Garowe 12.Oct 2014 (SDN/QJ)- Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland,ayaa waxaa u furmay wada xaajoodkii ugu horreeyay ee ay isku soo hor fadhiistaan Puntland iyo Soomaaliya ka dib muran siyaasadeed oo soo kala dhex galay labada dhinac.
Raysal-wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta furay shirka wada-hadalka dowladda Soomaaliya iyo Puntland, kaasoo muddo saddex maalmood ah ka socon doona magaalada Garoowe.
Cabdiweli Sheekh Axmed oo furtitaanka shirka uu ku weheliyay Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, isagoo ku boorriyay ergada labada dhinac in ay ka fakaraan in wada hadalka labada dhinac ay ku dedaalaan in ay ogaadaan mustaqbalka Soomaaliya oo si miyir qabta looga wada hadlaa in ay tahay mihiimadda koobaad ee loo wada hadlayo.
Shirkan ayaa lagaga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, adkaynta xiriirka labada dhinac, deeqaha iyo horumarrinta iyo heshiisyadii hore ee dhex-maray xukuumadihii hore iyo Puntland. Ra’iisul wasaaraha ayaa ku dhiirri-gelinaya labada dhinac ee saddexda maalmood shiraya inay la yimaadaan daacadnimo iyo inay ka turjumaan duruufaha ku xeeran dowladda federaalka iyo Puntland, isla-markaana heshiiska la gaadhi doonaa in uu noqdo mid dhaqan-gelaya.
“Marka hore waxaan ka mahad-celinayaa soo dhaweyntii ay noo sameeyeen shacabkaa Puntland tan iyo intii aan halkan nimid. Shirka maanta la furay wuxuu muhiim u yahay bud-dhigidda wada-shaqayn dhex-marta dowladda federaalka Soomaaliya iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee dalka,” ayuu yidhi Raysal-wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlayay furitaankii shirka Puntland iyo Soomaaliya maanta uga furmay Garoowe.
Waxaanu intaa ku daray Raysal-wasaare Cabdiwali sheekh Axmed “Waxaan leenahay aqoontii iyo khibradihii aan heshiis ku gaadhi lahayn waan leenahay, waana in heshiisku noqdaa mid waaqici ah oo la fulin karo. Labada ergo ee wada-hadlaya waad is-bedeleysaan oo qayb federaalka ka tirsan ayaa hadhow halkan ka shaqayn doona, halka kuwo Puntland ka shaqeeyana ay la hawlgeli doonaan federaalka; marka waa inaad ka shaqaysaan wax aan berri caqabad kugu noqon doonin dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”
Garowe SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
