Suxufiyad ka Tirsanayd Warbaahinta Dowladda Soomaaliya oo u Geeriyootay Dhaawac kasoo gaadhay Qarax

    Muqdisho,3Dec,2015(QJ/SDN)-Waxaa goor-dhaw dhaawac ahaan ugu geeriyootay isbitaalka Madiina ee Muqdisho wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo maanta uu dhaawac ka soo gaaray Qarax lagula eegtay agagaarka dhismaha Jaamacadda Soomaaliya ee Muqdisho oo ay wax ka baranaysay. Suxufiyaddan ayaa waxaa la sheegay inuu dhaawac culus kasoo gaaray Qarax loogu xiray gaarigeeda, kaasoo la qarxay xilli ay kasoo…

    Read More

      Somaliland: Suxufiyiiin Hargeysa Ku Xidhnaa Oo Xorriyadoodii Dib U Helay

      Hargeysa,3Dec,2015(QJ/SDN)-Suxufiyiinta Rashiid Nuur iyo Siciid Khadar oo 30-kii bisha dhammaatay lagu xidhay Hargeysa ayaa dib u helay xorriyadooda, kadib markii xeer ilaalintu xabsiga dhigtay iyaga iyo wargeyskooda Hubsad. Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac, ayaa sheegay inay ku guulaysteen in xeer ilaaliyaha guud ka aqbalo dedaallo lagu soo daynayay Cabdirashiid Nuur Wacays…

      Read More

        “Madaxweyne Madaama Aad Tanaasushay Waxa aanu kaa Filaynay inaad dhex noqoto, Waxa aanu kaa Filaynay inaad Oday Noo Noqoto,..’’ Xil.Cabdiraxmaan Dheere

        Madaxweyne madaama aad tanaasushay waxa aanu ka filaynay inaad dhex noqoto, waxa aanu kaa filaynay inaad Oday noo noqoto, waxa aanu kaa filaynay in aad ku baaqdo in si xor ah loo tartamo, waxa aanu ka filaynay in wixii khilaaf  iyo tabasho ah ee ku soo kordha Xisbiga xaliso,” Xldhibaan Cabdiraxmaan Dheere Hargeysa,3Dec,2015(QJ/SDN)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan…

        Read More

          Cali Khaliif Oo Sheegay In Maraykanku Taageeray Hawlaha Uu Ka Wado Sool iyo Sanaag

          Nairobi,3Dec,2015(QJ/SDN)-Hogaamiyaha kooxda Somaliland diidka ah ee Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa muddooyinkii u dambeeyay magaalada Nairobi ee caasimada Kenya wuxuu ka waday qorshe uu fidmada uu ka wado degaannada Sool ugu gudbinayo gobolka Sanaag. Waxa uu ku hawlan yahay sidii bulshada gobolka Sanaag ku nooli ugu biiri lahayd Khaatumo. Waxa uu sheegay in qorshihiisan degdeg…

          Read More

            Diyaarado xalay duqeeyay saldhig ay Al-shabaab lahayd oo ku yaala gobolka Shabeellada Hoose

            Muqdisho,3Dec,20145(QJ/SDN)-Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay fiidkii cirka laga duqeeyay deegaanka Kuunyo-baroow oo 90-km Koonfur-galbeed kaga beegan degmada degmada Baraawe ee gobolka shabeellaha hoose. Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegaya inay maqleen illaa saddex gantaal oo culus, kuwaasoo ku dhacay duleedka deegaanka Kuunya-baroow oo dhinaca waddada Kismaayo aadda ah. Sidoo kale,…

            Read More

              Madaxweyne Ku Xigeenkii 2aad ee S.land Yeelato Muj. C.raxmaan Aw Cali oo Is barbar dhigay Khilaafkii Kulmiye ee 2008 iyo Kii Sannadkan Iyo Dhaliisha Xisbiyadda uu u Hayo

              “Anigu xisbiga Kulmiye ayaan ka mid ahaan jiray, malaha waa markii u horaysay een ka hadlaye Burco plaza kala jabkii nagu dhacay iyo doorasho xumadii lagu kala dhaqaaqay,haddana tii oo kale halkan ka dhacday  Waa nasiib darro, waa Jug-jug meeshaada joog,”  “Maaha kaliya Ucid, Kulmiye shalay ayuu ku kala dhaqaaqay hotelka ay shirka ku qabsanayeen,…

              Read More

                Garaad Cabdinaasir Garaad Abshir oo ka waramay nabadeynta Gobollada Bari ee Somaliland, Fariina u Diray Prof Galaydh DAAWO

                Hargeysa 03.Dec 2015 (SDN/QJ):- La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee nabadeynta Gobollada Bari Garaad Cabdinaasir Garaad Abshir Saalax, oo uu dhalay mid kamida hogaamiyeyaasha Dhaqanka ee ugu caansan gobollada SSC, ayaa ka war bixiyey halka ay marayan howlaha nabaddeynta Gobollada uu ka soo jeedo ee SSC, isla markaana uu madaxweynaha la-taliyaha uga yahay. Eng. Garaad Cabdinaasir oo…

                Read More

                  “Waxbarashadii waxa cidhiidh galiyay 19 Hay’adood Ayaa Ku Xidhiidhsan Waxbarashada, Haddana Wax Muuqdaa Ma Jiraan” Wasiirka Waxbarashadda Somaliladn

                  Hargeysa 03.Dec 2015 (SDN/QJ):- Wasiirka Waxbarashada Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahim Habbane, ayaa sheegay in waxbarashada ay cidhiidhi geliyeen hay’addo iyo dugsiyada gaarka loo leeyahay oo mid kasta man-haj shisheeye sito. Wasiir Habbene oo ka hadlay kulan lagaga hadlaayey qorshaha jaamacadaha ee shanta sanno ee soo socota, ayaa tilmaamay in aanay jirin dawlad awood leh oo cilmi-baadhis…

                  Read More

                    Maamulka Telefishanka Bulsho Tv oo Xisbiga Waddani ka raaligeliyey War Sheegayay in Dhallinyaro Reer Gebilay ahi ay Ku Mudaharaadeen,Calanka Xisbigaasna Ey Loo Xidhay+ Dhallinyaro Cadeeyey inay Falkaas ka Danbeeyeen DAAWO

                    Hargeysa 03.Dec 2015 (SDN/QJ):- Masuuliyiinta Televisionka bulsho oo xisbiga wadani iyo dadwaynaha Reer Gabiley ka raaligeliyeen War Been Abuur ahaa oo Habeen Hore Bulsho Tv  laga Baahiyay,Kaas oo Sidoo kalena lagu faafiyey Baraha Xidhiidhka Bulshada,kaas oo ku saabsanaa Madax ka Tirsan Xisbiga Waddani oo dhallinyaro Magaaladaasi ku nooli ku Mudaharaadeen Xili ay hawlo shaqo u…

                    Read More

                      Nairobi: Firkanaxii Ardayda Iyo Fashilaadda Hawlgalkii Hubinta Feejignaanta

                      Nairobi, 03 December, 2015-(SDN/QJ):- Barnaamij dawladda kenya ugu talagashay in lagu ogaado feejignaanta ardayda iyo  hababka ay isku difaaci karraan haddiiba ay dhacdo in Alshabaab soo weerarto goob waxbarasho, ayaa tijabadiisii u horaysay sababtay dhimasho iyo dhaawac kadib markii ardayda Jaamacadda Strathmore ee magaaladda Nairobi ay ka diddeen niman u soo lebistay sida Alshabaab oo…

                      Read More

                        Sheekh Dirir oo Dhinac isaga Leexiyay Nin Ku eedaysan inuu Guurka & Fasaqa ku fulin jiray Kaas oo sheegtay Inuu Wakiil u Yahay Sheekha

                        Hargaysa 03.Dec 2015 (SDN/QJ):- Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa sheegay inaanu la kulmin, wejigiisana arkin Nin la sheegay inuu xilligan ku xidhan yahay Saldhigga dhexe ee Booliiska magaalda Hargeysa oo ku eedeysan inuu Meherka iyo Fasaqaadda Dumarka fulin jiray, isagoo sheeganaya inuu yahay Wakiilka Sheekh Dirir. Ninkan oo Ciidamada Booliisku ka qabteen magaalada Hargeysa…

                        Read More

                          Shacabka Magaalada Burco oo werwer ka muujiyey caqabado golaha deegaanka, dhalinyarada ilaaliya xaafadaha ka haysta

                          Burco, 03 December, 2015-(SDN/QJ):- Xog-uruurin Hay’ad caalami ahi ka  samaysay degmada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa lagu ogaaday caqabado dhinacyo kala duwan ah oo ka jira, oo wax-ka-qabashadoodu u baahan tahay inay u hawlgalaan dhinacyada ay khusayso ee Baarlamaanka, Xukuumadda Somaliland iyo Golaha deegaanka Burco.   Xog-uruurintan oo ku saabsanayd xallinta khilaafaadka iyo qiimaynta…

                          Read More

                            Warbixin “Dagaaladii Puntland iyo Galmudug ee Gaalkacyo Waxay Ka Barakiciyeen Shacab Gaadhaya 40 Kun oo Qoys”

                            New York 03.Dec 2015 (SDN/QJ):-  Hay’adda Qaramadda Midoobay u qaabbilsan isku-xidhka arrimaha gargaarka ee OCHA, ayaa shaacisay in dagaallada u dhexeeya Ciidammada Maamullada Puntland iyo Galmudug magaalada Gaalkacyo ee xarunta Mudug ka barakiciyeen Guryahoodii Shacab lagu qiyaasay illaa afartan kun oo qoys. Hay’adda OCHA oo Warbixintan soo saartay, ayaa sheegtay inay xogtan ka heleen Ururrada…

                            Read More

                              Boorama oo Dadwaynaha ku dhaqani Ka Cabanaya Dhibaatada Ay Eeydu Ku Hayaan DAAWO

                              Boorama 03.Dec 2015 (SDN/QJ):- Bulshada ku Nool Xarunta Gobolka Awdal ee Magaalada Boorama ayaa Cabasho weyn ka Muujiyey Korodhka Ey Tiro badan oo ku nool Magaaladaasi,Taas oo Saamayn Caafimaad mararka qaar Sababi karta. Qaar ka Mid ah haweenka ku dhaqan Magaaladaasi ayaa ka dalbaday Maamulka Magalada Boorama inay Xil iska saaraan Sidii Xayawaanka Eyda ah…

                              Read More

                                Maxaa kusoo kordhay Ciidamadii iyo Diyaaradihii ay Kenya soo dhoobtay Xadka Somalia ?

                                Nairobi, 03 December, 2015-(SDN/QJ):-Ciidamadii ay Dowlada Kenya gudaha asbuucaani geysay xadka kala qeybiya Kenya iyo Soomaaliya ayaa  bilaabay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay kawadaan xadka. Ciidamadaani oo bilowga asbuucaani Xadka la imaaday ilaa Afar diyaarad nooca dagaalka ah ayaa waxa ay hada lasoo hareen Laba diyaarad nooca Helikobterka loo yaqaan. Ciidamo dhan 180 oo bilowga asbuucaani…

                                Read More

                                  Safiirka Somaliland Ee Itoobiya Oo Ka Jawaabay Eedo La Xidhiidha Musuq Maasuq Lagu sameeyay Deeqo Waxbarasho DAAWO

                                  Addis Ababa 02.Dec 2015 (SDN/QJ):- Safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya Ambassador Maxamuud Aadan Jaamac (Galaal), ayaa ku dooday inaanay waxba ka jirin eedaymo ka soo yeedhay dugsiyada sare ee Dayib guray iyo Quule Aadan ee Hargeysa, kuwaasi oo dhawaan sheegay in deeqdii waxbarasho ee ay ka heleen Ethiopia la musuqmaasuqay. Danjire Galaal ayaa sidoo kale…

                                  Read More

                                    Baahin Cusub oo Idaacadda VOA oo Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Joojisay Iyo Jebitaanka Heshiis ay hore u wada Galeen DAAWO

                                    Hargaysa 02.Dec 2015 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa Maanta Sheegay in Idaacadda VOA ay Jebisay Heshiiskii ay la Gashay Wasaaradda Warfaafinta. Hadalka Wasiir Cukuse ayaa ka danbeeyay Kadib Markii Idaacadda VOA Laanteeda Afka Somaligu ay Maalintii Shalay Bilowday Baahin Cusub oo Soo Gashay Saacada Bariga Africa Markii ay…

                                    Read More

                                      Madaxweynaha Somaliland oo oo La Xisaabtamay Hogaanka Sarre ee Wasaaradda Warfaafinta DAAWO

                                      Hargaysa 02.Dec 2015 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Maanta Kulan Xog waraysi ah Waxa uu kula Yeeshay Qasriga Madaxtooyadda Madaxda Sare ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland. Kulankan uu Madaxweye Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo la Yeeshay Madaxdda Wasaaradda Warfaafinta ayaa Salka ku haya Warbixin ay Gudidda Ilaalinta iyo Daba galka Hantida…

                                      Read More