Uncategorized

Jaamacada Hargaysa oo ugu Deeqay Sideed Kun oo Buug Maktabadaha Hargaysa

Hargaysa 15.June (SDN) Jaamacadda Hargeysa ayaa  ugu deeqday sideed kun oo buug qaar kamid ah dugsiyada sare ee dalka   iyo  qaar kamid ah maktabadaha  caasimada Hargeysa.

Munaasabada wareejinta deeqdan buugaagta ah oo lagu qabtay xarunta jaamacada Hargaysa  ayaa   hormoodka kulliyada sharciga ee jaamacada Hargaysa Prof. Maxamuud  xuseen Faarax  oo u hadlay jaamacada ayaa sheegay in jaamacada hargaysa aymaanta ugu deeqday sideedkun oo buug oo  xambaarsan culuun kala duwan  11-ka mid ah dugsiyada sare ee  caasimada Hargaysa iyo afar maktabadood oo ku yaala Hargaysa.hormoodka kuliyada sharciga ee jaamacada Hargaysa waxa uu sheegay in buugaagtan oo ka kooban culluun kala duwan ay ugu talagaleen in ay ka faaiidaystaan aqoontoodana ku kobciyaan ardayda dugsiyadasare iyo  bulshada ku xidhan maktabadaha loogu deeqay buugaagtan ,waxaana uu ka waramayqiimaha waxbarasho eeay leeyihiin buugaagtu , isaga oo geesta kalana ku booriyay in ay ardayda dugsiyadaasi ka faaiidaystaan buugaataas

Prof. maxamuud Xuseen Faarax waxa uu intaa ku daray in talaabadani aanay ahayn tii u horeysay ee jaamacadu ay bulshada ku gaadhsiiso buugaag noocan oo kale ah balse ay marara hore  ay deeqdan ookale  u fidiyeen bahda waxbarashada.

Hormoodka kuliyada sharciga ee magaalada  Hargaysa waxa uu uga mahadnaqay qurba jooga Somaliland  doorkooda  deeqaha buugaagta ah ee jaamacada ay  soo gaadhsiiyaan

Wax kale oo munaasabadaaska hadlay Agaasimaha maktabada jaamacada Hargaysa  Maxamuud Cismaan iyo C/raxmaan Dheegsan oo ka socday Maktabada Gaandi ee magaalada Hargaysa.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com