Uncategorized

Ra’sial Wasaaraha Somalia Oo Maanta Ka Jawaabi Doona Su’aalo Baarlamaanku Ka Weydiin Doono Barnaamijkiisa Siyaasadeed

Muqdisho:20-Jan-2014(SDN)-Waxa Maanta la Filayaa inuu Ra’isal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Baarlamaanka Soomalia horgeeyo Barnaamijkiisa Siyaasadeed oo muddo laga Sugayey.

caddeeeeeRa’isal wasaaraha ayey Baarlamaanku ka Sugayaan inuu si Faahfaahsan ugaga Warramo Hannaanka uu doonayo inuu u jiheeyo Siyaasaddiisa iyo qaababka  uu doonayo inuu dalka kaga saaro caqabadaha Nololeed iyo kuwa Siyaasadeed ee haatan ku Gedaaman.

Dood ayay xildhibaannadu ka yeelan doonaan barnaamijka uu soo gudbiyo ra’iisal wasaaraha iyadoo Ra’iisul wasaare C/wali Sheekh Axmed lagu wargaliyay in looga baahan yahay in in uu ka soo qeyb galo.

 

Fadhiga maanta ee golaha shacabka markii loo qeybiyo mudanayaasha warqadaha xukuumadda waxaa xigi doona su’aalo ay baarlamaanku weydiin doonaan ra’iisul wasaaraha oo barnaamijkiisa xukuumadeed ay wax ka weydiinayaan.

 

Waxaa si aad ah looga rajo dhigayaa in xukuumaddani cusub ay kalsoonida ka hesho baarlamaanka waxaana jira sidoo kale xildhibaanno taageersna xukuumaddani.

 

Ra’isal wasaaraha ayaa si weyn u qaba inay Xukuumaddiisu Taageero iyo Codba ka Heli doonto Baarlamaanka, maadaama uu in badan iska diiday Dalabkii uu madaxweyne Xasan sheekh ku doonayey inuu soo Celiyo Wasiirro hore u mijo xaabiyey Ra’isal wasaare Saacid.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com