|

Nuxurka Kulan Qarsoodi ah Oo Wasiir Xirsi Gurigiisa Kula Yeeshay Wariyayaal ay Isku Beel Dhaw Yihiin Iyo Dagaal Qaawan Oo Ku Baaqay In Lagu Qaado Siyaasiyiin Uu Weedhahooda Dhibsaday.

Hargeysa:Sep,05,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa Habeen Hore Kulan     Qarsoodi ah Guri uu Magaalada Hargeysa ku leeyahay kula qaatay Weriyayaal beeshiisa kasoo jeeda, waxana kulankaas uu kusoo bandhigay Hankiisa siyaasadeed iyo Sidii ay u taageeri lahaayeen.

XIRKulankan oo Si weyn loo qarinayey, ayaa sida Wargeyska Hubaal ku Helay Xogo u dhuun daloola, waxa uu Wasiirku Wariyayaashaas ay isku beesha yihiin u akhriyey warbixin dheer oo uu ku sharraxayo Hankiisa Siyaasadeed iyo Dedaalka uu ugu jiro inuu guul ka gaadho Rabitaankiisa la xidhiidha inuu Guddoomiye ka noqdo Xisbiga Kulmiye.

Wariyayaashan uu Wasiirku la Kulmay, ayaa kasoo jeeda Jilibka Hoose ee Wasiir Xirsi, waxana uu Wasiirku ugu  ku dheeraaday dagaal uu sheegay inuu kaga imanayo Wariyayaal iyo siyaasiyiin taageersan Ragga sidiisa oo kale hungurigu ka hayo Hoggaaminta Xisbiga Kulmiye oo tiradoodu soo badanayso.

Xogaha aanu Hayno, ayaa sheegaya in Maqaallo iyo warbixinno  lagu weeraro Shakhsiyaad ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Waliba Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi oo uu u arko caqabadda ugu weyn ee Haatan hortaagan  hankiisa Siyaasadeed.

Sida Xogaha uu kulankaas Wargeyska Hubaal ka helay ayaa sheegaya inuu Wasiirku sidoo kale codsaday in Qoraallo lagu weeraro Wariyayaal qaarkood Beeshiisa kasoo jeedaan, kuwaas oo uu tilmaamay inay la safan yihiin Xubnaha ay siyaasadda isku hayaan, waxana Xubnihii Kulanka kasoo qaybgalay ballan qaadeen inay diyaar u yihiin inay af iyo Addinba ku taageeraan Soo Jeedimaha Wasiirka.

Waxa uu Wasiirku Halkaas ku ballan qaaday inuu Jeebkiisa ka  bixin doono Wax kasta oo looga baahdo si warbaahinta loogu weeraro siyaasiyiinta iyo Shakhsiyaadka uu Cadowga u arko, waxana uu intaas ku daray inuu Wariyayaashaas qaarkood u furi doono Hay’ado Warbaahineed oo ay iskood u yeeshaan si Dagaalkoodu Macno u sameeyo.

Weriyayaasha uu Wasiirku ka cawday, isla-markaana dagaalka la qaadayo lagu horraysiiyo, ayaa waxa kamid ah Weriye Keyse Axmed Digaale oo uu sheegay inuu inuu u arko Cadow halis  ku ah gaadhitaanka Hankiisa siyaasadeed.

Wasiir Xirsi, ayaa waxa uu ku adkeeyey Wariyayaashii Kulankaas kasoo qaybgalay inay si joogto ah Maqaallo iyo warar liddi ah ka qoraan, isla-markaana dhinaca kale  ay qoraan Warar lagu ibo furayo rabitaanka wasiirka, iyadoo awoodda la saarayo Waxyaabihii uu Wasiirku soo qabtay Muddadii uu Xukuumadda Katirsanaa.

Waxyaabaha kale ee uu Wasiirku Wariyayaashan ay isku beesha hoose yihiin kala hadlay, ayaa waxa kamid ah in Sidoo kale la diyaariyo Warar ka dhan ah Ganacsato uu sheegay inay hortaagan yihiin Hankiisa, waxana Halkaas lagu magacaabay Ganacsade Maxamed Aw Siciid oo uu tilmaamay inuu Taageero Siyaasiyiin ay si weyn isu hayaan.

Weriyayaashan oo dhammaantood kasoo jeeda Qoyska Hoose ee Wasiirka, ayaa ballamo ka farxiyey u qaaday Wasiirka, waxana Wasiir Xirsi laftiisu uu codsaday in ladqabo laga galo Weriyayaal kale oo isla beesha ah, kuwaas oo uu sheegay in baahi loo qabo sidii loola midoobi lahaa.

Wasiir Xirsi, ayaa tan iyo intii ay dibadda usoo baxday inuu ku jiro Siyaasiyiinta Doonaya inay Ka dhex tartamaan Shirweynaha dhawaan uu yeelanayo Xisbiga Kulmiye, ayaa waxa uu ku hawllanaa Kulamo qarsoodi ah oo intooda Badan uu hoggaanka Beeshiisa la qaatay, waxana kulankan ugu dambeeyey loo arkaa mid uu rabay inuu ku ballaadhiyo Dagaalka dhinaca Warbaahinta ah, maadaama ay indhihiisa ka bateen qoraallo isaga liddi ku ah oo Soo badanayaa.

 

Xigasho:Wargeyska Hubaal.

 

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed