|

Real Madrid oo 2-0 Ku Badisey Laakiin waxaa 4-3 Ugu soo baxay Final Dortmund(By Jaahuur)

Spain-Santigo Bernebeu Stadium-Tue-Aprill-30-2013-qurbejoognews.com-Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha waxaynu ku lafa gureynaa Real Madrid iyo Borussia Dortmund oo lugtii labaad ku kala baxay.

Haddaba ciyraatan oo la wada sugaayey ayaa lugtii hore waxay todobaadkii hore ka dhacdey carigaa germany waxaana 4-1 lagu soo khaarijiyey Real Madrid.

Akhyaartay lugtii labaad ee lugu kala bixi lahaa waxay galabta ka dhacdey carigaa Spain iyo Bernebeu Stadium,waxaana foodda isla galey Madrid iyo Dortmund,waxaana ka soo qeybkaley dadweyne kor u dhaafey 80,000 iyo dabacan taageerayaasha labada dhinac ee aan miyirka lahayn.

Si kastaba arintu  a ahaate ciyaarta qeybteedii hore Madrid waxaay qaadey hujuum badan oo aan kala g’o lahayn xagga Dortmund difaaceedu badnaa bacdamaa ay hore u soo uruursatey goolal fara badan,wwaxaana la isla dhaafi waayey 0-0.

Qeybtii dambe ee ciyaarta walow Dortmund goolal iska cuntey haddana Madrid weerarkiidii waxaba iskama badalin,weerarkaa badan wuxuu calaf uga dhigey iney daqiiqaddii 83-aad ay dhashadaan goolkii rajada waxaana kula kufey Benzema,kii bilaa rajadana waxaa daqiiqaddii 89-aad ku walbahaarsadey Ramos.

Markii goolasha ay kala dhaliyeey la isku celceliyo waxaa 4-3 ku soo baxay Final Dortmund,waxayna sugeysaa Barcelona iyo Bayren tii soo baxda Berito oo Arbaco ah haddi uu Ilaaha awooda leh ka dhigo.

W/ Qorey Jaahuur

qurbejoognews.com

jjaahuur@hotmail.com

Comments are closed