|

Ruuxii sadexaad oo Soomaali ah oo lagu dilay Koonfu Africa Todobaadkan

Port Elizabeth May 31,2013(SDN)-Nin Soomaali ah ayaa u geeriyooday Tooreey la geliyay magaalada Port Elizabeth waana ruuxii sadexaad ee magaaladaasi lagu dilo,sida Boolisku xaqiijiyeen.

Marxuumka ayaa Tooorida lagala dhacay Madaxa Caloosha iyo Laabta sida lagu xusay qoraal ay dhacdadan Boolisku ka soo saareen.

“Sida la soo wariyay koox ayaa Ninka Soomaaliga ah ee la dilay Gurigiisa ku booqday,ka dibna buuq ayaa dhacay deetana ninka Soomaaliga ah ayaa la dhaawacay”sidaa waxa yiri Captain Stanley Jarvis.

Marxuumka ayaa loola cararay balse tii alle ay ugu timi Cusbitaalka oo uu ku geeriyooday.

Ilaa iyo haatan Boolisku ma aaney shaacin cida ka danbeysay dilkan foosha xun iyo kuwii ka horeeyay e todobaadkan Soomaalida loogeystay.

SDN-Port Elizabeth

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed