Hargeysa, 15 Sep 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maamta si rasmi ah u furay shirkii sideedaad ee isu duwida macaawinyoonka Somaliland.
Shirkan Waxaa ka soo qaybgalay Mas’uuliyiinta Golayaasha Qaranka iyo Wakiilo matalayay Beesha Caalamka gaar ahaan kuwa Somaliland ka caawiya Kaabayaasha Nolosha iyo Dimuquraadiyada.
Wakiiladda Beesha Caalamka ayaa Carabka ku adkeeyay in Dib u dhac danbe oo ku Yimaada Doorashooyinka Somaliland uu Mugdi Gelinayo rajada daneeyeyaasha Somaliland.
https://www.youtube.com/watch?v=J6dZNINY_AA
