Muuse Biixi Oo Loo Doortay Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga KULMIYE

    Hargeysa,10Nov,2015(QJ/SDN)-Shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ee ka socday magaalada Hargeysa ayaa lagu doortay musharaxa madaxweynaha ee xisbigaasi. Xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ee ka soo qayb galay shirkan oo tiradoodu dhamayd 365 ergay  ayaa waxa u codeeeyey Muuse Biixi Cabdi  inuu noqdo musharaxa xisbiga Kulmiye 344 xubnood, halka ay diideen 14, waxaana ka…

    Read More

      Madaxweyne Siilaanyo Oo Ku Dhawaaqay In Aanu Mar Danbe Isasoo Sharraxi Doonin,Maxaa u Sabab ah?

      Hargeysa,10Nov,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa waxaa uu si rasmi ah u shaaciyey in uu ka tanaasulay in uu mar labaad u tartamo musharaxa madaxweyne ee xisbiga kulmiye. Madaxweynaha ayaa waxaa uu hadalkasi ka shaaciyey qudbad uu ka jeediyey shirweynaha shanaad ee xisbiga kulmiye oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada hargeysa….

      Read More

        Madaxwayne Siilaanyo Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Hoolka Uu Ka Socdo Shirka Golaha Dhexe Ee Kulmiye SAWIRRO

        Hargeysa,10Nov,2015(QJ/SDN)-Madaxwayne Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminayo oo ka kooban dhamaan xubnihii golaha wasiirada  ayaa imika Tagay hoolka uu ka socdo shirka golaha dhexe ee Kulmiye. munaasibadu waxa ay u muuqataa ilaa hada mid leh weji dagan kedib markuu madaxweynuhu yimid waxaa yaraatay kooxaysigii waxaana uu mudane kastaa fadhiistau booskiisii, waxaa la filayaa in madaxweynuhu halkaasi…

        Read More

          Shirweynihii Xisbiga KULMIYE Oo Hadda Furmay iyo Jawiga Goobta

          Hargeysa,10Nov,2015(QJ/SDN)-Shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ayaa si rasmi ah uga furmay Hutteel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, halkaas oo ay soo gaadheen ergadii ugu badnayd iyo waliba masuuliyiinta xisbigaasi. Waxa lagu wadaa in uu shirkani socdo muddo laba cisho, kaas oo lagu soo dooran doono murashaxiinta madaxweynaha iyo ku xigeenka ee xisbigaasi uga qayb galaya…

          Read More

            Ammaanka Caasimada Hargeysa Oo Aad Loo Adkeeyay iyo Ciidamo Tiro Badan Oo Waddooyinka Lasoo Dhoobay

            Hargeysa,10Nov,2015(QJ/SDN)-Iyadoo la filayo in goordhow uu Hargaysa ka furmo shirka golaha dhexe ee KULMIYE ayaa ilaa xalay ilaa saaka laga dareemayaa Magaalada ciidamo dheeraad ah oo jidadka ku sugan. Gaadiidka ayaa lagu baadhayaa meelo badan oo magaalada ah, waxaanu boolisku ku foogan yahay ammaanka. Waddooyinka gala goobta uu shirku ka dhacayo oo ah Hutteel Maansoor…

            Read More

              Loolanka u dhexeeya Saylici iyo Xaglo-toosiye iyo khilaaf hor leh oo laga Cabsi-qabo

              Hargeysa,9Nov,2015(QJ/SDN)-Waxaa gabo-gabo ku dhow qaban-qaabadii shirka 5-aad golaha dhexe ee xisbiga kulmiye, waxaana soo shaac-baxaya loolanka adag ee ka dhex jira musharraxiinta, iyadoo ay soo baxayso ifafaale rajo weyn u muujinaysa taageerada uu ka helayo doorashada golaha dhexe ee xisbiga kulmiye musharax Saleebaan Xaglo Toosiye oo u sharaxan madaxweyne ku xigeenka xisbiga kulmiye kaas oo…

              Read More

                Musharax Saleebaan Xaglotoosiye Oo Farriin U Diray Golaha Dhexe Ee Kulmiye DAAWO

                Hargeysa,9Nov,2015(QJ/DN)- Wasiir Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye oo ah musharax u tartamaya jagada madaxweyne xigeenka, islamarkaana loolan kula jira madaxweyne xigeen Cabdiraxmaan Saylici, ayaa golaha dhexe ka codsaday inay codkooda siiyaan. Farriintiisa waxa uu wasiirku ku sheegay in loo baahan yahay in golaha dhexe codkooda ku saleeyaan rabitaanka shacabka iyo mustaqbalka dalka iyo Kulmiye. Wuxuu sheegay…

                Read More

                  Dawladda Soomaaliya oo amar ku bixisay in la xidho illaa 35-Website

                  Muqdisho,9Nov,2015(QJ/SDN)-War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud Ee Soomaaliya ayaa lagu amray wasaarada Boostada iyo Isgaadhsiintu in la xidho 35 Website oo afka Soomaaliga lagu qoro. War-saxaafadeedka oo uu ku saxiixnaa kusimaha xeer ilaaliyaha Dr Maxamuud Cabdi Xaaji Aadan ayaa waxa lagu sheegay in shabakaddahani ay faafiyaan waxyaabo anshax xumo ah kuwaas oo aan…

                  Read More

                    Masuul Ka Tirsanaa Murashaxiinta Xisbiga KULMIYE Oo Tanaasulay

                    Maareeyaha Waddooyinka Oo Ka Tanaasulay Murashaxnimaddii Madaxweyne Ku Xigeenka Kulmiye Hargeysa,9Nov,2015(QJ/SDN)- War-saxafadeed: Mareeyaha guud Wakaladda Hormarinta Wadooyinka Somaliland Prof.Hassan Ali Osman  wuxu bulshada u cadaynayaaa  marku arkay hawlaha balaadhan ee aan  masuul uga ahay  ummadd  ee dhinaca wadooyinka uu  gartay inuu  dib u dhigta hankiis musharaxnimo ee tartanka madaxweyne ku xigeenka xisbiga kulmiye isagoo eegaya…

                    Read More

                      Nuxurka Kulan Musharaxiinta Isbahaystay Ee Xisbiga KULMIYE Ku Qabsadeen Hargeysa

                      Hargeysa,9Nov,2015(QJ/SDN)-Musharaxiinta isbahaystay ee kala ah Maxamed Biixi Yoonis, Xildhibaan Kijaandhe iyo Cabdicasiis Samaale, ayaa kulan qado sharaf ah ku leh hotelka Guuleed ee Hargeysa. Kulankan oo ay joogaan ilaa 350 qof waxaa qayb ka ah madaxdhaqameed, taageerayaal, masuuliyiintii iscasilay iyo musharaxiinta isbahaystay iyo dadweyne kale, waxaana lagu sharaxay calanka xisbiga Kulmiye. Madasha ayaa lagu xoojinayaa…

                      Read More

                        Musharax Xaglo-Toosiye Oo Magaalada Boorama Laga Taageeray DAAWO

                        Boorama,9Nov,2015(QJ/SDN)-Dhalinyaro shir jaraa’id ku qabatay magaalada Boorama, ayaa taageero u muujiyay musharaxa madaxweyne xigeenka Kulmiye Mudane Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye oo u taagan jagada madaxweyne xigeenka. Dhalinyaradu waxay sheegeen in gobolada galbeedka Somaliland soo mareen madaxweyne iyo madaxweyne xigeen, sidaasi darteedna ay hadda xilka u ogol yihiin walaalahooda gobollada bariga Somaliland. Waxay sheegeen in doorashada…

                        Read More

                          Maalinta Saxaafadda Somaliland Oo Hargeysa Laga Xusay iyo Wasiir Cukuse Oo Ka Sheekeeyay Taariikhda Saxaafadda Somaliland Ay Soo Martay DAAWO

                          Hargeysa,9Nov,2015(QJ/SDN)-Iyadoo ay maanta ku beegnayd maalinta Xuska Saxaafadda Somaliland, ayaa munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay magaalada Hargeysa waxa kasoo qayb-galay wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gallinta Somaliland Cabdullaahi Maxamed Cuskuse iyo masuuliyiin kale oo ugu horreeyo Gudoomiye Maxkamada Sare Aadan Xaaji Cali. Haddaba qudbad dhinacyo badan taabanaysay oo uu halkaasi kasoo jeediyay wasiir Cukuse ayaa waxa…

                          Read More

                            Dadweyne Mudaharaad Ka Dhigay Duleedka Hargeysa DAAWO

                            Hargeysa,9Nov,2015(QJ/SDN)-Dhaliillo ku saabsan musuqmaasuq waxbarasho ayuu wajahayaa dugsiga aggoomaha ee dawladda Kuwait ka hirgalisay duleedka bari ee Hargeysa. Madaxweyne Siilaanyo ayaa laba goor oo kala dambeeyay xadhiga ka jaray qaybta hablaha iyo qaybta wiilasha ee xarunta waxbarasho ee aggoomaha ee bariga Hargeysa. Dadweyne tiro badan ayaa mudaharaad ay ku qabteen duleedka xaruntaasi waxbarasho waxay ku…

                            Read More

                              Qaramada Midoobay oo sheegtay in Kumanaan qof oo Soomaali ah ay saameyn ku yeesheen Daadad

                              Muqdisho,9Nov,2015(QJ/SDN)-Hay’adda UN-OCHA ayaa sheegtay in 90,000 qof oo Soomaali ah ay saameyn ku yeesheen daadad ka dhacay qaybo ka mid ah Somalia, kuwaasoo deegaannadoodii ka barakaciyay 42,000 oo qof oo ka mid ah dadkan. Roobab xooggan ayaa sannadkan ka dhacay deegaanno badan oo Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya ka tirsan, kuwaasoo sababay inay webiyada Shabeelle iyo…

                              Read More

                                Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Oo Qaabilay Gudoomiyaha Cusub Ee Baarlamaanka

                                Garowe,9Nov,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed ayaa aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku soo dhaweeyey gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo si dimuqraadiyad ah ugu guulaystay doorashada. Madaxweynaha ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in doorashadii maanta ee Baaralamaanka ay u dhacdo si cad oo muuqata , islamarkaana ay tahay guul…

                                Read More

                                  Loollanka Awood kala Riixashadda Wejiyada Cusub Iyo Beretanka ilaha Dhaqaalaha oo soo Ifbaxay

                                  Hargeysa,9Nov,2015(QJ/SDN)-Madaxweyne Siilaanyo hay’adda wadooyinka ku hoos-geeyey Wasaaradda hawlaha guud, ayaa daaha ka feyday loollanka wejiyada car-carta qaba ee awoodku maamulka Madaxweynaha, hay’adaas Mooshin sharci oo ku saabsan nidaamka ay ku shaqeyn lahayn iyo maamulkeeda uu hadda hor-yaalo golaha wakiilada si ay uu ansixiyaan. Digreetada dihin ee Madaxweyne Axmed Silaanyo shalay soo saaray ayaa sida lagu…

                                  Read More

                                    Dagaal Khasaare Dhaliyay Oo Dhex Maray Kooxo Ka Tirsan Ururka Talibaan Ee Dalka Afphanistan

                                    Kabul,9Nov,2015(QJ/SDN)-Kooxda Daalibaan ayaa ku dagaallamay qaybo ka mid ah dalka Afganistaan oo ay ka dhisan yihiin, kaddib markii uu soo dhex-galay muran dhanka hoggaanka ah oo soo dhex-galay kooxda. Dagaal culus oo kooxdan ku dhexmaray gobolka Zabul ee dalka Afgaanistaan; iyadoo la sheegay inay isaga dileen qiyaastii 80-qof, halka ay isaga dhaawaceen in ka badan…

                                    Read More

                                      Bangiga Aduunka oo ka digay isbedalka Cimilada Dunida Sheegayna in dalagu hoos u dhici doono

                                      Hargeysa,9Nov,2015(QJ/SDN)-Bangiga Adduunka ayaa shaaciyay in is-bedalka ku imanaya cimilada Dunida ay sababi karto in dad ka badan Boqol milyan oo qof ay 15-ka sano kaddib ku noolaadaan saboolnimo xad-dhaaf ah. Warbixinta ayaa lagu sheegay in dunida sii kululaaneysa ay yareyn doonto dalagga, ayna sare u qaadi doonto faafida cudurrada sida ba’a dadka u laaya oo…

                                      Read More

                                        Baarlamaanka Maamulka Puntland Oo Doortay Guddoomiye Cusub

                                        Garowe,9Nov,2015(QJ/SDN)-Baarlamaanka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa goordhaweyd Guddoomiye cusub u doortay Axmed Cali Xaashi , Ka dib markii uu dhawaan xilkaasi iska casilay Siciid Xassan Shire. Doorashadan oo ay ku Tartamayeen saddex Murashax, ayaa waxa Wareegii koowaad ee cod bixinta doorashada ku horreeyay Xildhibaan Axmed Cali Xaashi oo helay 40 cod. Xildhibaan Cabdixakiin Dhoobadaareed…

                                        Read More