|

Turkiga Iyo Ethiopia Oo Il Gaar ah Ku Eegaya Booqashada Xasan Sheekh Ku Joogo Masara Iyo Waxa Uu Kala Soo Guryo Noqdo

Addis Ababa:Dec,31,2014(SDN/QJ)-Xukuumadaha Addis ababa iyo Ankara, ayaa si dhaw ula socda Safarka uu madaxweyne Xasan Sheekh ku joogo Dalka Masar iyo natiijada uu kala soo noqon doono.

zisDalalka Turkiga iyo Ethiopia, ayaa  waxa ay si weyn siyaasadda iskugu hayaan Xukuumadda Masar, iyadoo Ethiopia coleedeedu salka ku Hayso Wabiga Nile-ka, halka Turkigu kasoo  horjeedo Afgebiga uu Sisi ku sameeyey Dawladdii Islaamiga ahayd ee Ikhwaaku hogaaminyey.

Dayip Erdogan oo ah Madaxweynaha dalkaasi Turkiga ayaa taariikhda markii ugu horaysay booqasho ku yimid dalka Somalia iyadoo booqashadaas wixii ka dambeeyay Turkigu gargaar iyo mashaariic horumarineed ku soo faraqay Somalia inkastoo oo aanay mashaariicdan ahayn mid dalka wada gaadhay.

Haddaba waxaa xusid mudan in Dowlada Turkiga ay Somalia ka dhex qabatay waxyaabo muuqda oo aan qarsoomeynin waxaana kamid ah Isbtaalka weyn ee Muqdisho, dhismaha laamiyada Muqdisho dhismo Iskuulo iyo dhaqaale uu ku kabo miisaaniyada dowlada Somalia iyo qaar kale oo badan.

Turkigu dhankiisa wuu ka faa’iiday xidhiidhka uu la yeeshay Somalia.Waxay Dowlad Somalia Hay’ad laga leeyahay dalka Turkiga qandaraas kula gashay inay la wareegto maamulka iyo maaraynta gegida diyaaradaha ee Aden Abdulle ee Muqdisho.

Madaxweynaha dalka Masar Cabdilfataax Siisi ayaa casuumaad ufidiyay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyadoo saxaafada dalka Masar ay shaacisay danta Masar ugu jirta booqashadan.

Xasan Sheekh wuu aqbalay casuumadaas wuxuuna hada ku sugan yahay magaalada Qaahira oo laga yaabo inuu Dadka Somalida wax faa’iido u leh kala soo laabto.

Sida saxaafada Masar laga sii daayay booqashadan waxaa dano siyaasadeed ka leh Masar oo rabta inay ku dheeli tirto xidhiidhka ka dhaxeeya Ethiopia oo aynu ognahay inay isku haystaan Wabiga Niil.Ethiopia waxaa dalka Somalia ka jooga ciidamo aad ufarabadan waxayna saameyn balaadhan ku leedahay siyaasada Somalia.

Waxaa hubaal ah in booqashada Xasan Sheekh aanay farxad gelinaynin Turkiga iyo Ethiopia, hase ahaatee qiimaynta asalka ahi waa waxa uu kala soo noqdo dalka Masar.

Hadii Masar ay taageero ugu deeqdo Somalia, mid dhaqaale,mid militari, deeq waxbarasho iyo nooc kasta oo ay noqotaba waxaa markaas la dhihi karaa booqashada Xasan Sheekh ee Masar waa mid faaiido uleh Somalia dantii ay doontaba Masar ha ka lahaatee laakiinse hadi sidii dhici jirtay uu gacma madhan kala soo noqdo waxaynu dhihi karnaa waa booqasho lagu guul daraystay oo dhaawacday diblomaasiyadii iyo dantii qaranka Somalia.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed