Ardayda Afrika oo Loo Xidhayo Internet ay Dhamaantood Ku Wada Xidhiidhi Karaan

    Addis Ababa 13.Dec 2015 (SDN/QJ):- Dalladaha baadhitaanada iyo waxabarashada ee Qaaradda Afrika oo ay ka mid yihiin UbuntuNet Alliance, ASREN iyo WACREN ayaa kala qayb qaadanaya kuwa dhigooda ah ee reer Yurub hirgelinta mashruuca  yagleelida Internet xawaarihiisu sareeyo oo wada gaadha guud ahaan qaaradda afrika. Tani waxay timid ka dib guushii xidhiidhka ee Afrika ee…

    Read More

      Khilaafkii Xisbiga UCID Ee U Dhexeeyay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Musharax Jamaal Oo Lagu Dhammeeyay Heshiis Xogtiisa Aad Loo Ilaaliyay

      Hargeysa,12Dec,2015(QJ/SDN)-Khilaafkii u dhexeeyay Musharraxa Madaxwaynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen iyo Guddoomiyaha Xisbigaas Faysal Cali Waraabe, ayaa Guddi Odayaal ah oo Maalmihii u dambeeyay ka shaqeynayey ayaa lagu wadaa inay soo afjaraan sida qorsuhu yahay. Khilaafkan UCID oo bilaabmay markii Guddoomiyaha Xisbiga Faysal Cali Waraabe sheegay in lagu tartamayo Musharraxnimada Madaxwaynaha…

      Read More

        Madaxweynaha Somaliland Oo Magacaabay Wakiilka Kenya Iyo Safiirka Wareega.

        Hargaysa 12.Dec 2015 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa magacaabay Masuuliyiin cusub oo ka mid noqon doona Xubnaha Xilalka ka haya Xukuumaddiisa ee hore u magacawnaa. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Caawa Digreeto Madaxweyne ku magacaabay Wakiillo cusub, kuwaasoo oo buuxin doona Boosas uu Wakiilladoodii hore xilal kale ugu magacaabay, isla markaana kala…

        Read More

          Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid Oo Hargeysa Loogu Xidhay Maanso uu ku taageeray Weerarkii Daacish ku qaadday Magaalada PARIS

          Hargaysa 12.Dec 2015 (SDN/QJ):-Ciidammada Ammaanka, ayaa xidhay Abwaanka da’da yar ee Cabdiwaaxid Gama’diid, ka dib markii uu Maanso uu soo saaray ku taageeray weerarkii kooxda Daacish bishii hore ku qaaddey Magaalada Paris ee Caasimadda Dalka Faransiiska. Abwaan Cabdiwaaxid Gama’diid, oo Maalintii Shanaad ku xidhan Saldhigga dhexe ee Magaalada Hargeysa, ayaa loo xidhay inuu Maanso ku…

          Read More

            Nuxurka War Murtiyeed Qaybaha Warbaahinta Somaliland Ka Soo Saartay Shirkada Telesom

            Hargaysa 12.Dec 2015 (SDN/QJ):-Warbaahinta kala duwan ee Somaliland iyo ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa war-murtiyeed ka soo saaray Shirkada Telesom oo ay sheegeen inay la wareegtay hawlihii warbaahinta dalku qaban lahayd. Kulan ay iskugu yimaadeen badi masuuliyiinta Jaraa’idada iyo Tv-yada ayaa laga soo saaray go’aan midaysan oo lagaga hortagayo . War Murtiyeed ka soo…

            Read More

              Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo Maanta Kulan u furtay Dhamaanba Safiirada Iyo Danjirayaasha S.land u fadhiya Caalamka DAAWO

              Hargaysa 12.Dec 2015 (SDN/QJ):- Wasiirka wasaarada arimaha dibada Dr, Sacad Cali Shire ayaa maanta furay kulan socon doona muddo 5 maalmood ah oo lagu dar dar galinayo siyaasada arimaha dibada iyo xil gudashada safiirada. Shirkan ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Waxa uu ku sheegay inay Dhiig Cusub gelinayaan Siyaasada amuuraha dibada ee uu u Xilsaaran Yahay.

              Read More

                Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta oo Kulan la Yeeshay Gudida Ilaalinta Hantida Qaranka DAAWO

                Hargaysa 12.Dec 2015 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta Eng Xuseen Cabdi Ducaale ayaa Maanta hor tagey Gudida Ilaalinta iyo Daba Galka Hantida qaranka ee Golaha Wakiiladda. Kulankan oo Saxaafadu dibada ka Joogtay Isla markaana ay ku wada xisaabtameen Wasaaradan oo wax ka tirsanaysay Warbixin ay soo saareen Gudida daba galka Hantida qaranka ee Golaha Wakiiladda…

                Read More

                  Kulan Lagaga Hadlayay Dib u habaynta Gudiga cadaalada Somaliland oo Hargaysa ka Qabsoomay DAAWO

                  Hargaysa 12.Dec 2015 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha maxkamada sare oo uu wehelinayo wasiirka cadaalada ayaa maanta shir howleed ku saabsan sidii loo tayayn lahaa garsoorka uga furay gudida cadaalada iyo xubno ka mid ah bulshada rayidka ah. Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Maxkamada Sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Geesta kalana waxaa isna halkaasi ka hadlay wasiirka…

                  Read More

                    Gudoomiyaha Ucid Ee Gobolka Saaxil Oo Jawaab Ka Bixisay Eeddo Marwada Madaxweynuhu U Jeedisay Saxaafadda

                    Berbera 12.Dec 2015 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasiin ayaa jawaab ka bixisay hadal ka soo yeedhay Marwadda Madaxweyne Siilaanyo oo u dhacayay in dadka saxaafadda ka hawlgalaa ay aqoon ahaan wax kasta oo la barayba ay ku soo ilaaween musqusha. Marwo Rooda oo shalay la hadashay Telefishanka StarTV waxay daba…

                    Read More

                      “Anigu kursigaa Dhaliisha Iyo Cayda Leh Waan Ogollay, Laakiin Ma Ogoli Qofka Wax Aanuu Geyin In Laga Qoro Oo… ” Marwada Madaxweyne Siilaanyo

                      Berbera 12.Dec 2015 (SDN/QJ):-Marwadda Madaxweynaha oo magaaladda Berbera kaga qayb gashay shir lagu xusayay xuska maalinta xuquuqda aadamaha oo urur dhalinyaro soo qabanqaabiyay ayaa saxaafadda ugu baaqday inay dhawraan xuquuqda dadka ay wax ka qorayaan si tooda loo ilaaliyo, isla markaana waxay ku tirtirsiday weriyayaal ay sheegtay inay macalimad u ahayd, in aqoontii la baray…

                      Read More

                        Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Maanta Qasrigiisa ku Qaabilay Wefti ka socda Dawlada Deegaanka Somalida Itoobiya

                        Hargaysa 12.Dec 2015 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Wefti wasiiro ah oo ka socda Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo dalka ku sugnaa maalmahan. Isbarasho ka dib waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo weftiga uga mahadnaqay socdaalka ay ku joogaan Somaliland, ka…

                        Read More

                          Badhasaabka Selel Oo Ka Hadlay Niman Laba Gabdhood Ku Kufsaday Lawyo-cado Oo La Xidhay

                          Saylac 12.Dec 2015 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha  gobolka Selel  C/rasaaq Waaberi Rooble ayaa sheegaya in shalay magaalada Saylac lagu xidhay shan nin oo lagu eedeeyay  inay laba gabdhood ku kufsadeen meel u dhow magaaladda Lawyo-cade ee ku taalla xadka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti.   Guddoomiyaha gobolka Selel, C/rasaaq Waaberi Rooble, oo  xalay telefoonka ugu waramay DAWAN  waxa…

                          Read More

                            Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo soo dhoweeyey Wadahadalada Galmudug iyo Ahlusunna

                            Muqdisho, December 12.2015 (SDN/QJ):-Ra”iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa soo dhoweeyey, isla markaana rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadalada dhowaan uga furmi doona magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Wal Jamaacah, wuxuuna ugu baaqay dhinacyadaasi inay muujiyaan, dabacsanaan, isu dhega-nuglaan, Soomaalinimo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in…

                            Read More

                              Laba Wasiir oo Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland oo Casuumad la Isku Arkay u Sameeyay Weftiga Itoobiya DAAWO

                              Hargaysa 12.Dec 2015 (SDN/QJ):- Wasiirka caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye iyo wasiirka wasaaradda biyaha Baashe Cali Jaamac, ayaa qado sharaf ku maamuusay weftiga dawlad degaanka Soomaalida Ethiopia ka socda ee maalmihii u dambeeyay Hargeysa ku sugnaa. Kulanka qado sharafta ah oo ay wada jir u soo agaasimeen labada wasiir ee gobolada bariga Somaliland…

                              Read More

                                Itoobiya: Khasaaraha Qarax Ka Dhacay Magaalada Addi-ababa

                                Addis-ababa,12Dec,2015(QJ/SDN)-Qarax khasaare nafeed gaystay ayaa ka dhacay masaajidka ugu wayn magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya,sida uu xaqiijiyay Afhayeen u hadlay xuquumada Itoobiya. Masaajidkan la qarxiyay oo lagu magacaabo ANWAR kuna yaala badhtamaha magaalada caasimada ah ee Addis Ababa,ayaa wasiirka xidhiidhka Itoobiya Getechew Reda uu sheegay in dhaawacu gaadhayo ugu yaraan 10 qof,halka warar kale…

                                Read More

                                  Dowladda Soomaaliya Oo Codsatay In Dib Loo Bilaabo Wadahadalladii Kala Dhexeeyay Somaliland

                                  Geneva,12Dec,2015(QJ/SDN)-Dawlada Somaliya ayaa mar kale ku baaqday in dib loo furo wada hadalkii u dhexeeyay Somaliland iyo Somaliya. Raysal-wasaare ku xigeenka Somaliya Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay inay mihiim tahay isku tanaasul,waxaanu sheegay“Haddaan la isu tanaasulin oo aan la kala roonaan, roob ma da’o, waa in la kala roonaado, oo la isku dayo sidii la…

                                  Read More

                                    Wiilal Dhallinyaro Soomaaliyeed Ah Oo Siyaabo Kala Duwan Loogu Dilay Magaaalada Washington Ee Dalka Maraykanka

                                    Washington,11Dec,2015(QJ/SDN)-Magaalada Seattle ee Gobolka Washington ee Dalka Mareykanka ayaa todobaadkan siyaabo kala duwan loogu dilay laba Wiil oo Soomaali ah, iyadoo dilalkan ay cabsi ku abuurtay dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaas. Mid ka mid ah labada wiil ee Somalida ah ayaa lagu magacaabaa; Xamza Xasan Warsame oo 16-jir ahaa, kaasoo habeennimadii Axadda ahayd laga…

                                    Read More

                                      “Al-shabaab waxay toogasho badheedh ah ku dileen tiro ka mid ah Mujaahidiinta Ajnabiga ah,’’ DAACISH Oo Al-Shabaab Farriin Usoo Dirtay

                                      Muqdisho,12Dec,2015(QJ/SDN)-Ururka Dowladda Islaamiga ah ee Daacish ama ISIS ayaa ku eedeeyay Xarakada Al-shabaab ee Somalia inay toogasho ku dileen dagaalyahanno ajaanib ah oo kasoo horjeestay fikirkooda ah in laga sii mid ahaado kooxda Al-Qaacida. ISIS ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in hoggaamiyeyaasha ay dileen Al-shabaab uu ka mid yahay dagaalyahan u dhashay dalka…

                                      Read More

                                        Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Oo Ka Hadlay Xannibaadda Idaacadda VOA

                                        Hargeysa,12Dec,2015(QJ/SDN)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inaanu ilaa hadda ogayn sababta loo xidhay Idaacadda codka Maraykanka ee VOA-da kadib markii xukumaddu xannibtay. Idaacadda oo markii ay muddo hawada ka maqnayd dib u soo gashay xilliyadeeda caadiga ah ee subaxdii, galabtii iyo cawayskii ayaan wali loo ogolaan xilli cusub oo ah inay…

                                        Read More