|

Ma dhabaa in Hay’adaha caalemigu ay xirayaan xisaabihii ay ku lahaayeen Dahabshiil?

London July 30,2012(SDN)-Intii ka danbeysay kolkii loo dhacay keydka xogta macaamiisha Baanka Dahabshiil waxa isa soo terayay welwelka,walaaca iyo isweydiinta ku wejahan xogtan la shaaciyay.

Maalmihii u horeeyay waxa la dareemay isdhexqaadka shacabka Soomaalida oo ruux waliba ku mashquulsanaa in uu ogaado sida falkaasi u saameeyay xisaabaadkiisa yiilay Banka Dahabshiil.

Ka dib waxa xigay werwer ka dhashay saameynta ay khashifaadaasi ku yeelan karto guud ahaan dadka xogta xisaabaadkooda la shaaciyay.

Taa waxa xigay in walaaca iyo walbahaarka dadka ay shaacintanai dhibaatada shaqsiyadeed ku keeni karto,gaar ahaan dadka aan dooneyn in xisaabaadkooda la ogaado khaastan Qurbejooga iyo siyaasiyiinta inta badan lagu tuhun sanaa dhaca hantida guud ee ummadda.

Balse maalmihii u danbeeyay sida ay na soo gaarsiiyeen qaar ka mida shaqaalaha hay’adaha gargaarka caalemiga ah gaarsiiya Soomaalida,waxa isa soo tarayay saameyn ay qudhooda ku yeelatay xogtan ay jabsatay isla markaana faafisay kooxda Anonymous.

Hay’adahan oo lafdhabar u ahaa macaashka ugu badan ee Banka Dahabshiil uu ka helo macaamiishiisa ayaa hadii ay dhab tahay waxa uu sababi karaa dib u dhac ku timaada kaalintii uu Banku ku lahaa adeeg bixiyeyaasha.

Dadkan nala soo xiriiray iyo qaar aanu wareysanay ayaa ka gaabsaday in magacooda lagu xuso warbixintan.

Sidoo kale xiriiro aanu la sameynay masuuliyiinta Dahabshiil Bank ayaan miro dhalin ka dib kolkii nalooga soo jawaabi waayay dalabaad dhawr ah.

Si kastaba ha ahaatee khubaro faro badan oo qudhooda arrintan nala eegay ayaa ka sinaa fikirka ah in masuuliyiinta Banku ay ka gaabiyeen in ay sharaxaad waafi ka bixiyaan sida xaaladu tahay.

Halka ay ka door bideen soo saarida warar salka ku hayay beeninta dhacda iyohanjabaada saxaafada.

SDN-London

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed