|

Saxaafadda Caalamiga ahi Sidii ay uga Hadashay Dilkii Daacish ee Masiixiyiita Iyo Dirirtii lagu qaaday.

Hargaysa 28.Feb 2015 (SDN/QJ)- Saxaafadda caalamka ayaa todobaadkan faallooyin kala duwan ka bixisay duqayntii dhanka cirka ee ay ciidamada cirka ee masar ku qaadeen fadhiisimo ay Liibiya ku leeyihiin kooxda Daacish, ka dib markii ay kooxdaasi laysay dad ka tirsan masiixiyiita dalka masar oo Liibiya ka shaqaysanayey.

japa_1Wargayska Indepandent ee dalka Britain ayaa faallo uu sameeyey waxa uu ku sheegay in duqaynta cirka ee  masaaridu la beegsatay daacish-ka Liibiya ay caqabad ku tahay dadaalkii Qaramada midoobay ku doonaysay in xal nabadeed oo waara laga gaadho mashaqada ka taagan Liibiya.

Sidoo kale  wargayska Daily telegraph ee isla dalkaasi ayaa baahiyey faallo uu ka sameeyey arimaha dhowaan ku soo cusboonaaday dalka Liibiya waxana wargaysku sheegay in Dawladda Talyaanigu tahay ta ay cabsida ugu weyni ka soo food saartay  joogitaanka Daacish ee Dalka Liibiya

arirwaxana wargaysku leeyahay Talyaanigu waa wadanka ugu werwerka badan dalalka reer yurub marka laga hadlayo joogitaanka kooxda daacish ay ku sugan tahay xeebaha Dalka Liiiya oo aan sidasi uga fogayn Dalkaasi Talyaaniga.

Wargayska The Times ayaa isagu waxa uu leeyahay kooxda daacish waxay Suuriya ku samaysay burburkii ugu badnaa ee dhinaca dhaqanka iyo taariikhda tan iyo waxii ka dambeeyey dagaalkii labaad ee Dunida.

Waxana wargayska The times uu sheegay in goobihii taariikheed ee dalka suuriya ay meesha ka sii baxayaan oo ay kooxda daacish si naxariis darro ah u burburinayso maalinba ta xigta, wargayska oo soo xiganayey hay’adda ilaalinta agabka taariikhiga ah ee wadanka suuriya uu wargaysku daabacay in ugu yaraan 450 goobood oo taariikhi ah la baabi’iyey oo ay meesha ka baxeen.

Wargayska Al-Ahraam ee dalka Masar ayaa isna soo qaatay Khudbad uu dadaweynaha dalkaasi u jeediyey muftiga guud ee Jaamacada Azhar, khudbadaas oo uu si kulul ugu weeraray ficilada kooxda Daacish, sidoo kalena khudbadiisa ku dhaleeceeyey dilkii sadex qof oo muslimiin ah lagu laayey dalka Maraykanka.

Shabakadda wararka maraykanka ee daily Best ayaa dhankeeda waxay barteeda internet-ka soo digtay in Maraykanku marnaba gacan ku siinayn masaarida duulaanka ay daacish kaga samaynayso dhulka Liibiya, Daily best waxa uu leeyahay labada wadan waa maraykanka iyo Masar’e waxay saaxiibo soo ahaayeen muddo dheer, labadoodubana waxay xiligan dagaal kula jiraan kooxda Daacish, laakiin waxaa caddaan ah in aan midna midka kale wada shaqayn kala samaynaynin dagaalkiisa.

Wargayska washington Post ee dalka Maraykanka ayaa isagu arinta liibiya indho kale ku eegay waxana uu sheegay hadidaada amni ee Liibiya haystaaa ay qayb ka tahay hadidaado badan oo dalkaa loogu wado shidaalka uu qaniga ku yahay darteed.

saxaafadda Israa’iil ayaa qayb ka noqotay faalooyinka todobaadkan laga bixinayey kooxda daacish.

Wargayska Yudiicuun Axranoot ayaa baahiyey in maraykanku hayaan magacyada tobanka nin ee ugu sareeya kooxda daacish, kuwaas oo uu ugu caansan yahay hogaamiyahooda abuubakar al-baqdaadi oo isagu saaxadda ka qarsoomay muddo bilo ah ka dib markii uu oga.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed