Qunsuliyadda Turkiga Ee Hargeysa Oo Baajisay Kulan Ay Jimcaha Qaban Lahayd

    Hargeysa,26Nov,2015(QJ/SDN)-Qunsuliyadda Turkigu ku leeyahay Hargeysa ayaa shalay si rasmi ah u hakisay marti-qaadka kulan ay saddex maalmood ka hor u fidisay Madaxda Ururrada Bulshada, Dhaqanka iyo Masuuliyiin kale, kulankaasi oo qorshuhu ahaa in uu berri oo Jimce ah gelinka dambe ku qabsoomo xarunta Qunsuliyadda oo ku taalla xaafadda shacabka ee Magaalada Hargeysa, laguna sheegay in…

    Read More

      Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo La Filayo In Uu Booqdo Magaalada Gaalkacyo iyo Xiisad Colaadeed Oo Halkaasi Ka Taaqan

      Gaalkacyo,26Nov,2015(QJ/SDN)-Saacadaha soo socda waxaa Gaalkacyo kusoo wajahan Wafti uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha dowladda Fadaraalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’ake. Cumar Cabdirashiid ayaa Gaalkacyo u imaanaya sidii loo xalin lahaa xaalada kataagan,Saaka waxaa lagu waday magaaalada inuu ka furmo shir u dhaxeeya labada dhinac,walow wararku sheegayaan in shirkaasi uu baaqday oo ay imaan waayeen Odayaashii dhanka…

      Read More

        ‘’Somaliland waxa ay Luntay Markii Inamadii Gaaladu wax soo bartay ay Yidhadeen waanu u Talinaynaa..’’ Boqor Buurmadow

        Hargeysa,26Nov,2015(QJ/SDN)-Boqor Cismaan Aw Muxumuud (Buurmadow) Ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtey ka dib markii uu mudooyinkii u danbeeyey uu safar ugu maqanaa qaar ka mid ah wadamada dibadda. Boqor Buurmadow oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey xubno badan oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland…

        Read More

          ”Inuu Faysal UCID Iiga Tago Mooye Anigu Uga Tagi Maayo,..” Jamaal Cali Xuseen

          Hargeysa,26Nov,2015(QJ/SDN)-Musharaxaha jagada Madaxweynenimo ee xibiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa markii ugu horraysay ka hadlay Khilaafka soo kala dhex-galay masuuliyiinta ugu sarreysa xisbiga Ucid oo uu isagu ka mid yahay. Mudane Jamaal oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in hadalkii shalay kasoo yeedhay gudoomiye Faysal Cali Waraabe ee ahaa in Xisbiga dib loogu…

          Read More

            Khasaaraha Dhaawac iyo Dhimasho Ka Dhalatay Baabuur Magaalada Burco Kusoo Dhaweynayay Isbahaysiga KULMIYE

            Burco,26Nov,2015(QJ/SDN)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay shil Baabuur, kaas oo ka mid ahaa gaadiid tiro badan oo soo dhaweynayay Isbahaysiga Dimuqraadiga ee Xisbiga Kulmiye, Kuwaas oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan. Ugu yaraan hal ruux ayaa lagu…

            Read More

              Maxaa u sabab ah khilaafka soo noqnoqday ee xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland?

              Sanadkii 2001 markii dadwaynaha reer Somaliland afti ku ansixiyeen dastuur dhigaya mabaadida dimoqraadiyadda waxay Somaliland u dhaqdhaqaaqday sidii ay u yagleeli lahayd nidaam dawladeed ku sal leh dimoqraadiyad ay hogaanka siyaasadda u hayaan xisbiyo siyaasadeed (Jhazbhay, 2009). Ka hor aftida dastuurka, madaxda dalka waxa soo xulli jiray ergooyin qabiiladu soo dirteen oo shir wayne ay…

              Read More

                Al-Shabaabta Gal-gala Oo Xalay Weeraray Fadhiisimada Ciidamada Maamulka Puntland ee Buuraha Gal-gala

                Gal-gala,26Nov,2015(QJ/SDN)-Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab, dhawaanna ku biiray dowladda Islaamka Daacish/ISIS ayaa xalay weerar ku qaaday fadhiisimo ciidanka Puntland ku leeyihiin deegaanka buuraleyda ah ee Galgala, iyadoo intii uu socday iska-hor-imaadka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Wararka ayaa sheegaya in xoogagga Al-shabaab ay madaafiic ku weerareen fadhiisimaha ciidamada maamulka Puntland, iyadoo kaddib dagaal…

                Read More

                  “Faysal Hadduu U Baahan Yahay Aayadda Qur’aanka Ah Ee Ka Mamnuucaysa Inuu Markan Isa Soo Sharaxaa Way Jirtaa Ee Miyaanu Quranka Aqoonin..,” Cali Guray

                  Hargeysa,26Nov,2015(QJ/SDN)-Iyadoo muddooyinkii u dambeeyay uu jiray khilaaf cakiran oo u dhexeeya guddoomiyaha xisbiga Ucid iyo musharaxa xisbiga Jamaal Cali Xuseen, sidoo kalena musharax xigeenkii xisbiga Cabdirashiid Xasan mataan ku kalifay inuu iscasilo, ayay haddana soo ifbaxaysaa in guddoomiye Faysal iyo guddoomiye xigeenka saddexaad ee Ucid Cali Guray ay is khilaafsan yihiin. Arbacadii shalay ayuu Eng…

                  Read More

                    Imaaraadka Oo La Sheegay Inuu Joojiyay Baabuurta Uu Ka Iibiyo Ganacsatada Somaliland iyo Soomaaliya

                    Hargeysa,26Nov,2015(QJ/SDN)-Imaaraadka Carabta ayaa Arbacadii ku war-galiyey ganacsatadii Reer Somaliland iyo kuwa Somaliya ee ka soo iibsan jiray baabuurta in la joojiyey gaadiidkii ay u dhoofin jireen dalalkooda, isla markaana amray inay soo celiyaan kuwa Dekedda yaala ee ay rareen si loogu celiyo lacagtii ay siisteen. Ganacsade ku sugan Dalka Imaaaraadka Carabta ayaa sidaasi u sheegay…

                    Read More

                      Shacabka Dalka Ruushka Oo Shiid Hadhka kaga dhigay Safaaradda Turkiga Ee Moscow Kaddib Diyaaraddii Uu Turkigu Soo Riday SAWIRRO

                      Moscow,26Nov,2015(QJ/SDN)-Boqolaal shacab u dhashay dalka Ruushka ayaa weerar ku qaaday Safaarada Turkiga ay ku leedahay magaalada Moscow Caasimada Ruushka. Shacabkaani oo ka cadheysnaa talaabadii ay Dowlada Turkiga kusoo riday Diyaaradii dul heehaabeysay Hawada Turkiga, waxa ayna dhagxaan ku jajabsheen Muraayadihii Safaarada. Shacabkaani ayaa buuxdhaafiyay afafka hore ee Safaarada, waxaana tiradooda xakameyn waayay Booliska Ruushka oo…

                      Read More

                        Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyada Oo Ka Hadlay Socdaalka Burco Ee Isbahaysiga iyo Mawqifkooda Siyaasadeed

                        Hargeysa,25Nov,2015(QJ/SDN)-“ Weli Xisbi kale iyo aragti kale maanu qaadan ee waxaanu u taaganahay helitaanka xaqa muwaadin walba u leeyahay doorasho xor ah xisbi ahaan iyo qaran ahaanba waxaanan safar xog-weraysi ah ku gaadhi doonaa Caasimada Gobolka Togdheer ee Burco ” hadalkaasi wuxuu ka mid yahay qoraal kooban oo wasiirkii hore ee madaxtooyadu kaga hadlay mawqifkooda…

                        Read More

                          Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka iyo Dabagalka Ee Wakiillada Oo Soo Bandhigay Warbixin Ka Hadlaysa Heerka Maamul Daadajinta Ee Wasaaraddaha Dalka iyo Wasiiro Ka Dareen Celiyay DAAWO

                          Hargeysa,25Nov,2015(QJ/SDN)-Guddida ilaalinta hantida qaranka iyo dabagalka Musuqmaasuqa ee golaha wakiillada Somaliland ayaa munaasibad lagu qabtay Hotel Maansoor ee Hargeysa waxay ku soo bandhigeen warbixin ku saabsan heerka maamul daadajinta hay’addaha dawladda iyo shaqooyinka iyo lacagta miisaaniyadda wasaaraddaha ugu jirta gobolada iyo degmooyinku siday u fulaan. Warbixinta waxaa laf dhabar u ah xogaha laga helay isuduwayaasha…

                          Read More

                            “Khilaafka UCID wuxuu salka ku hayaa Hagrasho Loo Geystay Raggii Keenay Guushii 2012ka” Qaybta 1aad. W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

                            September 2011kii ayaan ka mid noqday Golaha Dhexe ee UCID, waa markii ay Maxkamadda Sare ee Somaliland ku dhawaaqday in ay sharci-darro ahayd xil-ka-qaadistii ay Guddoomiye Faysal Cali-Waraabe ku sameeyeen xubno UCID ka tirsanaa oo markii dambe aasaasay Xisbiga WADDANI. Waayadaa waxa ay awoodda xisbigu gaadhay halkii u hoosaysay. Shirar kala duwan oo joogto ah…

                            Read More

                              “Ganacsatadu Waxay Ka Fikirayaan Jeebkooda Waxa Gelaya Ee Kama Fikirayaan Dhibaatada Ay Bacdu Leedahay” Wasiir Shugri

                              Hargeysa,25Nov,2015(QJ/SDN)-Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandarre, ayaa ka hadashay waxyaabaha hortaagan digreetadii madaxweyne Siilaanyo ku mamnuucay isticmaalka bacaha  lagu dukaamaysto oo aan wali si rasmi ah u dhaqan gelin. Wasiir Shugri oo shalay u waramaysay wargeyska DAWAN, ayaa  sheegtay in rugta ganacsiga iyo dawladaha hoose ee Somaliland ay…

                              Read More

                                ‘’Aniga Aayada Igu Soo Degtay EeTidhi Faysal Ma Tartami Karo Waayo?..’’ Faysal Cali Waraabe

                                Hargeysa,25Nov,2015(QJ/SDN)-Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inuu xaq u leeyahay inuu u tartamo musharaxnimada xisbiga Ucid. Waxa uu ku dooday in dadka faafinaya wararka ku saabsan inuu tartamayo ay yihiin kuwo ka cabsanaya inuu la tartamo. Eng Faysal Cali Waraabe, wuxuu sidoo kale sheegay inaanu xisbiga waxba ku tarahayn…

                                Read More

                                  AL-SHABAAB: Waxaa naga go’aan ah inaan la dagaallano cid walba oo isku dayda inay na kala Qaybiso

                                  Muqdisho,25Nov,2015(QJ/SDN)-Guddoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose, Sh. Maxamad Abu-cabdalla ayaa hadal uu jeediyay wuxuu ugu baaqay Al-shabaab iyo dadka ku nool deegaannada ay ka taliyaan inay ilaaliyaan midnimadooda, isagoo xusay inay iska qaban doonaan cid walba oo isku dayda inay Al-shabaab kala qaybiso. Sh. Abuu-cabdalla ayaa hadalkan ka jeediyay xaflad lagu furayay kulan diimeed ka…

                                  Read More

                                    Madaxweyne Obama oo Taageeray Go’aankii uu Turkigu kusoo riday diyaaraddii Ruushku lahaa

                                    Washington,25Nov,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa difaacay tallaabadii dowladda Turkiga ay kusoo rideen shalay mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka Ruushka, xilli madxweynaha Ruushka Putin uu sheegay inay cawaaqib-xumo ka dhalan doonto diyaaradda lasoo riday. Barack Obama ayaa sheegay in Turkiga uu xaq u leeyahay inuu difaacdo dhulkiisa, isagoo xusay inay Turkiga uu madax-banaan yahay, tallaabadii…

                                    Read More

                                      Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta dalacsiiyay ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya SAWIRRO

                                      Muqdisho,25Nov,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka ciidanka miino-barista booliiska Soomaaliya, taasoo lagu qabtay xarunta gaadiidka booliiska ee Muqdisho, isagoo dallac-siiyay qaar ka mid ah ciidamadaas. Madaxweyne Xasan ayaa halkaas salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ciidanka booliiska ka tirsan, isagoo salaanta kaddib khudbad ka jeediyay munaasabadda, taasoo uu…

                                      Read More