Magacyada Iyo Tirada Xubnaha Gudoomiye Muuse Biixi ay Beeshiisu Farta ka saartay inay u Codaynayaan akhri

    Hargaysa 26.Oct 2015 (SDN/QJ):- Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee beesha Subeer Awal ee hadda taageersan musharaxnimada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ee ay u suurta gashay in ay saxeexaan warqadii loo gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).   Xubnahan Golaha dhexe oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaanno, masuuliyiin soo…

    Read More

      Murashax Saleebaan Ciise Xaglo Toosiye oo Munaasibad Dhoola Tus ah loogu sameeyay Laascaanood DAAWO

      Laascaanood 26.Oct 2015 (SDN/QJ):- Iyadoo Loolanka Murashixiinta Xisbiga Kulmiye ee Jagooyinka Madaxweyne iyo Ku Xigeen uu marba Marka ka danbaysa Cirka isku Sii Shareerayo ayaa Waxaa Magaalada Laascaanood, xarunta Gobolka sool ka dhacay banaanbax balaadhan oo lau taageerayo Musharaxnimada Dr Saleebaan Ciise axmed Xaglo-Toosiye ee Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Kulmiye. https://youtu.be/pvN9pXmxo8I  

      Read More

        Murrashaxiinta Madaxweyne Ku-xigeenka KULMIYE Ee Ka Soo Jeeda Gobolka Awdal Oo Gaadhay Shan Xubnood Iyo Walaaca Laga Qabo Inay Isla Hadhaan

        Hargaysa 26.Oct 2015 (SDN/QJ):- Murrashaxiinta u tartamaysa jagadda madaxweyne Ku-xigeenka xisbiga KULMIYE dhexdiisa ee ka soo jeeda gobolka Awdal, ayaa gaadhay Lix murrashax, waxaanay murrashaxiintaasi ay taageerada ka nusqaamin karaan   Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi  Ismaaciil (Saylici) oo   mar labaad isku soo  taagay  tartanka doorashadda madaxweyne ku xigeenka ee xisbul xaakimka KULMIYE.   Musharrixiinta…

        Read More

          “Xukuumaddu Way U Badheedhay Inay Go’aankii Baarlamaanka, Sharcigii Iyo Dastuurkii Baalmarto,Waana Laga wada Xisaabtami Doono…” Xildhibaan Rayte

          Hargaysa 26.Oct 2015 (SDN/QJ):- Xildhibaan Ibraahim Jaamac (Rayte) oo ka mida Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ku eedeeyey xukuumadda Madaxweyne SIILAANYO inay iska indho-tirtay go’aankii Golaha Wakiilladu ku laalay inaan la wareejin Karin haamaha Kaydka Shidaalka Berbera, taas oo macnaheedu yahay inaanay Xukuumaddani sharci, Baarlamaan iyo Dastuur midna u-jeedin. Isla markaana waxa uu ugu baaqay…

          Read More

            Hay’adda Horumarinta Jarmalka oo doonaysa Xafiis ay Somaliland ka furato iyo Wefti ka socda oo la qaabbilay

            Hargeysa, 26 Octobar, 2015 (SDN/QJ):- Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa kulan kula yeeshay Xafiiskiisa Wefti ka socda dalka Jarmalka, gaar ahaan Hay’adda Horumarinta ee GTZ, kuwaasoo sheegay inay doonayaan Xafiis ay Somaliland ka furtaan oo ka shaqeeya mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka fulin doonaan. Kulankan oo Wasiirka Arrimaha Dibedda Mr. Biixi…

            Read More

            (DAAWO) Waxyaabaha Ugu Qosolka badaan ee Laga Soo Uruuriyey Kubadda Cagta.(By Jaahuur)

            Ottawa-Oct-25-2015 (SDN-QJ) Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha waxaynu ku turxaamineynaa maadeysyada ugu qosolka badan wakhtiyada ciyaarta lagu jiro. Xagga Horyaalka Ingiriiska Man United iyo Man City waxay ku kala nasteen 0-0,laakiin Chelsea oo difaacneysa Horyaala ayaa ku jirta kaalinta 15-aad ee maxaa si ka ah. W/Q Jaahuur SDN-QJ.

            Read More

              Afhayeenka Madaxtooyadda oo u Banbaxay Taageerida Garabyada ku Hirdamaya Loolanka Xisbiga Kulmiye

              Hargaysa 25.Oct 2015 (SDN/QJ):- Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa gebi ahaanba dhinac ka dhaafay Hawshii afhayeennimo ee uu hayey madaxweynaha qaranka, isla-markaana Door biday inuu dhinac ka raaco siyaasiyiinta ku hirdamaya Madaxtinimada Kulmiye, waxana maalmihii ugu dambaysay lagu arkayey Goobaha ay xafladaha ku qabsadaan Garab kamid ah Garabada isku haya Loollanka Xisbiga Kulmiye….

              Read More

                Booyadaha ka soo qaada Kaydka Haamaha Shiidaalka oo Shaqadoodii Hakad la Geliyey iyo Sababaha keenay

                Berbera 25.Oct 2015 (SDN/QJ):- Booyadaha shidaalka ka qaada Kaydka haamaha shidaalka Berbera ayaa saaka hakad la galiyay kadib markii uu soo baxay muran ku saabsan cashuur qaadista. Amarka joojinta in wax shidaal ah laga dhaamiyo haamaha ayaa ka dambeeyay markii shirkaddaha Shidaalku bixin waayeen Cashuurta. Lacagtii Cashuurta Kastamka wasaaradda Maaliyadda oo shirkaddaha Shidaalku   horey ugu…

                Read More

                  Ilma Biixi, Samaale Iyo Kijaandhe, Sida Loo Kala Guulaysan Karo,Dhexnimadda Madaxweynaha Iyo Saamaynta Marwaddiisa Ee Doorashada

                  Hargaysa 25.Oct 2015 (SDN/QJ):- Murashixiinta ku loollamaysa xisbiga Kulmiye dhexdiisa ayaa weli sii wadda kaambaynaddoodii ay ku kala jiidanayeen codadka golaha dhexe ee xisbiga oo tiraddiisu gaadhayso ilaa afar boqol oo xubnood, isla markaana waxa korodhay tiradda murashixiinta jagadda madaxweyne xigeenka u tartamaysa.   Dadka loollanka murashixiinta kulmiye faalleeya, ishana ku haya siday wax u socdaan…

                  Read More

                    Gantaalka Buuhoodle: Baarqab Cugashadiisu Hiil U Tahay Somaliland,Beeninta Maqnaanshaha iyo Suulinta kala Dhinaanshaha

                    Hargaysa 25.Oct 2015 (SDN/QJ):- Waa gantaal ka onkod wayn kuwii hore,  Bartilmaameedkiisu sugan yahay, Uma muuqdo duulimaadkiisu mid la habaabin karo, oo amaro dhalanteed ah kaga weecan kara yoolkiisa. Wuxuu ka dhiganyay Baarqab xilligiisa doob ridanaya, muujinaya inuu diyaar u yahay inuu waajibkiisa guto. Dhan kale marka laga dhugtana, wuxuu u eg yahay halgamaa xaqiisa dhacsanaya…

                    Read More

                      Wasiirka Beeraha Somaliland oo Bog Dooxay Sir Qarsoon oo Ku Duugan Loolanka Kulmiye Cadeeyayna in Qoyska Madaxweynuhu la safan Yihiin Gudoomiye Muuse Biixi

                      Hargaysa 25.Oct 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka beeraha Somaliland Md Maxamed Aw Daahir ayaa kashifay heshiis iyo wada shaqayn  qarsoodi ah oo  ka dhexeeya  Marwada  Madaxweynaha  Somaliland Marwo Aamina-Weris Sheekh Maxamed iyo garabka Xisbiga Kulmiye ee taageersan Murashaxnimada Muuse Biixi Cabdi, oo ka mid ah siyaasiyiinta u taagan tartanka murashaxnimada Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye oo lagu dooran doono…

                      Read More

                        KENYA: Joojin Mayno Dhoofinta Qaadka Ee Dalka Soomaaliya Illaa Dowladda Soomaaliya Iska Diido.

                        Nairobi,25Oct,2015(QJ/SDN)-Dowlada Kenya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay qaadka laga soo dhoofiyo dalka Kenya ee la keeno gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay Kenya in aanay marnaba joojineyn qaadka Soomaaliya ay u dhoofiso. Joseph Nkaissery, Wasiirka Arimaha Gudaha dalka Kenya, ayaa sheegay Qaadka dalkiisa laga keeno ee Soomaaliya loo soo dhoofiyo in aanay joojineyn, maadaama sida…

                        Read More

                          Wefti Uu Hor Kacayo Safiirka Somaliland Ee Dalka ImaaraadkaCarabta Baashe Cawil Oo Maanta Hargeysa Soo Gaadhay DAAWO

                          Hargeysa,25Oct,2015(QJ/SDN)-Weftigan waxa ka hortegay oo soo dhaweeyey wasiirada Macdanta, wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Wasiirka Deegaanka, Safiirka Chine u fadhiya Somaliland, Xoghayaha Madaxweynaha, Sulaadiin, Masuuliyiin kale oo tiro badan, waxaana halkaasi ka hadlay Safiirka Imaaraadka, Wasiirka Macdanta iyo Wasiirka Deegaanka. Safiirka imaaraadka  baashe, “maanta farxad weyn bay inoo tahay waftigan dalka yimid ee ka…

                          Read More

                            Guddoomiyaha Shirkaddaha La Wareegay Haamaha Shidaalka Oo Ka Waramay Haan Shidaal Daadisay

                            Hargeysa,25Oct,2015(QJ/SDN)-Guddoomiyaha Shirkadaha Shidaalka soo dejiya ee la wareegay Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera Xasan Maxamed Cige,ayaa ka warramay mid ka mid ah Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera oo shidaal daadisay . waxa uu sheegay in dhammaan haamaha Shidaalku gaboobeen, una baahan yihiin dayactir rasmi ah. “Horta Haamuhu way gaboobeen dayactir rasmi ahna may helin illaa…

                            Read More

                              Boqor Buurmadow Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Khilaafka Mas’uuliyiinta Xisbiga UCID.

                              Hargeysa,25Oct,2015(QJ/SDN)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Burrmadow), ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka soo kala dhex-galay gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Murashax Jamaal Cali Xuseen, isagoona sidoo kale boqorku bogaadiyay hadal uu shalay yidhi Muj.Cali Guray oo oo isna ka hadlayay khilaafka labadaas masuul, Haddaba Boqor Buurmadow ayaa qoraal kooban…

                              Read More

                                USA: Aabo Soomaaliyeed Oo Lagu Hor Dilay Carruurtiisii iyo Xaaskiisii.

                                Columbus,25Oct,2015(QJ/SDN)-Aabo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Shuceyb Abuubakar ayaa lagu hor dilay Caruurtiisa iyo Xaaskiisa, xili ay kasoo baxeen Maqaaxi ku taal magaalada Columbus ee dalka Maraykanka, waxaa la sheegay inuu kusoo dhawaaday nin ku hubeysan Qori fudud, islamarkaasina uu rasaas ku bilaabay iyadoo ay daawanayaan caruurtii uu dhalay iyo xaaskiisa. Allaha u Naxariistee Shuceyb Abuubakar…

                                Read More

                                  Dadka Reer Tanzania Oo Saaka U Dareeray Doorashada Madaxtinimada Dalkaasi.

                                  Darasalam,25Oct,2015(QJ/SDN)-Shacabka reer Tanzania, ayaa waxay maanta soo dooran doonaan Madaxweynaha cusub dalkaasi iyo Xildhibaanada Baarlamaanka, waxayna dooraashadan noqon doontaa mid aad u adag. Xisbiga talada haya ee CCM, ayaa waxa la sii saadaaliyay in loolan adag uu kala kulmi doono Xisbiyada mucaaradka, oo isugu tagey Xisbiga CHADEMA. Madaxweynaha Xafiiska Shaqada ka tegaaya ee Jakaya Kikwete,…

                                  Read More

                                    John Kerry oo Boqorka Jordan kula kulmay Magaalada Amman – SAWIRRO

                                    Amman,Oct,2015(QJ/SDN)-Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, John Kerry, ayaa waxay maanta Magaalada Amman ku wada kulmeen Boqorka Jordan, King Abdullah II. Kulanka oo ahaa mid uu codsaday Xoghayaha, ayaa waxaa looga hadlay rabshadaha ka dhex oogan Falastiin iyo Israel. Xoghayaha, ayaa Boqor Abdullah u sheegay in Mareykanka uu doonaayo in la soo afjaro xiisadda mudada afarta…

                                    Read More

                                      Mujaahid Cali Guray oo Mudeeyay Xiliga uu ka Baxayo Xisbiga Ucid,Kana hadlay Aragtidiisa la Xidhiidha Khilaafka u dhexeeya Gudoomiye Faysal iyo Murashax Jamaal

                                      Hargaysa 25.Oct 2015 (SDN/QJ)- Wuxuu Khilaaf hor lihi ka dhex Curtay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen,Iyagoo Warbaahinta isku waydaarsaday afkaaraha kala fog ee ay kala aaminsan Yihiin. Gudoomiye ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa Qoraal Wejiyo badan…

                                      Read More

                                        Dil Dilaaca Kulmiye:Mas’uulkii u Sareeyay Hay’ada Horumarinta Wadooyinka Somaliland oo ku Dhawaaqay inuu u Sharaxan yahay Kursiga Madaxweyne Ku Xigeen DAAWO

                                        Hargaysa 25.Oct 2015 (SDN/QJ)- Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland Xasan Cali Cismaan ayaa ku dhawaaqay inuu yahay Musharraxa Madaxwayne ku xigeenka isla-markaana uu ka dhex tartamayo Shirka Golaha Dhexe ee Xisbul-Xaakimka KULMIYE oo loo muddeeyay 10-ka bisha November ee foodda innagu soo haysa. Maareeyaha hay’adda Waddooyinka Somaliland oo Shir-jaraa’id Xalay ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay…

                                        Read More