|

DHALINYAROOY, WAA MAXAY DIRSOOCANI QO’LO QO’LADAN JOOGTAA?

BISMILAAH—

waagii dilaacaba  nabarbaa i damqanayoo

dhegi waxa ay diidaa  maqalkay ku duxayee

waa maxay dakaankiyo  dudmadiyo afbuurkiyo

erayada diiciifkee foodlaydu diidee

cirrowgeenu doorbiday?

Mahad eebe ka dib, waxaa igu kalifay inaan maqaalkan isaga ah qoro, markaan arkay halka manta bulshadu marayso iyo sida bulshadeenii ugu milmeen cudurka qabyalada qudhunka ah iyo fikirka maangaabka ah, ee madhalaysnimo ee ay wadato iyo sida ay bulshadeena gadhwadeenka ugu noqotay qaab dhismeedkooda nolaleed haday noqoto mid siyaasadeed, dhaqan iyo dhaqaale, iyo fikirba. Inkastoo bulshada qaybaheeda kala duwan ay saamaysay qabyaaladu balhadana waxaan diirada saari doonaa doorka ay ku leedahay ubaha dalka (dhalinyarada)

Bulsho kasta oo aduunka ku nooli waxay leeyihin jiil cusub oo soo kacaya jiilkaas oo ay bulshadu baahi ugu qabto si ay isbadal ugu sameeyaan dhamaan kabayaasha nolaleed ee bulshada, jiilkaas oo bulshadu ka sugayso inay ku hagaan horumar iyo hiigsi nolaleed oo latabankaro, balhadaba u fiirso sida ay bulshadu uga sugayso  baahina ugu qabto horumara latabankaro, iyo sida ay dhalinta loo hanwaynaa  ay u samaysay cudurka qabyaladu iyo sida horumarkii looga hanwaynaa inay bulshada ku hagaan qaab dhismeed nolaleed oo fiican ay fadhiidka u tahay.  Manay dhicin dhalinta manta joogtaa inay fuliyaan wixii  bulshadu ka sugaysay.

Dhalinta manta joogtaa waa qaar ay saamaysay qabyaladu islamar ahaantaana caqligoodii iyo muruqoodiiba iyo fikirkoobii ku saleeyey hab fawaaxisha oo qabyaladaysan, iska daa inay bulshada horumar gaadhsiiyana  iyagaa u bahan wax mugdiga ka saara, bal u fiirso manta dhalinyaradu kama midaysna horumarka iyo hiigsiga nolaleed ee bulshadooda iyo lafahoodaba ,

Qaarbaa tahriibay oo ku leeday badaha, qaarbaa siyaasiinta afmiisharada ahi ugu adeegtaan hab beelaysan, qaarbaa gidarada camal la’aan la fadhiya, qaarbaa miciin mooday balwadaha.

Balse isma waydiiyaan wixii dantooda mustaqbal ku jirto, waayo waa ubaxii dalka mana yaqiinsana in dadkooda iyo dalkooduba sugayaan iyagoo ku hagaya aqoonta ay barteen iyo fikirkooga saliimka ah, isla mar ahaantaana ku midoobaya hal qabiil oo ah (dhalinyaro)  si ay uga midho dhaliyaan hiigsiga nolaleed ee mustaqbalkooda iyo dadkoodaba, uguna midoobaan  laxisaabtanka hadba cidii talada dalka haysa, balse may dhicin dhalinyarada manta joogtaa iyagaaba reer reer ukala fadhiya caqligooda iyo cilmigoodiina waxaa ragaadiyey qabyaalad madhalays ah.

Waana ta kaliftay in lagu adeegto, mustaqbalkooduna madow ku danbeeyo

Bal aan soo qaato tuducyo kamida mansada gurmad—–

 

Miyaan dhalinyaradu mid aheyn     miyaan diin qudhaati jirin

Dagalkeenu mid aheyn                      danta guud inoo ool

Waa maxay dirsoocani                       hebel diidkan joogaa

Daydaygiyo asqawgani                       garta oday u duubtee?

Da’yartii maxaa helay                          eey qolo qolo u doorteen?

Yaa duleeyey iyagoo                           duumada qabiilkiyo

Daacuunka reernimo                          xididkood ku durayee

Doocaanta ugu dhigay                        duliga iyo qadhmuunkaas?

Tallow mee digriigii                              dugsiga iyo iskuulkii

Duruustii la siiyiyo                                 digriga iyo quraankii

Macalinkii ku daallee                            qalbigooda ku dabacay

Mise daahan weeyoo                           cashar daa warkiisee

Dadnimaanay baranoo                         sida loo duloobiyo

Sida laysu daga iyo                                dulmiga iyo nustaantiyo

Sida laysu dalasadaa                             diwaanka ugu taal.

 

LASOCO, MAQAALKA XIGA

 

 

 

Sacad Jibril Ahmed

telephone: +25224463215

Hargeisa, Somaliland

Comments are closed