|

Wadahadalada Somaliya iyo Somaliland waxyaabo xal loogu helikaro

Si natiijo wanaagsan looga gaadho wadahadalada midhodhalka noqon waayay waxaa haboon in la ogaado mawqifyada labada dhinac kala taagan yihiin siyaasiyiinta labada dhinac ee Somaliand iyo Somalia:

Ø  Siyaasiyiinta reer konfutu waxay aaminsanyihiin In dadka degan S/land badankoodu Midnimada ogolyihiin lakiin siyaasiyiinta waqoyigu hortaaganyihiin. Waxaase cad in siyaasiyiinta konfortu aanay diyaar u ahayn inay soo bandhigaan qorshe cad oo ay ku soo jiidankaraan dadka badan ee aaminsan somalilanimada.

Ø  Siyaasiyiinta Somaliland waxay ku fashilmeen 25 sano in Somaliland la aqonsado maxaa yeelay waxay marayaan wado khaldan maxaayeelay aqonsiga Somaliland wuxuu ku xidhanyahay Somalida konfurta waayo iyagaa wax ka dhexeeyaan oo haboon inay wax meel isla dhigaan kalatag ama midnimo.

 Hadaba si arimahaa xal loogu helo waxaa haboon in dhinac kastaba la yimaado arin lagu furdamiyo 25 sano waxaana haboon in la qaado talaaboyinkan hoose oo xal u noqonkara heshiis laga gaadho:

1)      Hadii siyasiyinta konfurta dhab ka tahay midnimada somaliweyn waa inay ogolaadaan Saddexdan arimood oo kala ah:

Ø  Caasimada oo laga dhigo Hargeysa, madaxweynaha oo la siiyo reer Somaliland.

Ø  in loo qaybsado si isleeg barlamanka, iyo maamulka dawladeed.

Ø  in afti laga qaado reer Somaliland mudo laba sano gudahood lana aqbalo wixii ka soo baxa aftidaas midnimo ama kala tag wixii ka soo baxa.

2)      siyaasiyiinta reer Somaliland waa in aanay xaqiiqada iska indhatirin dadkoodana indhasarcaadka ka daayaan oo hadii ay dhab ka tahay wadahadalka in si dhab loo wadahadlo aqbalaana arimahan hoose:

Ø  in ay ogaadaan in aqonsigu ku xidhan yahay reer konfurta ay donayan inay kala tagaan.

Ø  inay ogaadaan inay Somalia ka mid yihiin inta ka horaysa heshiis laga gaadho in la kala tago iyo in kale.

Ø  in afti laga gaado reer waqoyiga ay aqbalaan kuna qancaan wixii ka soo baxa midnimo iyo kalatag labadaba.

CUMAR JAMAC——————-cumarjama1966@gmail.com. 00252634425205

Comments are closed