Wasiir ku Xigeenka Cusub Ee Maal-gashiga Iyo Maayar-ku-xigeenka Caasimadda Oo Lagu Soo Dhaweeyey Hargeysa

    Hargeysa,8Nov,2015(QJ/SDN)- Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Ambassador Kaysar  Maxamed Cabdilaahi oo uu wehelinayay Maayir Kuxigeenka Caasimada Somaliland Cabdicasiis Caga-weyne ayaa shalay  si diiran loogu soo dhaweeyey Madaarka Caalamiga ah Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa, kadib markii ay ka soo kicitimeen dalka Ingiriiska. Waxa Madaarka ku soo dhaweeyey Suldaan Cawil Maxamed (Fiiqle), Suldaan Axmed Cismaan,Guddoomiyaha…

    Read More

      Dadweynaha Magaalada Burco Oo Si weyn Ugu Qayliyay Waddo Ay Dowladda Hoose Saddex Jeer Burburisay DAAWO

      Burco,7Nov,2015(QJ/SDN)-Dadweynaha Magaalada Burco waxay maayarka ku eedeyeen inuu waddooyinka uu kolna cagafta gelinayo kolna daamurka kushubayo kuna lunsanayo lacag xad dhaaf oo ah cashuurtii dadka masaakiinta ah ee Burco laga qaadayay waxayna baaq u direen xukuumadda dhexe iyo hantidhowrka oo ay ka codsadeen inay ka soo gaadhaan magaalada maayarka Halkan Hoose Ka Daawo Warkaasi Oo…

      Read More

        RW Soomaaliya Oo dhagax-dhigay safaaradii ay Soomaaliya ku lahayd Dalka Kenya

        Nairobi,8Nov,2015(QJ/SDN)-Ra’iisal Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo maalmahaan ku sugnaa dalka Kenya ayaa manta(shalay) dhagax-dhigay Safaarada Somalia ay ku lahead Kenya oo mudo badan ka maqneyd gacanta dadka Soomaaliyeed. Dhismaha Safaaradda oo uu ka muuqdo bur-bur xooggan oo soo gaadhay mudadii aanan la degeneyn, isla markaasna uu haystay nin si sharci-darro ah ku iibsaday…

        Read More

          “Haatan awooddii Al-shabaab waa la dhimay,” Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya

          Addis-aba,8Nov,2015(QJ/SDN)-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn oo wareysi siinayay BBC-d ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen dagaalka ay ciidankiisa qaybta ka ah AMISOM kula jiraan Al-shbaaab iyo eedeymo ay warbaahinta madaxa-bannaan u soo jeediyeen xukuumaddiisa. Desalegn ayaa sheegay in awooddii Al-shabaab hadda la dhimay, ay ciidamada kaga sugan Somalia sii wadayaan dagaalka…

          Read More

            Muqdisho: Xildhibaan U Geeriyooday Dhaawac Ay Al-shabaab U Gaysteen

            Muqdisho,7Nov,2015(QJ/SDN)-Xildlhibaan Max’ed Axmed Gurxan ayaa Goor-dhaweyd u geeriyooday dhaawac ay kooxo hubeysan maanta ugu geysteen degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho, sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Wasiirka warfaafinta Somalia, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye]. Weerarkan lagu dhaawacay xildhibaan Gurxan ayaa waxaa mas’uuliyadiisa isla markiiba sheegatay Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda FS iyo ciidamada gacanta siiya…

            Read More

              Wasiirkii Hore ee Waxbarashada oo Sheegay inuu ka Qoomamaysan yahay Qaabkii uu Dawlada Madaxweyne Siilaanyo isaga Casilay oo uu ku Sheegay Iin ku Taala DHAGAYSO

              Hargeysa 07.Nov 2015 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Prof Faarax Cilmi Maxamud Geedoole ayaa Maanta Sheegay inuu ka Xun yahay qaabkii uu Xukuumadda isaga Casilay. Wasiirkan oo ka Mid ahaa Xubno tiro badan oo Xukuumadda iska casilay Mudo laba Maalmood gudahood ah ayaa sheegay inuu Qoomamaynayo habkii uu is casilaadiisa u…

              Read More

                Hogaanka Kulmiye ee Taabacsan Gudoomiye Muuse Biixi oo Hawraarsan ku soo dhaweeyey Go’aankii ay Shaaciyeen Gudidii Madaxweynuhu u saaray Khilaafka Kulmiye

                Hargeysa 07.Nov 2015 (SDN/QJ):-Hoggaanka xisbiga KULMIYE, ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay soo saareen guddidii madaxweyne Siilaanyo u magacaabay hubinta liiska golaha dhexe ee xisbul-xaakimka KULMIYE. Sidaasna waxa lagu sheegay  war-saxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Guud ee KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, waxaa kale oo uu xubnaha golaha dhexe ee aan wali si diiwaan-gelin ku boorriyay inay…

                Read More

                  Xildibaan Maanta lagu dhaawacay Muqdisho iyo Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyada Weerarka

                  Muqdisho,7Nov,2015(QJ/SDN)-Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayay kooxo hubeysan maanta ku dhaawaceen Muqdisho, iyadoo mas’uuliyadda dhaawaca xildhibaankanna ay sheegatay Al-shabaab. Kooxo hubeysan oo gaari watay ayaa xildhibaanka ku dhaawacay degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo markii ay dhaawaca geysteen ka baxsaday goobta. Guddoomiyaha degmada Xamar-weyne, Cabdulqaadir Maxamed C/qaadir oo warbaahinta…

                  Read More

                    Guddida Madaxweyne Siilaanyo U Magacaabay Turxaan Bixinta Liiska Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Oo Go’aammo Soo Saaray DAAWO

                    Hargeysa 07.Nov 2015 (SDN/QJ):- Guddida madaxweyne Siilaanyo u magacaabay hubinta liiska golaha dhexe ee Kulmiye, ayaa maanta ku dhawaaqay natiijada baadhis ay sheegeen inay muddo shan maalmood ah wadeen. Waxay sheegeen in si daacadnimo leh oo xaqiiq ku salaysan ay u baadheen islamarkaana go’aan uga qaateen hawsha madaxweynuhu u igmaday. Cabdikariin Xinif oo ka mid ah…

                    Read More

                      Madaxweyne Siilaanyo oo kulamo la yeeshay qaar ka mid ah Isbahaysiga qaadacay shirka Golaha Dhexe Iyo Bayaan ay soo Saareen

                      Hargeysa 07.Nov 2015 (SDN/QJ):- Dood adag iyo warar iska soo horjeeda ayaa ka soo baxaya qabsoomida shirweynaha Kulmiye ee loo asteeyey 10 bishan November, kaasoo aan la saadaalin Karin qabsoomidiisa, maadaama dhawr jeer guddiyo loo saaray xalinta khilaafka ka dhashay ay ku guuldaraysteen. Labadii maalmood ee ugu danbeeyey waxa laga dareemayaa dhinaca Madaxtooyadda dhaqdhaqaaq ay ku…

                      Read More

                        Madaxweynaha oo Xadhig ka jarid iyo Kormeer guud ku tegay Dhismayaal ay Dawlada Kuwait ka hirgelisay Caasimada Somaliland SAWIRO

                        Hargeysa 07.Nov 2015 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa saaka xadhiga ka jaray Xarunta Agoomaha ee ay maalgelisay Dawlada Kuwait,  dhismahan ayaa gaar u ah hablaha agoomaha ah iyadoo ay hore uga hirgeliyeen Caasimada Hargeysa dhisme u gaara wiilasha.   Xadhig ka jaristaas ka dib waxaa  madaxweynaha  halkaasi warbixino  ku saabsan  Dugsiyada Kuwait…

                        Read More

                          Madax-dhaqameedka Subeer Awdal Oo Ku Baaqay In Dib Loo Dhigo Shirka Kulmiye, Fariina Udiray Madaxweyne Siilaanyo DAAWO

                          Hargeysa 07.Nov 2015 (SDN/QJ):-  Qaar kamid ah madaxdhaqameedka Cuqaasha iyo aqoonyahanka Beelaha Subeer awal oo shir’jaraa’id ku qabtay Hotel Crown ee magaalada Hargeysa ayaa madaxweyne SIILAANYO ugu baaqay in uu dib udhigo shirka golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE si loo badbaadiyo masiirka iyo mustaqbalka dambe ee xisbigaasi, Madaxdhaqameedkani waxay kadigeen in nidaam milateri iyo digteetar…

                          Read More

                            Laba Kaclaynta Khilaafka Kulmiye,Talo Urursiga ka Socda Madaxtooyadda,Iyo Gudi Madaxweyne Siilaanyo Xalay u Gudbiyey Go’aan

                            Hargaysa 07.Nov 2015 (SDN/QJ);- Laba maalmood ka dib oo ku beegan Salaasada 10 November waxa ay ku beegantahay maalintii loo asteeyay in shirka golaha dhexe ee KULMIYE ka furmo hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana magaalada Hargeysa ku soo dhammaaday inta badan ergadii ka qayb geli lahayd shirkaas. Hase yeeshee inkastoo uu kaabiga ina soo…

                            Read More

                              Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Xilalkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku Taxay Mas’uuliyiintii Dawladii Udub ee Naqdiyi Jirtay Kulmiye

                              Hargaysa 07.Nov 2015 (SDN/QJ):-Digreetooyinkii u dambeeyay ee uu Madaxweyne Siilaanyo ku magacaabay masuuliyiinta cusub, ayaa waxa ka soo dhex baxay sawir xiiso badan oo is fasiraya. Digtrootooyinkan oo uu Madaxweyne Siilaanyo soo saaray ka dib markii ay is casileen wasiiro iyo masuuliyiin kale, ayaa waxa ay noqdeen kuwo ay bulshadu aad u falanqaysay ka dib…

                              Read More

                                Wasiirka Madaxtooyada oo kormeeray Waddada Laasgeel Oo Daadadkii Ka Dhashay Roobkii Ugu Dambeeyay Waxyeeleeyeen

                                Dacar-budhuq 07.Nov 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo uu weheliyo, Wasiiru-dawllaha Madaxtooyada, iyo Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Xasan Cismaan, ayaa  Kormeeray Waddada Isku xidha Hargeysa iyo Berbera gaar ahaan inta ku dhow deegaanka Laasgeel oo dhibaato ka soo gaadhay daadadkii ka dhashay Roobabkii da’ayey labadii maalmood ee u dambeeyay. Daadadkii ka dhashay Roobkii…

                                Read More

                                  “Waxa Somaliland La Keenaa Raashin Aan Mudnayn In La Quuto oo Dhacay, Markaa Waa In Guddi Madax-banaan Loo Sameeyaa…” Xildhibaan Max’ed Weli

                                  Hargaysa 07.Nov 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Guurtida ayaa ku baaqay in la sameeyo laababkii lagu baadhi lahaa badeecadaha laga soo waaridayo dalka dibadiisa. Xildhibaan Maxamed Wali, ayaa  sheegay in dalka lagu isticmaalo cuntooyin dhacay oo aan la hubin tayadooda waxaana  uu tilmaamay in  loo baahan yahay…

                                  Read More

                                    Dalka Ruushka Oo Hakiyay Duulimaadyada Diyaaradaha Ee Masar

                                    Moscow,7Nov,2015(QJ/SDN)-Ruushka ayaa hakiyay dhammaan duulimaadyada diyaaradihiisa ee dalka Masar, Mareykankuna waxa uu adkeeyay ammaanka garoomihiisa diyaaradaha kaga imanaya gobolka bariga dhexe, xilli uu sii xoogeysanayo tuhunka ah in bam uu burburiyay diyaaradii Ruushka ee todobaadkii hore ku dhacday gobolka Siinay ee Masar. Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in mukhaabaraadka dalkaasi ay dhaxda uga dheceen macluumaad ay…

                                    Read More