|

Taliska Booliska Somaliland oo Sheegay inay u Xidhan Yihiin Laba Mas’uul oo ka Tirsan Xisbiga Waddani Kuwaas oo Hada aan Ku Jirin Gacanta Booliska & Sababta Keentay!! DAAWO

Hargaysa 23. November 2017 (SDN/QJ):-Taliye Ku xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliska oo uu Weheliyo Afhayeenka Ciidanka Booliska ayaa Maanta Sheegay inay Xabsiga dhigeen Siyaasi Maxamed Yaasiin Xasan Iyo Xildhibaan Maxamed Axmed Caalin (Timcade) oo ka mid ah Golaha Deegaanka Caasimadda Hargaysa kana mid ah Xisbiga Waddani kuwaas oo ku eedaysan Falal ka dhan amniga qaranka.

Hasa Yeeshee Ilo Xog ogaal ah ayaa Shabakada Qurbejoog u Xaqiijiyey In Labadan Mas’uul  Saaka ay sii daysay Maxkamadda Degmadda Hargaysa.

Sii daynta Labadan Mas’uul ayaa ka danbaysay kadib markii uu Shalay Gudoomiyaha Ku Meelgaadhka ah ee Xisbiga Waddani C.qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde si adag ula hadlay Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi kana dalbaday in hadii uu Wanaaga Shacabkiisa ka shaqaynayo uu soo Daayo Saraakiisha Xisbigiisa.

Comments are closed