|

W. ku-xigeenka W. Maaliyadda XFS ayaa Addis-Ababa uga qayb galay Shirkii 8-aad ee Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Afrika

Addis Ababa, 31, march, 2015….Wasiir ku xigeenka Wasaarada Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa uga qayb galay maagaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya shir ay isugu yimaadeen wasiirada maaliyada iyo dhaqaalaha wadamada Afrika, shirkaas ayaa sannadkan waxaa looga hadlayey sidii dhaqaale ballaaran loogu heli lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha wadamada Afrika.

Shirkaas ayaa waxaa si wada jir ah u so wada agaasimey Ururka Midnimada Afrika ee fadhigiisu yahay dalka Itoobiya iyo Gudiga Dhaqaalaha Africa (Economic Commission of Africa).

Furitaankii shirka waxaa khudbado ka jeediyey Raisul Wasaaraha dalka Itoobiya Hialmariam Deslegn, Madaxweynaha Dalka Ruwaanda Pual Kagame, iyo Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika Haweeynayda Nkasazana Dlamini Zuma.

Waxaa sidoo kale shirka kelmada ka soo jeediyey Wasiirada Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dalalka Afrika, iyadoo diiradda la saaray sida Afrika ku gaari karto hiigsiga 2063 oo lagu dejiyey shirkii ururka Afirka ee sanadii 2014 ka dhacay dalka Itoobiya.

Shirkaan ayaa waxaa laf dhabar u ah koboca dhaqaalaha Afrika iyo weliba horumarinta dalalka Afrika, iyadoo la ogsoon yahay in dalalka Africa uu dhaqaalahoodu aad u sii kobcayo sanadahaan danbe, ayna jiraan maalgashiyo ku soo badanaya qaarada.

SDN/QJ-Adis Ababa

contact@qurbejoog.com

Comments are closed