Uncategorized

Somaliland Oo Si Weyn Looga Hadal Hayo Dil Aan Noociisa Hore Loo Arag Oo Hargeysa Ka Dhacay Iyo Dad Hore Looga Samray Oo Loo Malaynayo In Sidan Oo Kale Lagu Dilay

Hargeysa:03-March-2014(SDN)-Guud ahaanba Shacabka Reer Somaliland eek u dhaqan Dalka Gudihiisa ayaa si weyn u Hadal haya Dilkii Abid ugu foosha xumaa ee dalka ka Dhaca.

caafiyWaxa Meelaha La isugu yimaaddo, Basaska la Raaco, Goobaha waxbarashada iyo Makhaaxiyaha Shaaha laga Cabbo laga Hadal hayaa Dilkaas, iyadoo Dadka Intooda badani ay Anfariir iyo argagax baahsan ka qaadeen Sida wax u dhaceen.

Wararka Bulshada Dhexdeeda ku Faafsan ayaa kala Duwan, waxana jira dad sheegaya in Maydka la Googooyey oo la yaryareeyey kadibna Hogga lagu Riday, balse taasi ma Muuqan xilligii Maydka dhakhtarka la Dhigayey oo waxa uu u ekaa inuu isku dhan yahay.

Arrintan ayaa si weyn loo qaadaa-dhigayaa, waxana Shacabku u Turjumanayaa Siyaabo kala Duwan, waxana ay shacabka Dhexdiisa ka Abuurtay shaki iyo Dareen cusub oo la Xidhiidha Dad badan oo la waayey, balse aan markii hore looga Shakiyin in sidan oo kale lagu samayn karo.

Dad badan ayaa dhacdadan ku xasuustay dad ay jeclaayeen oo ay isku ehel ahaayeen  waayey, balse aan marnaba filanin in sidan oo kale Waddanka lagu samayn karo,balse Haatan Ka shakiyey in Dadkoodii Caynkan oo kale loo dilay loona Aasay oo ay Suurtogal tahay inay Guryo Hoostood ku Xabaalan yihiin.

Haddalada dadka xalay Aadka isula Dhex marayeen, ayaa wax aka Mid ah inay qaarkood  hadalkooda u dhigayeen inay Haatan dareen kale ka Qaateen dad ay muddo ka hor waayeen oo u qaateen inay Tahriib iyo siyaabo kale ku dhinteen, balse laga Yaabo in Dil noocan oo kale ah ay ku baxeen.

Murugada iyo Caloolyowga arrintani dalka ka Ridday, ayaa Samada isku shareeray, waxana ilaa xalay meel walba lagu arkayey in Labadii afka isla Gaadhaaba ay Arrintan faaleynayeen, iyagoo waliba si weyn uga Tacajabsan Dhibaatada dhacday iyo cadaawadda intaas Gaadhay.

Dhacdadan Maydka Aqalka dhexdiisa lagu Xabaalay kadib dilkiisa ayaa Noqotay mid ku cusub Somaliland, waxana  ilaa xalay cusbitaalka Guud ee Hargeysa  oo Maydka  la Dhigay Buuxdhaafiyey Dadweyne tiro dhaaf ah oo ka Gadoodsan Arrintan iyo Ehelliyadda Haweenaydii dhimatay oo iyagu aan Hoyanin ilaa iyo Xalay.

Ciidan badan oo booliis ah ayaa sidoo kale ilaa iyo Saaka Buux dhaafsan Cisbitaalka, waxana  wali Qolka maydka yaalla Maydkii Marxuumadda oo aan la Aasin.

Dhacdadan ayaa noqotay midda looga Hadal haynta  badan yahay, isla-markaana ugu murugada Badan ee Dalka ka dhacday iyadoo Uurku Taallo ku reebtay Dhammaanba shacabka Reer Somaliland Gudo iyo Dibadba.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com