|

Wiil Uu Dhalay Madaxweyne Siyaad Barre Oo Geeriyooday Iyo Tacsida Ra’isal Wasaaraha

Muscat:Dec,31,2014(SDN/QJ)-Waxa Xalay Magaalada Muscat ee Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ku Geeriyooday Mid kamid ah Wiilashii uu ka Tegay Eebe Ha u Naxariistee Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Siyaad Barre, kaas oo laga Yaabo in Meydkiisa loosoo qaado dhinaca Somalia.

guledMarxuumka Geeriyooday, ayaa lagu magacaabi jirey Guuleed Maamed Siyaad Barre, waxana uu muddo ku Noolaa Halka uu ku geeriyooday oo uu deggenaa.

Geerida Marxuumkan, ayaa waxa Tacsi ka diray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, waxana uu Qoyskii iyo qaranka soomaaliyeedba u rajeeyey in  eebe Samir ka siiyo.

Mudane Cumar C/rashiid, ayaa tilmaamay marxuumku in uu ahaa muwaadin jecel horrumarka iyo nabadda Soomaaliya, isla markaana ahaa shakhsi jecel in Soomaaliya ay dib cagaheeda isugu taagto.

“Innaa Lillaah Wa innaa Ileyhi Raajicuun, geeridu waa xaq, anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Xukuumadda, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuum Guulleed Maxamed Siyaad Barre.” ayuu yidhi R.W Cumar oo dhinaca kale si gooni ah tacsi ugu diray qoyska reer Maxamed Siyaad Barre.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed