|

Roben Van Premise oo Ku Guuleystey PFA Sannadkan.

London-April-30-2012-qurbejoog.com-Akhyaartay qubanaheena ciyaaraha waxaynu ku soo qaadaneynaa xiddiga reer holland una ciyaara naadiga Arnenal Roben Van Persie oo ku guuleystey abaal marinta ugu qaalisan marka lagu gudajiro horyaalka kubadda cagta ee Ingiriiska Premier League (PFA).

Laacibkan u soo baxay Arsenal ayaa soo shaacbixiyey naadigiisa oo sannadihii ugu dambeeyey hoos u sii socodey oo ay ka badinayeen naadiyaal yar-yar oo aan soo haweysan jirin.

Xiddigan oo uruursadey 27-gool kuna hogaaminaya horyaalka Ingiriiska ayaa iska khaarijiyey xagga goolal dhalinta Rooney,David Silva iyo qaar kale oo farabadan,waana xiddigii saddexaad oo reer holland ah oo ku guuleystey abaal marintan qaaliga ah,waxaana uga horeeyeyRuud Van Nisterlooy iyo Deins Bergkamp.

Roben Van Premtse oo ladalaadhacayey dhaawacyo farabadan ayaa ka soo kabsadey sannadkan naadigiisana soo gaadhsiiyey kalinta ay maanta kaga jirto horyaalkan,wuxuuna ku muteystey abaal marintan(Profissional Footballers Association) PFA ciyaar wanaaga uu la soo baxay sannadkan.

Haddaba Abaal marintan waxaa hore ugu guuleystey laacibiin hore oo iskugu jira wax iminka ciyaara iyo qaar ka fadhiistey waxaana markii ugu horeysey hantiyey abaal marintan 1973 difaacii adkaa ee LEEDS Norman Hunter,Laba jeerna waxaa afka u dhigtey Alan Sheerar,Mark Hughes,Thiery Henry,iyoCristiano Ronaldo .

Waxaa kale oo xusid madan Tababaraha Barcelona oo ku dhawaaqay inuu ka tagayo kooxda marka uu dhamaado horyaalka kubadda cagta ee Spain La Liga.

W/D-Jaahuur

qurbejoog.com

Comments are closed