Uncategorized

Wada hadaladii Somaliland iyo Somalia oo dib u bilaabmaya iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo laga reebay ergada

Hargaysa 04.July (SDN) Waxaa Mar kale dib uga bilaabmaya Wadanka Turkiga Wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Somalia si loo sii ambo qaado Heshiiskii Ankara.

Ergada Somaliland u Metelaysa Wada hadaladan ayaa la filayaa inay Maalinta beri ah u ambo baxaan Wadanka Turkiga,Iyadoo uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Iyo Maalgashiga Mudane Maxamed C.laahi Cumar oo hore u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibada.

Sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo Xubin Joogto ah ka ahaa Ergada Somaliland uga qayb qaadanaysa Wada hadaladan ayaa la sheegay in laga reebay ka mid noqoshada Xubnaha u ambo baxaya Turkiga.

Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta Maanta la hadlay  ayaa eeda arrintan dusha ka saaray Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan isagoo Sheegay in Wasiir Xirsi uu yahay Madaxweynaha dalka Maamula, Isla markaana uu Xidhiidh la Leeyahay Shakhsiyaad ku Sugan Magaalada Muqdisho ee Xarunta Somalia.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid waxa uu ku dooday inuu hore u soo jeediyay in Ergadii uu ka midka ahaa inta aanay tagin turkiga ay Hargaysa ku sii Lafo guraan Qodobada ay Somaliland danaynayso in Wada hadalka labada dhinac lagu saleeyo si aanay arrintu u noqon ayuu yidhi Mid la isku haleelo diyaarad dusheed .

Geesta kale Warar lagu Kalsoon yahay ayaa noo Xaqiijiyay in Weftigan laga reebay oo kale Gudoomiyaha  Xisbiga WADDANI ,Dad badan ayaa is weydiinaya Sababta ay Xukuumadu ugu keliyaystay ka qayb galka Wada hadaladan oo ay Markii hore iclaamisay in Tallo qaran oo ay Xukuumada Iyo Xisbiyad Mucaaridku u dhan yihiin ay kaga qayb galayso Wada hadalada Labada dal u dhexeeya .

 

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com