|

“Shacabka Reer Awdal Ee Dibada Joogaa Boqolkiiba Sagaashan Waa Reer Somaliland” Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland

Hargaysa 29.April 2015 (SDN/QJ)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in shacabka ka soo jeeda gobolka Awdal ee ku dhaqan dalka dibasii ay ka midaysan yihiin jirtaanka iyo qaranimada Somaliland.

1131Madaxweyne ku xigeenka oo maanta dalka ku soo laabtay waxa kale oo uu sheegay in Xukuumadda iyo beesha caalamku ay ka midaysan yihiin sidii loo horumarin lahaa Dimuquraadiyada Somaliland.

“Horta dad aad u fara badan maaha, dad qiimo weyn iyo muhiimad la siiyana maaha ee waa inyar oo maynoorati ah, intii aanu is gaadhnay way ku qanceen markii aanu is aragnay. Waxaanu u sheegnay inaan qaranimada Somaliland cidi ka lahayn oo shalay Madaxweyne ka ahaayeen, maanta ay joogaan, dorraadna joogeen.Markaa dadka waxa laga soo qootaa Majooratiga, Bini’aadamkuna wuu kala duwanaan karaa Laakiin boqolkiiba sagaashan(90%) dadka reer Awdal ee dibada joogaa waa reer Somaliland.”

Waxaanu intaas ku daray “Beesha caalamka iyo anagu meel baanu u wada soconaa, Dimuquraadiyadeena in aanu kobcino ayaanu u wada soconaa, wixii tallo iyo tusaale ahna qarankay u wada yaalaan.” ayuu yidhi Madaxweyne xigeenku.”

Comments are closed