|

Sicirka Maciishadaha kala duwan ee dalka Jabuuti oo kor u kacay

Jabuuti July31,2012(SDN)-Tirakoob ay soo saaraya hay’ada Jamhuurida Jabuuti u qaabilsan qiimeynta ascaarta kala duwan ayaa lagu sheegay in sanadkani ay kor u keceen inta badan maciishadaha daruuriga ah.

Tirakoobta ayaa lagu ogaaday maciishadaha ay ka mid ka yihiin Raashinka,shidaalka iyo Sigaarka in ay kor u keceen boqolkiiba 4.2.

Qiimaha aqalada,shidaalka kala duwan leydhka gaadiidka daweynaha ayaa iyaguna kor u kacay kolka la barbar dhigo sanad ka hor.

Warbixin ay soo saartay hay’ada lacagta aduunka ayaa shaacisay in Jabuuti Dhaqaaleheedu sanadkan ko u kici doono boqolkiiba 4.8.

Kororkan ayaa ka dhalan doona dhaqdhaqaaqa dekeda Jabuuti iyo dhinacyda ay dhismuhu ka mid yihiin oo lagu wado in uu koror ku yimaado.

Dawlada Jabuuti ee tirakoobkan sameysay isla markaana shaacisay ayaan soo bandhigin wax qorshe ah oo lagula tacaalayo kororka maciishadan daruuriga ah.

SDN-Jabuuti

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed