Somaliland:Askari Toogasho Ku Dilay Muwaadin Reer Berbera Ah iyo Gadood Ay Dadweynuhu Sameeyeen Oo Xannibay Wadada Burco iyo Hargeysa

    Berbera,30.Dec,2015(QJ/SDN)-Askari ka tirsan ciidamada Bileyska Somaliland ee magaalada Berbera ayaa toogasho ku dilay Alle ha u naxariiste, Axmed Jaamac (Mudhkasiiye). Dilkan ayaa waxa uu xalay ka dhacay Xaafadda Finland ee Magaalada Berbera, waxaana Marxuumkan loo tuhmay inuu dhisanayay dhisme Sharci-darro ah, Waxaana halkaasi tagay Ciidan bileysa oo loo direy, Waxaana is af-dhaafay Marxuumkii iyo Ciidankii…

    Read More

      ‘’Garoonnada Badhan iyo Garoowe Sheekh Shariif ayaa Cagta saaray, Ka Hargeysana wuxuu yidhi sii daaya,.’’ FAROOLE

      Garoowe,29Dec,2015(QJ/SDN)-Madaweynhihii hore ee Maamulka Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole, ayaa waxa uu ka hadlay taariikhda Garoonka Diyaaradaha Garoowe uu soo maray, isagoona ka sheekeeyay sidii ay dowladdiisu uga qayb-qaadatay in la hir galiyo dhagax-dhigga garoonka diyaaradaha ee Garoowe. Mudane Faroole, oo ka hadlaayay xafladdii dhawaan lagu dhagax-dhiggay garoonka diyaaradaha ee Garoowe ayaa waxa uu sheegay in…

      Read More

        Dowladda Kenya Oo Sheegtay In Aanay Ciidankoodu Soomaaliya Ka Bixi Doonin

        Nairobi,29Dec,2015(QJ/SDN)-Taliyaha Ciidamada Millateriga Dalka Kenya, Jen. Samson Mwathethe ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee loo yaqaanno KDF ay Somalia sii joogi doonaan, isgaoo intaa ku daray inay ka tirsan yihiin AMISOM ayna sii wadi doonaan howgallada dhanka ka ah Al-shabaab. Jen. Mwathethe ayaa sheegay in dagaalka ciidamadoodu kula jiraan Al-shabaab ee Somalia ay sii wadayaan…

        Read More

          Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Asxaabta Mucaaridka iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka DAAWO

          Hargeysa,29Dec,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa kulan la qaatay komishanka doorashada iyo saddexda xisbi qaran ee Somaliland. Kulanka ayaa daarranaa falanqaynta qaabkii ay diwaangalinta codbixiyeyaashu u bilaami lahayd. Guddida doorashooyinka qaranka ayaa xukumadda iyo xisbiyada soo hor dhigtay habka gobollada dalku ugu kala horraynayaan diwaangalinta codbixiyeyaasha iyo wakhtiga la qaban doono oo lagu sheegay horraanta…

          Read More

            Mudanayaal Qaddiyadda Aqoonsiga Somaliland hor-geeyey Baarlamaanka Midawga Yurub iyo Dalalka ay u dhasheen

            Brussels 29 December, 2015 (SDN/QJ):- Xildhibaanno Baarlamaanka Midowga Yurub ka tirsan ayaa ka markhaati furay in madaxbannaani Somaliland ka hesho caalamka wakhtigeedii la joogo, sharci diidayana jirin, maadaama horeba xubin uga ahayd Qaramada Midoobay. Dood Shalay Xarunta baarlamaanka Midowga Yurub ee Brussels ka dhacday oo ku saabsanayd dagaallada Yemen iyo qatooxiga ayaa xildhibaan James Carver…

            Read More

              Aqalka Wakiillada oo ku Hawlan Ansixinta Xeerar Dunidu Ku Qiimayn Doonto Somaliland

              Hargeysa, 29 December, 2015-(SDN/QJ):-Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Dabogalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Cali Xirsi (Obama), ayaa sheegay in golahoodu ansixin doonaan shan xeer oo faa’iido badan ugu fadhiya dalka, adduunkuna ku qiimayn doono Somaliland mustaqbalka. Md. Maxamed Cali Xirsi oo hadal ka jeediyey xidhitaanka kulan wada-tashi oo lagaga arrinsanayey qabyo-qoraalka…

              Read More

                “Isbahaysigu Waa Niman aanu meel ka soo wada shaqaynay, oo aanu difaac soo wada galnay, laakiin waxa aan leeyahay khalad wuu dhacaa , laakiin waxa xasanaad badan in qofku uu qirto khaladkiisa” Wasiir Caddami

                Hargaysa 29.Decembar 2015 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ay wadaan qorshe ay doonayaan in  magaca Xisbiga Kulmiye ay kaga mamnuucaan Isbahaysigii qaadacay Shirkii Golaha Dhexe ee lagu doortay Musharixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Kulmiye ee Doorashada 2017-ka, waxaanu farriin u diray…

                Read More

                  “Dilka Saraakiishu Wuxuu Marayaa 20 Intii Xukuumadani Taladda Haysay” Xildhibaan Siciid Warsame Gaane

                  Hargaysa 29.Decembar 2015 (SDN/QJ):- Xildhibaan Siciid Warsame Gaane oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiiladda, ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedayay inay dalkii iyo dadkii midaysnaa ee loo dhiibay xabad isugu dhiibay, Isla markaana wuxuu sheegay in xukuumadu ku kacday khiyaamo qaran. Xildhibaanku wuxuu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay Telefishanka SBC. Xildhibaanka oo arrimahaa ka…

                  Read More

                    “Wasiir Samsam Cabdi, waa Qof aad u naxariis badan, kuna dedaashaa adeegyada bulshada ee muhiimka ah…” Wasiir Xaglo Toosiye

                    Hargeysa, 29 December, 2015 (SDN/QJ):- Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa xarun caafimaadka Hooyada & Dhalaanka oo laga dhisay tuulada Wado-Makaahiil ku wareejisay Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye). Xafladda wareejinta xaruntan MCH oo ka dhacday deegaan ka tirsan degmada Faraweyne oo socdaal ku tageen doraad wefdiga wasiiro iyo masuuliyiin kale ku jireen…

                    Read More

                      Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Ka Hadashay Qaabka Loo Wadaagayo Khayraadka Dalka

                      Muqdisho,29Dec,2015(QJ/SDN)-Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta  xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya ayaa soo saartay War-saxafadeed ay uga hadleyso habka wadaagga wax soo saar ee  khayraadka dalka, iyadoo taageera ka heleysa African Legal Support Facility (ALSF). Dowladda Federaalka Soomaaliya  waaxa laga taageerayaa dhanka qalabka wax soo saarka  Bangiga horumarinta Africa iyo African Legal Suport  ayaa loo xilsaaray in ay caawiyaan…

                      Read More

                        Taxanihii Qisaska Nolosha iyo Tusmadii Xusuus Qor Dhakhtar Ilkood Kala Soco Qurbejoog.com {DHAGAYSO}

                        Hargaysa 29.Decembar 2015 (SDN/QJ):- Waa Qormadii Taxanaha ahayd ee Xusuus Dhakhtar Ilkood oo ay inoo Soo diyaariso Drs Hibaaq C.raxmaan Buubaal oo ah Dhakhtarad Aqoon durugsan u leh Xanuunada Ilkaha kana Shaqaysa Magaalada Hargaysa.   Waxay Taxanahan inoogu soo bandhigaysaa Khibrad ay ka heshay Mudadii ay ka shaqaynaysay Mihnada dhakhtarnimo,Waxaana si Joogto ah Taxanahan idiinku…

                        Read More

                          Maxay Go’aanada Xukuumadu ka Bedeli doonaan Isu Socodka Somaliland Iyo Somalia,Maxayse Soo Kordhin doonaan? DAAWO

                          Hargaysa 29.Decembar 2015 (SDN/QJ):-Shir muddooyinkan u socday golaha Wasiirrada Somaliland ayaa waxa ay kasoo saareen go’aanno ka kooban toddoba qodob oo qaarkood saameynaya isu socodka Somaliland iyo Soomaaliya inteeda kale. Go’aamadan ayaa qaarkood amraya in qof kasta oo reer Somaliland ah oo Koonfurta Soomaaliya u safraya uu sito Baasaboorka Somaliland, waxaana ay hoos u dhigeen…

                          Read More

                            “Safiirrada kale waxaan ku dhiiri galinayaa inay ku daydaan, Amb Baashe Cawil Cumar intii xaman jirtayna maanta ha ka hadho ayaan leeyahay oo ha eegaan Dedaalkiisa waxqabad” Wasiir Cukuse

                            Hargeysa 29.Decembar 2015 (SDN/QJ):-Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir(Cukuse), oo ka mid ahaa wefti madaxweyne Siilaanyo hoggaaminayay oo degmada Laasgeel ka dhagax dhigay biyo xidheen ayaa sheegay in dhaamkaasi muhiim u yahay degaanka iyo magaalada Hargeysa oo la filayo inay keyd biyood ka hesho. Waxa kale oo uu ammaan u jeediyay safiirka Somaliland ee dalka…

                            Read More

                              Maayarka Caasimada Hargaysa oo Dalka Dib ugu Soo laabtay Bulshadana ugu Bushaareeyay Wax-qabad ay ku farxaan DAAWO

                              Hargaysa 29.Decembar 2015 (SDN/QJ):-Maayirka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa dalka dib ugu soo laabtay Kadib safar shaqo oo uu mudo ugu Maqnaa Waddamada Ethopia iyo Sweden. Maayirka Caasimada oo kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Maayir ku xigeenka Caasimada Cabdicasiis Cagawayne, Xoghayaha Fulinta dawlada Hoose Ibraahim Axmed…

                              Read More

                                “Dadka Maamulka ku dhisay Ceelbarde waxaa ay ka mid yihiin Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya” Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dawlada Federaalka

                                Muqdisho 29.Decembar 2015 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo la hadlay Idaacadda VOA laanta la hadasha Soomaalida ayaa markii ugu horeeysay waxaa uu ka hadlay Maamulka looga dhawaaqay Waqooyiga Gobolka Bakool ee ka madax banaan Koofur Galbeed Soomaaliya.   Wasiirka ayaa sheegay in Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya iyo…

                                Read More

                                  Xamse Ducaale Maxamed (Baaxad) Oo Maanta Loo Magacaabay Madaxa Baratokoolka Ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland

                                  London29Dec15(SDN/QJ) Xamse Ducaale Maxamed (Baaxad) Oo  ahaa  gudoomiiyha Ururka Samafalka ee Table7 ee ka hawlgala deeganka Somaliland oo ah dhalinta ugu firficoon ee dhinaca Samaflaka aya waa Maanta Loo Magacaabay Madaxa Baratokoolka Ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland  magacabistan oo ku sexeexnaa Agasimaha guud ee Wasarada Arimaha Gududaha , Dhamaan Shaqalaha ururka Samafalka ee Tabale7Uk waxay…

                                  Read More