xukuumad dhista mabaa’diida wax-wada la-haanshaha iyo sharafta,quruxda iyo milgaha qaranimada iyo dawladnimada ee waxay noqotey xukuumad mabaa’diideedu ku saleysantahay qeybi oo xukun taas oo beelihii wadanka kala dhex-dhigtey xiqdi, xasarad, xanaf,xajiin, xadaafiir, xasaasiyad iyo xasad uu xuub-caaro u-dhaxeeyo, taas oo iyana  meesha ka sii-saartey wadaninimadii, wadar-nimadii, wax-wada-lahaan-shihii, walaaltinimadii iyo wadaagii guud ee ka dhaxeeyey beelihii S/land ee walaalaha ahaa.

 

Danta guud ee Somaliland  waxay ku jirtaa maanta iyo mar-walba  in xal  la raadiyo oo wadanka la bad-baadiyo laguna soo dabaalo milge-maamuus-midnimo qaran iyo kefedii miisaanka ee sharciga aheyd, waxaana hada shacabka reer Somaliland la gudboon in la taageero Shirka Dooda Qaranka ee xisbiyada qaranku ku baaqeen si loola xisaabtamo oo kefeda  miisaanka loo saaro wax-qabadka xukuumada iyo jahada ay ku socoto waqtigan xaadirka ah.

Maxaa shirkan iyo doodahan ina dawakhiyey laga-ga shirayaa?  Waxaa laga shirayaa si Dimuqraadigeena salka looga soo toli la’haa!,

Waxaa laga shirayaa sidii la isku weydiin lahaa in geedi socodkii dimuqraadigeena curdinka ahi in uu  ku taagan-yahay jidkii toos naa iyo in kale!!.

Waxaa laga shirayaa xoojinta, dhiiri-gelinta, kob-cinta iyo taabo-gelinta dhismaha dawladnimo oo hada aan jihaysneyn! .Maa-daama Dimuqraadiyada ay Somaliland ku fadhido uu  udub-dhexaad u yahay Dastuurka Qaranku, waxaa Dastuurkana saldhig u sii -ah wada-tashi, talo-wadaag, is-qancin,isu-tanaasul, taas oo ay hore Somalilan ugu soo caano maashey maantana aan lagu  khasaaroobeen ee faa’ido keenaaya marka la isgu yimaado Dood Qaran.

ee Mas-kaxdii waxgaradka reer S/land oo dhan Weel-lagu wada tuujiyo si xukuumadu ugu can-qarato qaarna u-dhiteysato.

 

Su’aasha kale  waxay tahay maxaa sababo la taaban karo la hayaa ee waqtigan kalifey in laga shiro ???

 

-.Waxaa la arkey in xukuumadii iska indho iyo dhegaba tirtey xogta iyo xaqiiqda maanta dalka ka jirta.Waxaa  la arkey tahriibta ba’an ee dhalinyaradii oo aheyd hal-doorkii wadanku ay ku dhamaadeen ilaa iyo hadana ay dhabadii ku sii socdaan oo la dayacey. -Waxaa la arkey in maanta gaadhigii uu Qaranka Somaliland uu saarnaa uu majara-habaabey ka-dib markii uu kaxeyntiisi iyo  isteerinkiisiiba uu u-gacanta-u-galey kirshbooy iyo cid aan loo igman oo aan loo dooran oo aan ehel u-aheyn oo bilaa karaamo ah oo  baadi ah. Waxaa la arkey  in xukuumadii ay kala goysey xeerarkii ,shakaalkii dawladnimo iyo suneyaashii isu-wadda hayey wadarnimadii, wax-wada-lahaanshihii, walaaltinimadii iyo wanaagii ka dhexeeyey danta guud ee beelaha iyo shacabka reer Somaliland,taas oo ay xukuumadii ku fashilantey in ay shacabka somaliland ka dhigto hal-qoys oo isku duuban oo wadaaga anfaca, kheyraadka maguuraanka ah  iyo mansabkaba  . Waxay waxgaradka foojigan iyo aqoon-yahanka fogaan araga ahi ay arkeen in markii  xukuumadii halbeegeedii uu noqdey oo keliya  musuq-maasuq, cadaalad la’aan, maa-mul-xumo, qab-yaalad qararka jabsatey in ay khatar hor leh ay tahay in ay dib-u-soo laba-kacleyn karto boogihii, hitaaqadii, riiq-dii, dil-dilaacii, qeyb-sanaantii, xanaftii iyo qabyaaladii sibiq-dhaqaaqdey ee ay reebtey Doorashooyinkii Golayaasha Degaanka ee wadanka ka dhacey 28/11/12 ee ku  dhamaatey sidii xaq-dara, xajiinta  iyo xaaraanta aheyd kadib markii  ay xukuumadu af-duunbtey codkii, rabitaankii iyo ilaadadii shacabkii somaliland.ee xaqa-u-lahaa in ay codkooda si -xor,-xaq iyo xalaal ah ay ugu doortaan cidii ay rabaan markaa.

 

-Waxay shacabkii  arkeen hawl-wadeenadii xukuumada qaar ka mid ah oo aan markoodii horeba qaadi kareyn xilalkii qoorta loo sudhey oo hadana  ka baxey xeyn-daabkii shaqadooda oo taraarey oo is-dalacsiiyey oo u-baahan in lagu soo dabaalo sharciga iyo xeydaabkii shaqadooda.Waxay arkeen xaq-daradii,eexdii, is-kooxeysigii, qabyaaladii, qaraabo-kiilkii oo ay intiiba duluca furatey taas oo keentey in fursadaha yar ee shaqo ee  soo baxa  lagu shaqaaleeyo  “Qoloma ayaa tahay” iyo dad aan kala garaneyn sharciga qaranka, hantida qaranka iyo awooda qaranka iyada oo xaq-daro baahsan lagu sameeyey hal-doorkii dhalinyarada ee Merit-ka Jaamacadaha wadanka kaga qalin-jebiyey.- Waxay mujaahidiintu arkeen in xukuumada awrkii dhiiluhu u-saarnaa in uu dhinac-uun ka sii rarmaayo maalinba maalinta ka danbeysa oo aanu haraad goyneyn oo uu dheeli xumo, wabax-taraar,doogin carar, ku-raad-gadasho,ku-fool-dhaqasho, sas iyo sakati uun uu maanta ku sugan yahay oo ka bixi layahay.taas oo iyana khatarteeda leh.

 

-Waxay xisbiyadii mucaadarka ahaa ee qaranku  arkeen  in is-xisaabintii iyo xil-gudashadii ay meesha ka baxeen kadib markii ay xukuumadii meel isugu keentey  xeer-dejintii,wakiiiladii,guurtidii iyo xisbi-xaakimkii taas oo intiiba ay isku noqdeen  hal-xisbi oo is-xanbaar is-barkan ah oo looga shakisan yahay in ay kawada  dhexeeyaan dano ganacsi oo iyaga uun-u-gaar ah oo aan shacabkii doortey ee dirtey aan anfacaad u-laheyn.Taas oo meesha ka saartey kefedii miisaankii ee dawladnimo is-kormeerkii iyo is-dabo galkii iyo shakaaladii qaranimo, kartidii iyo karaamadii, higsigii, habsami-u-socodkii iyo hawlihii dawladnimona ay ku ragaadeen gacmihii lagu aaminey ee u-dhaartey ee loo doortey- Waxa ay Madashii arkeen oo aqoonyahankiina  la arkeen in dhamaan habsami u-socodkii hawlihii qaranku, hadey noqoto wasaarad/ wakaalad ama hayad ay dhamaan wada marin habaabsan  yihiin  ku waas oo aan ku jaheysneyn qorshe-hawleedayadii higsiga qaranka ee shanta sanadood ahaa  ( Somaliland National 5 year Development Plan ) qorshayaashaa  oo waqti badan iyo lacag badan lagu fadhiisiyey laakiin khasaare noqdey maa-daama habka ay hada wax-u-socdaan aanu laheyn  saadaal,hilaad, hadaf, higsasho, odoros , yool  iyo qorshe loo raaco iyo (vision) aan intaaba laheyn.

 

– Waxay Xisbiyadii mucaaradka iyo Madashiiba  arkeen Cadaalad daradii oo xadka dhaaftey oo xadhkaha goosatey oo aan ilaa iyo go’aamadii maxkamadaha wadanka aan la fulineyn, Hantidii ummadda ka dhaxeysey oo kolba xawaaladaha  dhinac loogu shubanaayo oo lagu-tagri falaayo oo awoodii dawladnimo loo isticmaalaayo oo lagu kala qaybinayo oo lagu kala iibsanaayo midnimadii ummadda  iyo  golayaashii qaranka, iyo xisbiyadii mucaaridka ahaa qudhoodii, dhulkii danta guud ahaa  iyo cuqaashii iyo suldaanadii  beelihii  walaalaha ahaa ee Somaliland oo iyagana la isku kar-baashaayo oo la isku mash-quulinaayo. Waxay arkeen in Xukuumadii ay  jebisey  oo baal-martey  sharciyadii iyo xeerarkii wadanka u-yaaley  bal-hada yara milicso  qodobadan iyo xeerarka ay dhawaan dubaha la dhacdey xukuumadu  iyada oo aan hareerahaba iska eegin ee ay ku  dur-durisey kuna dhaba-bacaysey: Qodobka 39-aad dastuurka qaranka,Qodobka 42-aad faraqiisa 3-aad ee dastuurka. Qodobka 8-aad faraqiisa 1-aad, ee dastuurka qaranka .Qodobka 129 -aad, Xeer Lr17. ee dastuurka qaranka .Xeer Lr 23 qodobkiisa 34-aad faraqiisa 10-aad ee is-mamulka iyo maa-mul-daa-dejinta dawladaha hoose.

 

Guntii iyo gebagebadii qormadan waxaanu dhamaan, aqoonyahanka, wax-garadka, culi-maa-udiinka, Cuqaasha, Salaadiinta, boqorada, haweenka, dhalinyarada iyo dhamaan muwaadi-niinta reer Somaliland laga codsanayaa in ay taa-geeraan oo soo dhaweeyaan  Shirka Dood Qaran ee ay ku dhawaaqeen Xisbiyada Mucaaradka si loo helo midnimo qaran loona soo celiyo shakaaladii u-dhaxeeyey sadexdii dhar-dhaar ee ay ku fadhidey dawladnimada iyo qaranimada Somaliland. Waxaana dooda qaran ku jirta danta guud ee Somaliland ma aha mid lagu mijo-xaabinayo qaranimada JSL ee dood lagu na

 

 

Alleh ayaa mahad iyo mudnaanba leh,

Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)

Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq

Qalinkii A/fidhinle

Intensive BD ED PA

United Kingdom

London

 

 

Comments are closed