Hargaysa 04.June (SDN) Siyaasiga Cali Maxamed Warancadde oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Waddani ayaa maanta ka hadlay socdaalka soo guryo-noqoshada ah ee uu dalkiisa Somaliland ku yimid Prof: Axmed Ismaaciil Samatar.
Mudane Cali warancadde waxa uu ku tilmaamay Prof Samatar inuu yahay shaqsi wax weyn ku soo kordhin kara siyaasadda iyo horumarinta dalka, waxana uu sidoo kale tallaabo dhinaca saxan loo qaaday ku tilmaamay sidii ay Xukuumadda Somaliland uga hawlgashay soo dhoweynta Profosor-ka
Siyaasigan ka tirsan Xisbiga wadani waxa uu ugu baaqay siyaasiyiinta kale ee Somaliland u dhalatay ee weli aaminsan mabda’a Somaliweyn inay dalkooda somaliland ku soo guryo noqdaan, halka sidoo kalena uu ku dhiirrigeliyey Profossor Axmed Ismaaciil samatar inuu qaddiyadda dalkiisa gaadhsiiyo fagaarayaasha caalamiga ah.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
