Bangkok: Milateriga oo afgambi kula wareegay talada Thailand, maxaadse kala socotaa tirada inqilaabyada hirgalay ee ciidanka dalkaasi ku hantiyeen xukunka?
Bangkok 22, May 2014 (SDN)- Milateriga Thailand ayaa Khamiista maanta afgambi kula wareegay xukunka dawladda dalkaas, iyadoo inqilaabkani uu awoodda Raysul-wasaarenimada siiyay ninka ugu sareeya ciidamada Thailand. Sida uu ku waramay Telefishanka CNN, saraakiisha milateriga dalkaasi waxay sidoo kale maanta ku dhawaaqeen bandoo laga bilaabo saacadda 10-ka habeenimo ilaa shanta subaxnimo ee xilliga waqtigaas, siday…
