|

Guddida Dhismaha Waddada Cad Ayaa Maanta Shahaadooyin ku Abaal Marisay Jaaliyadaha Beelaha Ciidagale ee Qadar , Maraykanka , iyo Hay’adda Human Concern International (HCI) Canada(SAWIRO)

2 3 03 1 02 00 0 05 00 0 01 1 02 2

Hargaysa 29/4/2015(SDN/QJ)-Hargeisa_ Guddida Dhismaha Waddada Cad ayaa maanta Shahaadooyin ku abaal marisay Jaaliyadaha Beelaha Ciidagale ee Qadar  , Maraykanka , iyo Hay’adda Human Concern International (HCI) Canada .

Xaflad Maanta ka DHacday Star Hotel Ee Magaalada Hargaysa ayaa Shahaadooyinkan lagu siiyay Jaaliyadahaas iyo Ha’ayaddaas waxaana xafladdan ka soo qeyb galay Gudoomiye Ku Xigeenka Guddida Dhismaha Waddada Cad Sheekh Maxamed Cali Geeddi , Xoghayaha Guddida Faysal Maxamuud Xasan  (Faysal Cayuun) , Gudoomiyaha Guddida Horumarinta Beelaha Ciidagale Caaqil Rashiid Maxamed Jaambir , Gudoomiye Ku Xigeenka Guddida Horumarinta Beelaha Ciidagale Caaqil C/risaaq Maxamed Askar , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada Cumar C/laahi Aadan , C/qaadir Fagande oo ka socday Jaaliyadda Australia ,  Madax Dhaqameed , Culimo , Aqoonyahan , Qurbo Joog , Wakiilada Jaaliyadaha La Abaal mariyay , Iyo Masuul Ka socda Hay’adda Human Concer International  Maxamed Cabdi Cismaan .

Ujeddada xafladda loo qabtay ayaa ahayd in Shahaadooyin la Gudoonsiiyo Jaaliyadaha Qadar , Maraykanka , Iyo Hay’adda Human Concern Internation .

Waxaana Xaflada ugu horeen ka Hadlay Xoghayaha Guddida Dhismaha Waddada Cad Faysal Cayuun Oo ku dheeraaday Maraaxilkii kala duwanaa ee uu dhismaha Jidku soo maray waxaanu u mahad naqay Dhaman dadkii ka qeyb qaatay Dhismaha Jidka Isku xidhi Doona Hargaysa Iyo Ina Guuxa .

Sidoo kale Xoghayaha ayaa ka warbixiyay halka ay waddadu marayso waxaanu Tilmaamay in wajigii kowaad Dhamaaday Kii Labaadna uu Dhamaad ku dhawyahay lana bilaabayo Wajjiga Sadexaad iyadoo waliba ayuu yidhi xoghayuhu Affar Kiilo Mitir oo Wajjiga Sadexaad ahna  Daamurkii loo Hayyo .

Waxaa isna Halkaasi ka Hadlay Suldaan Cadde Gude oo ku hadlayay Afka Madax Dhaqameedka waxaanu Carrabka ku adkeeyay halka ay xaaladda waddadu marayso waxaanu ku booriyay bulshada Deegaanka in ay Dadaalkoodi libin laabaaan oo ay guntiga Dhiisha Isaga dhigaan .

Waxaa Iyana Halkaasi Ka Hadlay Gudoomiyaha Guddida Horumarinta Beelaha Ciidagale Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir  Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Guddida Dhismaha Caaqil Caaqil C/risaaq Maxamed Askar , Xildhibaan Sicid Maxamed Libaaxo , Agaasimaha Guud ee Wasaaradd Duulista Hawada Cumar C/laahi Aadan Waxaanay Dhamaantood iska Daba Mareen Muhimadda ay leedahay diyaar garaw in loo galo Wajjiga Sadexaad oo noqonaya wajjiga ugu culus ee qarashka ugu badani ku baxayo waxaanay ku dardaarmeen in la xoojiyo dadaalka iyagoo aadna ugu mahad naqay Jaaliyadaha Dibada Kaalinta ay ka qaateen Dhismaha Jidka .

 

Sidoo Kale Waxaa halkaasi Ka Hadlay Cali Yuusuf Qaalib oo ku Hadlayay Jaaliyadda Maraykanka , Yuusf Maxamuud Cabdi oo ku Hadlayay Jaaliyadda Qadar , Iyo Maxamed  Cabdi Cismaan oo ku Hadlayay Hay’adda Human Concern International (HCI)  Waxaanay Dhamantood ballan qaadeen in ay Dadaalkooda si kordhinayaan iyagoo ka warramay waayihii ay ku soo uruuriyen Lacagtaasi .

 

Ugu danbeentii Waxaa Halkaasi Shahaadooyinka lagu Gudoonsiiyay Wakiiladii ka kala socday Jaaliyaddaha Qadar , Maraykanka , Iyo Human Concern International .

 

Lacagtan Maanta xafladda Loo qabtay  ayaaa Dhammayd 140,000 Dollar oo kala ahayd

 

40,000 Dollar oo ay soo Direen Jaaliyadda Qadar .

50,000 Dollar oo ay bixisay Hay’adda Human Concern International

30 ,000 Dollar oo ay soo Direen Jaaliyadda Maraykanka .

20, 000 Dollar oo Hargaysa  lagaga Daray

 

Xafladdan ayaa ku soo Dhamaatay Jawwi Deggen .

 SDN/QJ

ConcatSomalidiasporanews.com

Comments are closed