Tababare Diamantino Miranda oo Lagu Amrey Inuu 48-Saacadood Kaga Baxo Mozambique Muxuuse Galabsadey? By Jaahuur.

Mozambique-Oct-12-2013- (SDN) Saaxiibayaal qormadeena ciyaarha waxaynu maanta ula qaxaynaa xagaaiyo Afrika iyo Wasiirka Shaqaalaha ee Mozambique Helena Taipo oo cambaareysey Tababare Portaqiis ah oo aflagaadeeyey dalka.

Tababarahan oo lagu magacaabo Diamantino Miranda macalina u ah kooxda Costa do sol Club kana dhisan caasimadda Maputo,waa inuu Sabtida ka baxaa waddanka sidaana waxaa ka dhawaajisey Helena.

Bishii aynu soo dhaafney ayaa wuxuu duubey ereyo aflagaada ah oo uu ku qeexayo iney dadka reer Musaambiik aay tuuga yihiin,markii uu ku eedeeyey inuu ka eexdey siidhiwalihii u hayey kooxdiisa iyo koox kale oo ay wada ciyaarayeen.

Raalingalin ayuu ka bixiyey isaga oo ay ilmadu ka da’ayso shir jaraaid uu qabtey aflagaadadaa uu geystey.

Ma ogeyn markii ay saxafiyiintu I wareysanayeen kuna hadlayey eradadan iney iga duubayaan.

Tababare Miranda aflagadadaas waxay ka timid markii kooxdiisa looga badiyey 2-1 waxaana khaarijisey kooxda la magic baxdey Vilanculos.

Bortaqiiska oo guumeysan jirey Musaambiik ayaa markii aay qaateen xornimada 1975-tii waxaa ka hayaamey 250,000- oo Askari.

Hadal iyo dhamaantii Tababare Diamantino Miranda iyo owhintiisaba waxaa lagu amrey inuu waddanka kaga baxo 48-tan saacadood gudahood.

W/qorey Jaahuur

qurbejoog.com

jjaahuur@hotmail.com