|

Somaliland Oo Beenisay In Baasaboorkeeda Lagu Tegi Karo Dalka Imaaraadka Carabta

Hargeysa:Sep,05,2015(SDN/QJ)-Dawladda Somaliland ayaa Been abuur ku tilmaamtay war dhawaanahan la baahinayey oo ku saabsana in Dawladda Imaaraadku ogolaatay in Dalkeeda lagu soo galo Baasaboorka Somalia.

terQoraal ay xalay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ku baahisay barta ay ku leedahay facebook-gga, waxay ku sheegtay in wada hadal labada dawladood uga socdo ku tegitaanka Baasaaboorka Somaliland ee Imaaraadka Carabta balse aanu jirin ogolaansha rasmi ah oo ay UAE bixisay, “Wasaaradda arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ahi waxay beeninaysaa war ay ay qaar ka mid ah warbaahinta wadanku baahisay oo tilmaamaya in Imaaraadka Carabtu ogolaaday in Baasaaboorka Somaliland lagu galo wadankooda. Hawsha in Imaaraadka Carabtu ogolaado Basaboorka Somaliland way socotaa, hase yeeshee weli Imaaraadka Carabtu muu ansixin ogolaanshaha Baasaaboorka Somaliland.” Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka, oo intaas raaciyay in labada wadan bilaabeen xidhiidh iskashi oo diblomaasiyadeed oo dhinacyo badan ah ka dib markii uu Madaxweyne Siilaanyo dhawaan magacaabay wakiilka Somaliland ee dalkaas Baashe Cawil.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed