Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Oo Meelmariyay Xeerka Saxaafadda Soomaaliya
Muqdisho,28Dec,2015(QJ/SDN)-Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta waxay ku meel mariyeen hindise sharciyeedka Saxaafadda qaranka. Fadhigoodii maanta oo ay soo xaadireen 142 xil-dhibaan,ayaa waxay cod gacan taaga ku oggolaadeen xeerka saxaafadda qaranka,kaasoo ay 139 xubnood u codeysay halka Saddex ay mudane ka aamustay , mana jirin cid diidday sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya…
